Home » Faallo »

Xajirnimada Diineed iyo Khatarta ay Ummada u Leedahay

Dr. Maxamuud C/Raxmaan – Al-Madiinah Al-Munawarah

  1. 1.     Hordhac Kooban

Mahad dhammaanteed waxay u sugnaatey Rabbi hufnaaye, naxariis iyo nabad gelyna suubaha Nabigeena korkiisa ha ahaato.

Waxaan qormadaan kooban ku qaadaa dhigi doonaa haddii Rabbi idmo mowduuc aad u muhiim ah saldhigna u ah dhibaatada guuntay ee ragaadisay ummadda Soomaaliyeed laga soo bilaabo markii ay ka xoreebeen isticmaarkii na gumeeyey wixii ka horeeyey lixdameeyaddii.

Waxaan ka hadli doonaa xagjirnimadda nooceeda diimeed iyo khatarta ay ku hayso ummada. Waxaan ifindoonaa Rabbi idankiis astaamaha ay xagjirnimaddu leedahay iyo waxa lagu garto qofka xagjirka ah. Waxaan si gaar ah isu bar-bar dhigi doonaa meelaha ay iskaga dhafmaan “xagjirnada diimeed” iyo “xagjirnada siyaasadeed”.

Xagjirnimaddu waxay weligeed ahayd cudur soo jireen ah oo sabab u noqda in Ummado rogmaan. Waxaan shaki ku jirin in Ummadda Soomaaliyeed la soo daristay xagjirnamadu ayna saldhig u tahay dhiiga xurmadda leh ee sida aan kala go’a hayn u daadanaya. Xagjirnadu waxay gaartey baarkeedi ugu sareeyay mar haddii maanta la ugaarsanayo Culimadii iyo biri ma geydadii isla markaasna loo arko in daadashada dhiiga xurmada leh lagu gaarayo raali ahaanshada Rabbi iyo shahiidnimo! Waxaa maanta gabad iyo gumaad ku jira nin door oo dhan hadday yihiin culimo diineed, aqoon yahan wax ku ool ah, oday dhaqameed iyo weli qofkasta oo waxtar u yeelan kara mustaqbalka ummadda.

 

Xagjirnadu waxay soo ifbaxday markii Nebi Muxammad (naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee) lagu tuhmay in uusan caddaalad samayn! Waa yaabe haddii uusan Nebigii Rabbi soo dirsaday ee risaalada lagu aaminay uusan cadaalad sameyn yaa laga sugayaa in uu cadaalad sameeyo. Xagjirnadu waxay soo bilaabantay markii Cali Ibnu Abii Daalib – oo ka mid ahaa khulafadii hanuunsanayd ahaana qof dhalin yaro ah ee Islaam qaata qofkii ugu horeeyay isaga oo noolna Janno iyo Rabbi raali ahaanshihiis loogu bishaareeyey – loo dilay in lagu Janno tago oo dhiigiiisa Rabbi loogu dhowaado (maxaa maanta shaley uga eg!). Xagjirnamadu waxa si bareer ah u soo ifbaxday marka dhiiga Culimada iyo dadka diinta fidinteeda ku cireystay si aan gabasho la hayn loo iftooday in la gumaado isla markaasna lagu andacoodo in lagu Janno tegayo.

Xagjirnadda iyo khatarta ay leedahay Qur’aanka iyo Axaadiista Nebbiguba aad ayay uga hadleen, waxaana laga qoray kutub aad u fara badan si ummada looga badbaadiyo cudurkaan wax-ma reebaha ah.

Nusuus badan ayaa kusoo arooray xagjirnimada, waxaanse hordhacaan kooban kusoo qaadanaynaa qeyb ka mid ah.

Rabbi isaga oo la hadlaya reer banii Israa’iil ayuu ku yiri: “Kuwa kitaabka la siiyeyow, ha ku dhicinnina xagjirnimo diimeed” (Nisaa, 171).

Xaddiis saxiix ah wuxuu Nebigeenu ku yiri (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha haatee): “War iska jira xagjirnimadda diimeed, maxaa yeelay ummadihii hore waxay ku haligmeen xagjirnimo diimeey” (Saxiix Jaamic Sagiir, xadiis # 2680).

Ibnu Mascuud (Rabbi ha ka raali noqdee) wuxuu Nebiga (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaato) ka weriyey in uu yiri: “Waa halaagsameen xagjirku, waa halaagsameen xagjirku, waa halaagsameen xagjirku” (Saxiix Muslim) – Saddex jeer ayuu Nebbigu (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) ku cel-celiyey khatarta ay leedahay xagjirnimadu darteed.

  1. 2.     Waa maxay Xagjirnimadu?

Xagjirnimo: waxaa lagu qeexaa in shay laga qabsado daaftiisa u shisheysa, ama looga baxo darafta ugu fog. Xagjirnaddu waxay la macno tahay xad-gudub oo ah in qofku uu talaabo soohdinata la ogolyahay. Waxaa lid u ah dhex-dhexaadnimada (sida ka muuqata shaxda ka muuqata dhanka midigta ah) oo ah in qofku ku ekaado xuduuda ama soohdinta sharciga ah oo uusan ka gaabin ama uusan talaabin sida Nebigu (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) u yiri: “Rabbi wuxuu idinka rabaa waajibaad ee ha dayicinnina, wuxuuna idiin xadeeyey xuduud ee ha gudbinina” (Bukhaari iyo Muslim)

Xagjirnamadu waxay leedahay labo daraf. Daraf waa in qofku ka gaabiyo ama ku gabood falo in uu la yimaado waajibaadkii la iska rabay waxaana loo yaqaan “Tasaahul”. Darafka kale waa in uu qofku la yimaado wax ka baxsan xadkii loo baahnaa waxaana loo yaqaan “Tashadud”.  Noocaan dambe waa kan caanka ku ah xagjirnada, isla markaasna ah cudurka halista ah ee umaduhu la idlaadaan. Asbaabta uu u noqday cudur halis ah waynu faah-faahin doonaa haddii Rabbi idmo.

Qormadaan qeybaheeda kale waxaan xooga saari doonaa noocaan dambe ee xagjirnada ah ee loo yaqaan “Tashadud”, “Tadaruf” iwm. Waxaan si gaar ah uga ka hadli doonaa haddii Rabbi idmo asbaabta keenta xagjirnimada noocaan ah iyo astaamaha lagu garto qofka qaba cudurkaan xagjirnimada dilaaga ah.

Xagjirnimadaani kuma eka diin keliya ee waxay kale oo gashaa dhaqanka, akhlaaqda iyo siyaasadda. Sidaa owgeed waxaan wax ka tilmaami doonaa (Rabbi idinkiis) isbar-bar dhigna ku samayn doonaa jawaanibta ay iska dhexgalaan xadgubuka siyaasiga ah iyo kan diimeed oo labaduba abuura bur-bur, deganaansho la’aan, dhiig badan oo daata, nabadgelyada oo laalanta iyo colaad aan dhamaan oo lagu le’do.

 

La soco …

W/Q Sh.Dr. Maxamuud C/Raxmaan 
Al-Madiinah Al-Munawarah
ilaak@hotmail.com

 

 

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Xajirnimada Diineed iyo Khatarta ay Ummada u Leedahay "

  1. shiikh diktoor maxamuud c/dirxmaan jazaaklah kheeyr maqaalkan alaah hakaa abal marayo anagana hanagu anfaco xagjirnimada dad badan ayaa ku ibtilaysan ahaah haka soo hanuuniyo.
    shiikh maxamuud waxaad xasuustaa kutubtii aad akhrinjirtay ee kala’ahaa
    fiqiga caqiidada dhaxalka iyo muxaadaradkii faraha badnaaaaaaa.
    hada waxaan ka faa’iidaysanaa naxwahii aad duubtay iyo fa’raa’iidka
    waxaan jeclaan lahayn in aan noobadiso casharada iyo kutubta si aan uga faa’iidaysano kheyr badan alaah haku siiyo denbigagana ha dhaafo jazaakalah kheyr.

  2. Mohamed says:

    Aayadda:
    يَا أَهْلَ الْكِتَابِ لَا تَغْلُوا فِي دِينِكُمْ وَلَا تَقُولُوا عَلَى اللَّـهِ إِلَّا الْحَقَّ ۚ إِنَّمَا الْمَسِيحُ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ رَسُولُ اللَّـهِ وَكَلِمَتُهُ أَلْقَاهَا إِلَىٰ مَرْيَمَ وَرُوحٌ مِّنْهُ ۖ فَآمِنُوا بِاللَّـهِ وَرُسُلِهِ ۖ وَلَا تَقُولُوا ثَلَاثَةٌ ۚ انتَهُوا خَيْرًا لَّكُمْ ۚ إِنَّمَا اللَّـهُ إِلَـٰهٌ وَاحِدٌ ۖ سُبْحَانَهُ أَن يَكُونَ لَهُ وَلَدٌ ۘ لَّهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ ۗ وَكَفَىٰ بِاللَّـهِ وَكِيلًا ﴿١٧١﴾

    Macneheedu maahan
    “Kuwa kitaabka la siiyeyow, ha ku dhicinnina xagjirnimo diimeed”

    Ee waa “Ehelu Kitaabkoow ha ku Xadgudbina Diintiinna…”

    Guluwwi: waa xadgudub, in ladhaafo shey xadkii uu lahaa. In diinta wax ay nafartay ladhaafo.

    Guluwwi-gu Maahan xagjirnimo. Xagjirnimo waa Asalraacnimo. Waa in dhinac la xigsadaa. Waa inaan laba shey dhaxdhaxaad laga noqon.

  3. Mohamed says:

    Walaalka qoray maqaalkan runtii wuu dadaalay laakiin hadafkiisa saxda muusan sheegin.

    Xagjirnimo waa Asalraac

    Xagjir = Asalraac

    Haddii aad rabto inaan dhaxdhaxaad ka noqono Asalka diinteena suuban iyo Gaalada waxa ay rabaan madhacayso.

    Nabigu SCW wuxuu sheegay in 3da qarni oo ugu horeysa inay u qeyr badantahay…Kuwaasi waa awoowayasheeni dhanka diinta oon Asal u leenahay. Xagooda hadii aan jirno maahan inaan qalad ku jirno.

    Haddii aanan xagga Nabigeena MUXAMMAD SCW aanan jirin halkeen aadna??????

  4. Ahmedbashir says:

    Asc dhamaan kadib waxan rabaa inaan in yar inaan isdul taago qoraal wadaadka jaamiciga ah ee qormada ku saxiixan. 1- waxaad tidhi xagjirnimadu waxey leedahay laba daraf oo kala ah TASAAHUL oo ah in laga gaabiyo waajibaadkii leyska rabay iyo TASHADUD oo aad ku tilmaantay in laga gudbo xadkii layidhi ha gooyina. 2- sida ka muuqata qoraalkaaga waxaad eeda culumada dusha ugu tuurtay koox diineed kamid ah kooxaha somalia jooga. Hadii aan wax yar ka tilmaamo kagaabinta waajibaadka iyo in la talaabo xadka labadaba waa qalad laga galay diinta islaamka iyo wadadii uu Alle jideeyay, laakiin adiga waxaad sheegtay inaan qaadaa dhigi doonta mid kaliya adigoo ka gaabsanaaya tan kale, marka soo maqaalkaaga looma fasiran karo inaad daraf kamid ah labada daraf ee aad ku tilmaantay qalad aad dhex dabaalaneyso, soo qoraalkaaga uma muuqdo mid lagu duraaya hal koox ee aan somali oo dhan aadan u qorin. Fadlan yaanan kuuugu xad gudbine isku day inaan labada qalad tilmaanto. Tankale, aniga aragtideyda gaaban waxey i tuseysaa ineysan jirin koox xad gudubtay ee ay jirto kooxo ka gaabiyay waajibaadkii Alle u sameeyay. Wax leysku heystaana ay tahay maxaad sidaan ugu fogaateen iyo qoloda kale ooo ku jawaabeysa Alla nafaray sidaan. Haddaan sii raacyo Alle weyne marna ma odhan haddii aad gacanta jartaan, haddii aad murtad dishaan iyo haddi aad gaalada la dagaalantaan waad xad gudubteen ee wuxuu sheegay in cadowgiisa lala coloobo. In cadowgiisa lala saaxiibo laga dhigto wali ayaa xad gudub ah. 2- tan culumada la laynayo waa arrin kale waxey u baahantahay baarid iyo ka fiirsasho badan in koox loo tiiriyo. Marka walaalow waxaad tahay nin jaamici ah laakiin isku day inaadan adiga ku xad gudbin qolo gooni ah