Home » Maqaallo »

Gabaygan Magiciisa waxaa layiraahdaa Duni

gabaygaan duni waxaa curiyey c/laahi c/qaadir maxamud (kawtame)
isaga oo u waramaya saaxiibkiis jaamac hurfe xaaji oo gabyaa ah ugana waramaya waxa dunida uga muuqda gaar ahaane somaliya wuxuu yiri
Jaamacow meekhaan gabay hadaad maalmo iga wayday
Wiiraale iyo waxaan ku jiray meeratiyo faale
Aduunyada murkeedaan lahaa eeg halkuu maro

Maldahaan la dhoobaan lahaa eeg halkuu maro’e
Majaxaabadaan soconaysaan dayayey meesheede
Bal I maqal hadaan soo milmilay miro wanaagoode
Waa duni macaan beeshayoo dacar la miirtaaye
Waa duni masuul kaa dhahdaa magan ka liitaaye
Waa duni ninkii maato hela madaxa jeexaaye

Waa duni masaladii wacnayd diiday marinkeede
Waa duni ninkii muuji yiri ceeb muqwayn helaye
Waa duni mushkilad kii kawada magac ku yeeshaa

Waa duni macsida eebahay loo mubaax dayo
Waa duni wixii maanacnaa madal la keenaaye
Waa duni ninkii maadi yiri xooray maradiiye

Waa duni khamriga meelkastaba la iska miistaaye
Waa duni midkii qaban lahaa uu magowsadaye
Waa duni caqligu mootan yahay miro yar mooyaane
Waa duni kitaabkii mudnaa saartay meel darane
Waa duni micnaha diinigaa muran ka joogaaye
Waa duni macbuudkii lahaa marar la caayaaye
Waa duni islaam kala milmoo diiday miil qura’e
Waa duni ninkaad tiisa marin mici ku saaraaye
Waa duni masaajido dhexdood madaxyo yaalaan

Waa duni muftigu uu wataa maare xoog badan
Waa duni mashaa’iikh dhaheen dhiig islaam mudane
Waa duni ninkii maan yaraa miino loo raray

Waa duni kufrigu madax u yahay oo matalaaye
Waa duni ibliis meel dhigtoo mool ku sii wado
Waa duni masiibooyinkii soo mud baxayaane

Waa duni maslaxad aan lahayn marag illaahaye
Waa duni siday maanta tahay malagi dhaamaaye
Waa duni muraadkii qabriga aan mir ka ogayn

Maadooyin horre baa jiroo aadmi soo maray
Mursaliintii qaar baa inkiray oo markhaati leh
Iyagaba mudaa lagu lahaa maaligiin qira

Iska daa inay muujiyaan marinki toosnaaye
Makhruun dhaga la’ bay wada noqdeen madax adaygiiye
Waatii malgaha eebahay mar isku duubeene

Idinkuna hadaad daba martaan maxamed diintiisa
Hadaad maa’idiyo beenisaan maamulada eebe
Muuminuun hadaad diidaysaan ama mataalkeeda

Mujrimkii fircoon iyo namruud mowle niman beenshay
Oo maamulkiisiyo la baxay magacyadiisiiba
Oo muuse weeraray markuu xaqa u soo meershay

Iyagaba bad moolwayn leh baa lagu mahlaakeeyey
Waymuuqataa aakhirana mudasha doodiiye
Alla mahadleh yaan naar la mudan maray aduunkiiye

Mowlow mudnaan waarta iyo nabad mataanaysa
Mowlow islaam wada midoo xuma maquuneeya
Mowlow midnimo dawladnimo xumo maquuneeya

Mowlow makhluuq maan baryiyo mudanayaal jaane
Mowlow miciin kama dalbado mowtidii hore
Adaan midigta kuu hoorsadaye mowle ha iseejin

Mowlow maguugtii la’laa ama maqaawiire
Mowlow magool maleh dhulkaan miir aqoon badane
Mowlow masaakiinti waa magan illaahaye

Mowlow waxaan meeraynaa meelo kala dheere
Mowlow marnoolee dalkaan waa muraal jabaye
Rabow kaama maarmee mar un nabadi noomuuji

Curintii cabdulaahi kawtame
kawtame12@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Gabaygan Magiciisa waxaa layiraahdaa Duni "

  1. farhan says:

    runtii gabayga duni ee kawtame waa mid si dhab ah uga turjumaya dunida maanta

  2. Gabaygan magaciisa waxaa layiraahdaa: “Majarha ha noo qaban Allaa garan midkii roone”, wuxuu ku socdaa amaba aan kula hadlaya, dhamaan madaxda Soomaalida, hadday yihiin kuwo siyaasadeed, hadday yihiin kuwo bulsho intaba iyo waliba kuwa hadda ka dib doonaya in ay xilalkaas qabtaan, wuxuuna tilmaan ka bixinayaa xilku waxa uu yahay iyo waxa dadka Soomaalidu ay ka dhigteen, waxaan curiyay 3.11.2011, gabaygiina waa sida tan ee ka bogasho wacan.

    Murtidii iyo gabay waayadaan meeri malahayne
    Maskaxdayda kuma aanan hayn maanka iyo laabe
    Mugdigana waxaa iigu wacan iyo midabka aan yeeshay
    Kuwa madaxda sheegteen dadkii marin abalkooda
    Majaraha haddii loogu rido oo midigta loo saaro
    Marna aanan marinayn halkii mudane loo doortay
    Ha yeeshee markaan garashayday dib ula maansooday
    Waxaa ila mudnaatoo qalbigu talo ku meegaaray
    Mahiigaan sidiisii in aan maanka uga hooro
    Madaxdaay dhamaantiin su’aal miidan iga hooya
    Horta magaca aad wada qabtaan mirihi ii sheega?
    Macnihiisu wuxu yahay si dhabah iigu kala miira
    Ma in aad magaca aad heshaa iyo maqaam fiican?
    Mase waa masuul qarannimiyo maato kala saare?
    Ma in aad maryaha xiratabaa iyo shayga kan u muuqda?
    Mase waa mabbda’ą qarannimadu meel ha yara gaaro?
    Ma in aad malaayiin heshaa iyo lacagta miid deeda?
    Mase waa talay mudan tahee aan wax kala miiro?
    Ma in aad dunida meertabaa ood markaba raacdo?
    Mase waa maryaha aan u xiro marasta tii qaawan?
    Ma madfaca ku dumibaa guryaha kii u milic roonba?
    Mase waa ka daa ee u mari midabyo dheeraada?
    Ma codkaaga many sii sabaa iyo maqaamkaaga?
    Mase waa adaa lagu mutee mara ha hoo saasin?
    Ma laalushka miisbaa intaad meesha sare joogto?
    Mase waa musuqu waa xunyee meel isaga riixbal?
    Ma malcaamad diimeed furbaa iyo meel wax lagu qaato?
    Mase waa minxada aad heshaba suuqa kula meera?
    Ma mataan ku noqobaa midkii talada loo meersho?
    Mase Adaa mudane diid yuu wax maamuline?
    Ma ha meerto taladeenubaa oo yaanan magac yeelan?
    Mase waa maqaamkeena sare maanta aan hanano?
    Malyankaa su’aalood ka badan oo meel walbaba yaalla

    Ayaa mudan jawaabtood ninyohow madaxda doonaaya
    Hadaase meel isaga tuurto oo aadan dhuuxin mirahooda
    Mugdibaad ku socotaa dadkana waad mahtalakayne
    Majaraha ha noo qaban Allaa garan midkii roone.

    Hal abauurki

    Yaxye Xaashi Maxamad

    asad75love@hotmail.com
    abaadir75@yahoo.com

  3. Caano says:

    Salaan kadib,

    Aaamin, Aamin, waan ka helay runtii sida gabaygani u sawiray xaalada maanta jirta iyo ducada gabagabada ah.

  4. Shukri sh. says:

    Aamiin, aamiin, aamiin.