Home » Maqaallo »

BURCAD-BADEED

Maan Dadeed waa mudacyo afkood waa mid ka mid ah Maahmaahda Soomaalidda, macneyn bandanna uma baahna oo waa macruuf. Ra’yiga in la isweydaarsado waa muhiim hadana in Fikradaha dadku ay is khilaafaan waa shey dabiici ah oo aan la yaab la heyn waxaase wax lala yaabo ah in qoraa Soomali magaceed wata oo misna Waaqica dhabta ah aan ka run sheegin ama si aan Cadaalad iyo dhab ka hadal ahayd wax uga qora Arimo badan oo ay ku jirto Burcadda badaha, Waxaana jecleystay in aan maro waddo aan ahayn middaa ay horay u mareen Dadka sida dhinac jirka ah wax u qaadaa dhiga ama u qora.
Arintan Burcadda badaha waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ay umadda soomaaliyeed la daalaa-dhaceyso, Waxaana Sababteeda koowaad loo tiriyaa in aysan jirin Dowlad Soomaaliyeed oo shaqeysa oo danaha dadkeeda iyo dalkeeda ka difaacan karta Cadawga hororka ah ee magacyadda badan leh.

ERAY-BIXIN.

Dhanka kale Erayga BURCAD-BADEED waxaa eray-bixintiisa leh aadna u buunbuuniyay warbaahinta guud ahanteed gaar ahaan warbaahinta Reer galbeedka, tan soomaliduna waxaad moodaa in wadaniyadii ayba ka luntay oo ay raad raacaan halka ay midda Galbedku marto. Hadaan usoo noqdo Erayga Burcad Badeed sida erayga ku cad ba waa laba eray oo la isku kabay deedna sameeyay Eray kale oo macna kale leh. Erayga Burcad sida aad Wada garanaysaan Wuxuu la macno yahay Erayo badan oo soomaliyeed sida Tuug,Mooryaan, qowleysato, Jidgal, iyo qaar kale oo idinka maankiina kusoo dhici kara, Sidaasoo kale Erayga kale waa Bad oo ah Dhulka ka baxsan berriga oo ay biyuhu ceegaagaan. Isku soo duuboo waa Tuugta/qowleysatada/burcadda badaha.
Sida ay qabaan in badan oo kamid ah umadda soomaaliyeed guud ahaanteed gaar ahaan Aqoon-yahanka wadaniga ah, waxaa loo qeybiyaa Burcadda badaha laba qeybood, waa mide BURCADDA WEYN iyo BURCADDA YAR YAR.

TAARIIKH KOOBAN.

Sida laga yaabo in aad intiina badan la socotaan kadib burburkii Dowladdii Soomaaliya 1991-kii waxaa meesha ka baxay waardiyihii iyo difaacii Badda Soomaaliyeed, sidaas si la mid ahna waxaa meesha uga baxay Xannaaneyntii iyo ilaalintii khayraadka Baddeena, haba ugu horeeyaan Kaluunka Qeybihiisa kala duwan, Hadaba waxaa sahal noqotay in ciddii doontaa ay Soomaaliya Baddeeda iyo berrigeedaba waxay doonaan ka sameeyaan, haday noqon lahayd kuwo ku shuba haraadiga suntan Nugliyeerka taasoo saameyn weyn ku yeelata Deegaanka, Cudurro halis ahna ay ka dhashaan , iyo sidaa soo kale qolyo Daldasha Khayraadka dabiiciga ah iyo kaluunka addunka loogu jecel yahay ee Uu Eebbe (sw) si gaar ah noogu maneystay.

BURCADDA YAR YAR .

Burcada Badda Ee Yar Yar waxay ku aburmeen Duruuftaas aan ka soo sheekeynay iyo Kadib markii ay bateen xaalufintii iyo boobkii lagu hayay Badda Soomaaliyeed. Qolyaha Boobka iyo bililiqadda joogtada ah ku haya baddeena kuma ekaan Badweynta Nasiibxumase waxaa uu hungurigoodii ula soo fogaaday dhanka xeebaha oo uu kaluun dhaylo ah ka buuxo.
Kaluumeysato markoodii hore ba naflacaari ahaa, kolkoodii horana Badda ugu jiray bariiska inay kasoo dhacsadaan oo biilasha cidaha kasoo saartaan ayaa waxaa si mowjad ah usoo dul dagay maraakiib ay ku rakiban yihiin warshado iyo mashinno waaweyn oo Kaluunka lagu gurto deetana lagu warshadeeyo.
Burcadda Badda ee waaweyn kuma ekaan dhacaas Iyo boobkaas balse waxay bilaabeen in ay burburiyaan wixii doomo ahaa oo ay wateen kaluumeysatadii masaakiinta ahayd dilna waa ugu dareen, waxaa bilowday nuuc diidmo iyo mudaharaad ah oo ka dhan ah Burcadda Weyn (Tuugadda Shisheeyaha ah), Kaluumeysatadiina waxay bilaabeen inay is abaabulaan si ay isaga difaacaan Xadgudubkaas lagu hayo Maadaama aysan Jirin Dowlad Adag Oo Ka Difaacda Horarka Dhaca Iyo Dilaka Iskugu daray.
Nasiib xumo kolka ay halkaa sheekadu mareyso ayaa waxaa laga barbar furay kaluumeysatadii is difaaceysay Burcad badeed aan u adeegeyn danaha Umadda Soomaaliyeed balse ay ku shaqeystaan Shirkado laga lee yahay Dalal shisheeye, sifo loo sii xalaaleysto dhaca iyo boobka lagu hayo khayraadkeed Umadda Soomaliyeed iyadoo looga faa’iideysanayo Daciifnimadooda iyo Dowlad la’aantooda. Kadib sameyntii ay Shisheeyuhu Sameeyeen Burcada Yaryar ee Saldhigtay Magaalooyin kamid ah Wadankeenna, waxaa sii xoogeystay Marmarsiyihii iyo Qolyihii Wadanka Nimcadiisii meesha cidlada ah ka helay markii horaba.
Markaan sheekadu waxay isu rogtay waxaan la dagaalameynaa Burcad Badeed, Waxaa si xadka bax ah loo soo dhoobay Maraakiib Dagaal oo aad u waaweyn, Baddii soomaliya waxay noqotay Neef raq ah oo ay Hilbihiisu isugu habar wacdeen Habar-dugaag. Xitaa Dowladihii cadawga isu ahaa Sida IIRAAN Iyo Mareykan Maraakiibtoodii Dagalka ayay keeneen, Dadku walwal ayaa galay oo waxaa laga cabsi qabay in lagu dul dagaalamo Cabsidaasna weli meesha kama maqna, Dowlad walibaa waxay ilaashataa Maraakiibta Baddaa ka gooshta, kuwa kuwa kalluunka u jillaaba iyo kuwa qashinka ku aasaba.
ISLAAMKA IYO DHAQANKA SOOMAALIYEED
Sharciga Islaamka ma ogola in la dhaco, ladilo ama ba la afduubto dad aan waxba galabsan, ha ahaadeen Muslimiin ama Dad aan muslim ahayn. Sidaa si la mid ah dhaqankeena soomaliyeed wuxu aad u xaqdhowraa aadna u ilaaliyaa Martida iyo dadka safarka ah waana xadgudub dhaqameed dhacdooyinka ceynkaas ah.

BURCADDA WAA WEYN EE BADDA:

Waxaa aad u haboonaan laheyd in Warbaahinta ay had iyo jeer ba hadal hayaan BURCADDA BADDA EE WAWEYN maxaa yeelay iyagaa ka Qatar badan kana dhibaato weyn Kuwa yar yar, laakiin nasiib xumo sidaan horay u sheegay Burcadda soomaalida ayaa Dambigii oo dhan dusha loo saaray tiiyoo aan lasoo hadal qaadin kuwa baaba’a iyo balambalka ku haya Baddeena.
Dhibaatoyinka ay BURCADDA WAAWEYN EE BADDA ku hayaan baddeena maaha kuwo lasoo koobi karo waxaanse ka xusi karaa kaso kow gurashadda kaluunka waxay aad u raadshaan nuuc ka mid ah kaluunka oo aad looga jecel yahay adduunka, meelaha uu sida gaarka ah ama kali kaliga ah ugu jirana waxa ka mid ah Wadankeena Soomaliya, Kolka ay helaan nuucaan kalunka ah waxay ururiyaan iyagoo nool nool iyo ukumahooda ba si ay ugu beertaan badahooda, taasoo sababi karta Xaaluf iyo ugu dambeyn in la waayo sidiisa ba.
Arintan waa dambi weyn oo laga galayo Umadda soomaaliyeed, waxaana aad u fiicnaan lahayd in la diiwaan galiyo shirkadahaas dhaca bareerka ah ku haya umadda.
Dhibaatooyinka kale oo ay nagu hayaan BURCADDA WAAWEYN EE BADDA Waxaa ka mid ah suntan haraadiga Nugliyeeraka ee ay ku shubayaan baddeena, taasoo dhalinaysa baaba’ iyo halaag ku yimaada kheyraadka badda iyo dhibaato caafimaad oo u soo gudubta dhanka berriga. Sida la arkay sanooyinkaan dambe waxaa aad u soo badanayay dhalashada caruur Tiibisho (TB) qabta xilliga uu Ilaahey Ifka keeno, waana dhibaato ku cusub ummadda soomaaliyeed waxaana sababteda leh Suntaas Baddeena lagu aaso oo ay Shaqsiyaad Soomaali sheegta ay Qandaraasyo ku soo qaataan si ay ugu soo waaridaan umadda Qashinkaas iyo suntaas, taariikhdaana xusi doonta Dambiilayashaas.

GABAGABO.

Inta aanan Xalka sheegin Aan ka codsado Warbaahinta Soomaaliyeed Qeybaheeda kala duwan inay waxa jira runta ka sheegaan, wadaniyad iyo dal jaceylna muujiyaan, Qaladaadka ay wiilal soomaaliyeed galeen sida ay u sheegaan si ka balaaran ay u shegaan Tuugadda aan waxba noo reeban ee dalda-laneysa Hantideenii sifo aan sharci ahayn, Warbaahintuna waa inaysan Umadda ku noqon Oraahdii can baxday Ee Ahayd “Col ku dhac oo Tuugo kuu ciidamisay”.
Ugu dambeyntii aniga waxaan xalka u arkaa in la helo Dowlad Sal adag oo Dalkeeda, Dadkeeda iyo Diinteeda Difaacan karta, Lana xisabtami karta Burcadda Badda Labada kooxoodba. Haddii kale Ruwaayaddu halkaa ayay kasii socon doontaa ilaa mar ay qoomamo iyo calaacal wax tarin ay dadku Hurdada ka soo toosaan.

WQ: Sayyidcali Xuseen Gaabane.
Gaabane99@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.