Home » Warar »

Fadhigii Baarlamanka KMG oo Mar Kale Gacmaha la Isula Tegay, Isla markaana markii Dambe Af Garad Ku Soo Gaba Gaboobey

Iyadoo maantay sidii qorshuhu ahaa xildhibaanada Baarlamanka KMG ee ka soo horjeeda Guddoomiyihii hore Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ay u Madalsanayeen Xarunta Golaha Shacabka ayaa sheekadaba waxa ay ku bilaaban tay Ciidamada ammaanka ee Goobtaas ku sugan iyo Xildhibaanada oo Foodda Is Daray kadib markii Ciidamada Diideen in wax kulana ah uu ka dhaco Xarunta Golaha

Ciidamada ammaanka goobta ayaa is hor taag ku sameeyay xildhibaanada markii ay soo bilowdeenba iyagoo u sheegaya in aan la ogoleyn shir Barlamanka xaruntiisa lagu qabto arrintaasna ay amar kaga haystaan Guddoonka Sare ee Baarlamaanka.

Xildhibaano ay ka mid ahaayeen Muuse Suudi iyo Cusmaan Caato oo xildhibanadaas hor boodaya ayaa u sheegay Ciidankii AMISOM ee Goobtaa ka dhawaa in ay meesha galayaan Xaqna ay u leeyihiin in ay meesha galaan xitaa haddii la soo raseeseeyo.

Xaaladdu markii ay halkaa maraysey ayaa waxaa arrinta soo dhex galay Taliye Xigeenka Boliiska kaasoo fasaxay in xildhibaanadu ay xaq u leeyihiin in ay fariistaan Goobta Shirka, sidaasna ay xildhibaanadii dibadda lagu horayay sidaa ugu gudbeen Gudaha Hawlka.

Shirkii Xildhibaanada maanta ayaa la sheegey inuu codsaday inuu ka soo qayb galo Guddoomiye ku xigeenla Labaad ee baalamaanka Casoowe taasoo ay ogolaadeen xildhibaanadii goobta ku sugnaa isagoona markiibana soo gaaray goobta.

Markii uu shirku bilowdey iyadoo uu shir guddoominayo Guddoomiye Ku Xigeenka labaad ee Baarlamnka ayaa waxaa goobta soo gaaray xildhibaano dhowr ah oo ka mid ah xildhibaanada Taageersan Guddoomiyanimada Shariif Xasan kuwaasoo markiiba isku dayay in ay Carqaladeeyaan Fadhiga.

Arrintaasina waxaa si aad ah uga Carooday Xildhibaanadii Shirka soo abaabushay kuwaasoo bilaabay in markiiba ay gacanta ula tagaan Xildhibaanadii doonayay in ay Fowdeeyaan Shirka halkaasoo Feer la iskala daalay.

Qaddar markii uu soconayay gacan ka hadalkii u dhaxeeyay Xildhibaanada kala fikradaha duwan ayaa ugu danbayntii Xildhibaanadii mucaaradka ahaa waxa u suurta gashay in ay ka gacan sareeyaan kuwii taageerayasha Guddoomiyaha Baarlamanka ahaa halkaasoo ay dibadda ka dhigeen Goobtii Shirka.

Murankaas iyo gacan ka hadalkaas kaddib ayaa waxaa si rasmi ah u bilowdey Fadhigii iyadoo uuna shir guddoominayo Guddoomiye ku Xigeenka Labaad ee Baarlamanka isagoona sheegey in Guddoomiyihii Baarlamanku uu dhacay isla markaana mooshin laga diyaariyo Guddiga qaban qaabad Gudiga Doorsshada kaasoo cod loo qaaday.

Xildhibaanadii goobtaa ku sugnaa ayaa Cod gacan taag ah ku ansixiyay in la diyaariyo Mooshin lagu dhisayo Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka halkaasoo si farxad leh ay Xildhibanadu isu gacan qaadeen iyagoona ku Faraxsan sida ay sheegeen Guusha ay gaareen.

Si kastaba Fadhiga ayaa soo gaba gaboobay iyadoo xildhibaanduna ay ku faraxsan yihiin inuu maanta Fadhigoodu uu shir guddoomiyo Guddoomiye ku Xigeenka Labaad ee Baarlamanka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.