iyo Xaaladda Magaalada caabud Waaq oo Deggan Ka Gadaal Dagaalo Halkaa Ka Dhacay….
Warbixin: Maamulka Ximan iyo Xeeb oo oo Goodiyay…
Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafeey ayaa ka war bixiyay Daan daansi uu sheegey beryahanba in maamulkoodu ay ku hayeen ahlu sunada Gobolada Dhexe.
Afhayeenka ayaa sheegey inays an jirin wax u dhaxeeya iyaga iyo ahlu sunna, dhul ka dhaxeeyana uusan jirin sidaa darteed muddo dheer ay wadeen daan daansi aan geed loogu soo gabban,Hagafeey oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in muddo badan maamulkooda ay u dul qaadanayeen daan daansiga ahlu suna balse markan wixii ka danbeeya ay is difaaci doonaan lana dagaalayaan Ciidamada ahlu sunna.
Afhayeenka ayaa intaa raaciyay isagoo waliba ku hanjabay in dagaalku uusan ka dhici doonin degaanada ximan iyo Xeeb balse uu ka dhici doono Degaanada ay daan daansig ka wadaan ahlu sunna warkaas oo uu ula jeeday meelaha ay ka deggan yihiin Gobolka Gal gaduud.
Hadalkan afhayeenka Ximan iyo Xeeb ayaa waxa uu imaanayaa xilli dhawaan Guddoomiyaha Gudiga Fulinta ee ahlu sunada Gobolada dhexe uu sheegey in degaanada ximian iyo xeeb laga abaabulo kooxo Burcad badeed ah isla markaana ay Dad ajaaniib ah ka af duubtaan degaanadamaamulka ahlu sunna.
Ahlu sunna ayaa u digay Maamulka Ximan iyo xeeb in ay joojiyaan abaabulidda kooxaha burcad badeedda haddii taa ay joojin waayana ay la kulmi doonaan weeraro kaga yimaada dhinacooda.
Hadaladan hanjabadda u badan oo dhinacyadu is weeydaarsadeen ayaa waxaa ay imaanayaan xilli Degaano ka tirsan Gobolkaasi ay ka jireen dagaalo iyo is qab qabsi u dhexeeya maamulada halkaa ka jira.Si kastaba hanjabadan ka soo yeertay Maamulka ximian iyo xeen ayaa waxa ay noqon kartaa mid dhabaha u xaarta Dagaal labadaas maamul goradda ay isla galaan.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Xaaladda Magaalada caabud Waaq oo Deggan Ka Gadaal Dagaalo Halkaa Ka Dhacay.
Shalay gelinkii danbe ayay ahayd markii dagaalo sababay khasare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay gudaha magaalada Caabud waaq ee Gobolka Gal gaduud.
Dagaalkan ayaa la sheegey in uu u dhaxeeyay Malliishiyo beeleed ka amar qaadata Mudane ka Tirsan Barlamanka Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Maamulka ahlu sunna.
Xildhibaankaas ka tirsan Barlamanka ayaa maalmihii u danbeeyayba waxaa uu magaalada caabud waaq ka waday abaabulo maamul uu doonayay inuu iskii ugu dhawaaqo kaasoo ka madax banaan midka ahlu sunna.
Dagaalka ayaa markii uu bilowdey waxaa gebi ahaanba la jaray Is Gaarsiintii magaalada iyadoo Dagaalkuna uu xalay soo gaaray saqdii dhexe.,Wararka laga helayo degaanada ku dhow degmadaas sida balan balle iyo Xeraale ayaa waxa ay sheegayaan in dhimashadu ay gaarayso illaa Siddeed qof halka dhaawucuna uu gaarayo illaa iyo kow iyo toban Ruux oo u badan dhinacyadii dagaalku u dhaxeeyay.
Wararka laga helayo degaanadaas ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in dagaalku uu joogsaday ka gadaal markii Xildhibaankii Magaalada uu ka cararay Hor Joogayaashii Ilaaladiisa iyo maliishiyooyinkiisana la qab qabtay.
In kastoo Maanta Xaalad deganaan ah ay halkaa ka jidho ayaa haddana waxaa weli hawada ka maqan Is Gaarsiintii degmada oo gebi ahaanba go’an maalintii labaad.
Saraakiil u hadashay maamulka ahlu sunna ayaa sheegtay in saacadaha soo socda Is gaarsiinta dib loo soo celin doono isla markaana uusan haatan wax dagaal ahi soconeyn.
Si kastaba dagaalka ka dhacay Magaalada Caabud waaq ayaa waxa uu imaanayaa xilli muddooyinkii u danbeeyayba ay jireen khilaafyo u dhaxeeyay Maamulka ahlu suuna oo hore u iclaaniyay in degaanada ay ka taliyaan uusan imaan karin Mas’uul ka tirsan Maamulada dalka ka jira iyadoo xildhibaankana uu sheegey inuu u dhashay caabud waaq cid kalena uusan marti uga ahaaneyn taasoo sababtay isku dhaca keenay khasaaraha isugu jira dhimashad iyo dhaawaca.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.