Home » Maqaallo »

Jawaab ku socota raga ka jawaabay axaadiithtii lagu heestay sh. Xasan takar (w/q Axmad Xalaal)

Bismillaah, waxaa waayahan dambe soo ifbaxay khilaafaad u dhaxeya qaar kamida culumada soomaaliyeed, khilaafkaa wuxuu lahaa dhan iijaabi ah oo masaa’il cilmi ah leesku heesto, waxaa jirtay sheikh Shibili in uu soo bandhigay 5 xadiith oo uusan asal u heynin oo uu kamaqlay sheikh Takar, wuxuuna ka codsaday in uu axaadiithtaas meel soo saaro.

Iyadoo jawaab laga sugayo sheikh Takar ayaa mid kamida shabakadaha ey leeyihiin alshabaab (somalimemo) waxey soo bandhigtay wax ey ugu yeertay BAXTHI oo ey sheegtay in ey jawaab u tahay sh. Shibili, 2 qormo oo ey kala qoreen laba nin oo aanan garaneynin darajadooda cilmiyeed, balse u ekaa dalabatul cilmi xamaasadeysan, hadaba sababta aan ugu jawaabaayo waxey tahay in arimo badan isku dhex qaseen, islamarkaana aan isleeyahay culumada waqti uma hayaan in waxyaabo sidan ookale ah ka jawaabaan, hadii laga aamusane ey suurta gal tahay in dadka qaar isdhahaan armaaba culumadu qaldanaayeen oo axaadiithtu asal laheyd, waxaase xaqiiqa ah in baxthigaas uu 0 taaganyahay, wiline axaadiithta asal loo heynin.

Hadaba si aan arimahaas u cadeynaa waa in aan mid mid isu dul taagnaa:

1. Waxaa laydinku dili doonaa magaca ” Irhaab “

Hadalkaasi waxaa nabiga u tiiriyay sh. Takar, she. Shibili iyo culumo muxadithiin badan ahne wey beeniyeen, baxthiga somalimemo waxaad moodaa in qoraagu uu kutubta kabaaray kalimada “Irhaab” wuxuu soo helay xadiith uu ka afeeftay sixadiisa balse uu mooday in uu ka dhex helay baahidiisa, xadiithkaas oo ahaa:عن ابن عباس رضي الله عنهما مرفوعاً يأتي على الناس زمان يستحل فيه خمسة أشياء، يستحلون الخمر بأسماء يسمونها بها، والسحت بالهدية، والقتل بالرهبة، والزنا بالنكاح، والربا بالبيع

Marka hore xadithkaas waa mowquuf, waxaa intaa sii dheer in xadiithku uusan ka hadleynin mowduuca leesku heesto, xadiithku macnihiisa waa “waxaa imaan doono zaman ey dadku xalaaleestaan shan walxaato, qamrada ey ku xalaaleestaan magcaha ey u baxsanaayaan, laaluushkane ku baneestaan magaca hadiyad, dilkana ku baneestaan baqdin galinta dadka, zinadana ku baneestaan nikaax, ribadana ku baneestaan beec” macnaha xadiithka uu soo qaatay qoraagaase waa sidaa, hadaba maxaa iska galay hadalkaan iyo hadalka lagu heesto Takar oo ah “waxaa leydinku dili doonaa magaca Irhaab” yacnii argagixiso ayaa tihiin ayaa leydin dhihi doonaa, oo sidaa darteed ayaa leydinku dili doonaa, bal aan soo qaadanno erayga aan is leeyahay qoraagu wuu ku sirmay oo ah والقتل بالرهبة“Dilkana ku baneestaan baqdin galinta dadka”, qoraagu kalimada baqdin galinta ayuu ka raacay xadiithka, balse asaguba ma inkirsana in macnaha hadalkaas uu yahay hogaamiyayaasha oo dadkooda u dila si ey ubaqdin galiyaan oo ey uga cabsadaan, asagaaba ku fasiray أن يقتل البريء ليتّعظ به العامة halkaan waxa irhaabka sameynaya waa xukaamta, arinta Takar lagu heestana waa waxaa leydinku dilaa idinkaa argagixiso ah, meesha kama muuqato marka arinta leesku heesto oo ah argagixiso ayaa tihiin ayaa leydunku dilaa, qoraaga waxaad moodaa in arintaas waqti badan galiyay balse wili su’aashu sideeda u taagantahay, wadaadka Takarna looga baahanyahay in uu xadiithkaas meeleeyo.

2. Xadiithka labaad ee lagu heestaa wuxuu yahay “Dajaal waxuu kusoo dagayaa Juruf guriga boqorka”.

Qoraaga ka jawaabay wuxuu soo qaatay xadiithkii Yoomul Khalaas, oo kamid ah maalmaha ugu dambeeya jiritaanka Masiixu Dajaal, isla maalintaane uu magaalada madiino ugasoo baxaayo nin mu’min an oo noqonaya ninka ugu dambeeya oo uu Dajaal awood u yeesho dilkiisa, su’aashuna waxey ku saabsantahay Dajaal imaanshihiisa, buurta Uxud oo uu nabigu sheegay in uu Dajaal fuulayane ma ahan juruf guri boqor, marka jawaabtaas maba ahan mid tacliiq u baahan.

3. “Markii mahdigu soo baxo waxaa ugu farxad badnaan doona reer Ciraaq dhibaatada ay ku jiraan darteed”

Xadiithkaas ninka ka jawaabay wuxuu soo qaatay hadal uu yiri cabullaahi ibnu camar ibnu caas, oo uu leeyahay reer kuufa ayaa ugu farxad badnaan doona soo bixida mahdi, adeer waxa Takar lagu heesto ma’ahan hadal Cabdullaahi ibnu Camar uu u tiiriyay, ee waxa lagu heestaa waa hadal uu u tiiriyay nabiyullaahu Muxamad C.S.W.S, cabdullaahi ibnu camarna hadalkiisa ma’uusan dhihin nabiga ayaan ka maqlay.

4. Haddii ciraaq la cunaqabateeyo, caruurtoodana la gaajaysiiyo waxaa soo baxaya mahdigii

Qoraaga ka jawaabay xadiithkan wuxuu soo qaatay xadiith uu soo saaray Muslim, عن أبي نضرة قال كنا عند جابر بن عبد الله فقال يوشك أهل العراق أن لا يجبى إليهم قفيز ولا درهم قلنا من أين ذاك قال من قبل العجم يمنعون ذاك ثم قال يوشك أهل الشأم أن لا يجبى إليهم دينار ولا مدي قلنا من أين ذاك قال من قبل الروم ثم سكت هنية ثم قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم يكون في آخر أمتي خليفة يحثي المال حثيا لا يعده عددا قال قلت لأبي نضرة وأبي العلاء أتريان أنه عمر بن عبد العزيز فقالا لا

dabcan culumada uu u jawaabaayo xadiithkan kama qarsanaan karo waayoo maalin kastaa ayey akhriyaan, xadiithkan wuxuu ka hadlayaa sadax arin oo dhici doonta, laba kamid ah waxey mowquuf ku yihiin raawiga xadiithka Jaabir, midka sadaxaadne wuxuu u rafciyay nabiga s.c.w, labada arin ee hore iyo tan sadaxaad waxaa u dhaxeysa aamusnaan iyo hadalka jaabir ee ah قال رسول الله صلى الله عليه وسلم.., hababa arintaas maxaan kala dhex baxeynaa?, kow arimaha uu jaabir sheegay iskuma xirna waayoo mudo la’aamuso ayaa u dhaxeysay, tankale hadey isku xiranyihiin uma dhaxeyn laheyn qaala rasuulullaah, marka sida meesha ku cad jaabir wuxuu ardaydiisa usheegay dhibaato ku dhici doonta reer ciraaq iyo Shaam, kabacdine wuxuu sheegay in nabigu uu dhahay waxaa imaaneya khaliifah maalka aanan tirineynin oo uun iska bixinaaya, hadaba meesha kuma cada hadalka leesku heesto oo ah hadii ciraaq la cunaqabateeyo waxaa soo baxaaya Mahdiga, labada arin ismalahan ee yaan la’isku riixin, waxaa sidoo kale xusid mudan in uusan Jaabir sheegin magaca MAHDI, khaliif kastaa oo lacag bixiyaana shardi ma’ahan in uu Mahdiga ahaado, waayo Cumar Ibn C/caziiz ayaaba horay noosoo maray, marka su’aashaas jawaabteedana fari kama qodna iyadana.

5. Mahdiga runta ah iyo kan beenta ah waxaa u dhaxeeya 20 sano

Xadiithkaas oo ahaa kii shanaad ee lagu heestay Takar qoraaga jawaabta uu kabixiyay maba ahan mid la tacliiqin karo, waayoo wuxuu galay mowduuc u gaar ah oo ku saabsan inta sano oo uu mahdiga noolaanaayo iyo wax lamid ah.

Marka somalimemo hadii ey mooday in su’aalihii sheekha culeesk ka qaaday oo ey iyadu ka jawaabtay waxaan leeyahay culeeska ayaad wadaadka ku badiseen, waxaan qabaa aniga in wadaadada leesku daayo, ragiinan ardayda ah ee aqoonta isbiday wili waxbaa idiin dhiman ee ha dagdagina.

Wabillaahi towfiiq

W/Q Axmad Xalaal

Caadle2@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.