Gacaliye akhriste, maqaalkan maanta waa nooc ka duwan kuwii hore, kowaas oo sadarro la akhriyo ahaa, sidaadaraadeed waxaan maanta akhristaha u soo bandhigay labada sawir oo hoos ku dhaggan.Balse intaadan u gudbin labada sawir aan kuu sameeyo “Brain storming” Maskax kicin. Mowduucu waa: Maareynta khilaafka:
Maareyn: waa arrin taagan wax ka qabashadeed, hagaajin.
Loolan; waa dagaal ama arrin kale oo aad laysugu howlo; dirir.
Khilaaf: heshiis la’aan; wax isku diidid; is-afgarnwaa;
1. Aasaaska khilaafku caado ahaan waa khilaaf ama iska-horimaad danaha, rabidda, waxyaaba ay tahay in la dhowro ama laga baqo.
2. Caadifadda iyo dareenka la xiriira mushkiladaha taagan iyo loolanka dadka howshaasi u taal.
Labada neef khilaaf daxmaray dartii waa kala jeesteen.
waxaa isugu xiran xarig adag oo aysan goyn karin.
Neef walba hortiisa waxaa tuunsan Cows cagaaran oo qoyan.
Neef walba hortiisa inuu u foofo xariga ayaa diiday.
Kolkey isla xayirmeen waa isku biqleeyeen – addima dambanae dagaal la isugu adeegsadeen.
Intaa dabadeed maxaa dhacay?, jawaabta akhristaha ayaan u daayey, waxaase muuqata in khilaafkii la maareeyay Cowskiina la wada cuney.
• Labada ruux dan ka dhaxeysa ayay ku loolameen farahana isugu taagtaageen
• Midba waddo ayuu qaaday
• Waa ahaanweydey.
• Hal waddo ayay wada qaadeen,
Intaa dabadeed maxaa dhacay?.
Afeef: Casharka sawiraadan aan ka dhex helay ayaan jeclaeystay akhristuhuna inuu ila wadaago, ilana fahmo, sidaa awgeed waxaan codsanayaa ujeedada inaan la margiyeyn -hadal waa margi- fahamkuna niyad wanaag ku saleeysnaado, oo wixii islaax loola jeedo xeyndaabkooda aan laga bixin.
Xildhibeen
Cabdiwali Sh. Maxamed
Wali_7_uk@yahoo.co.uk
21.12.2011
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.