Home » Warar »

Xildhibaan Cumar Islow Oo Ciidamada Ammaanka Ugu Baaqay In ay Qabtaan Oo ay Xiraan Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka.

iyo Shariif Xasan oo ka soo horjeestey go’aankii baarlamaanku xilka kaga qaaday…. Sidaas waxa uu ku sheegay waraysi ay la yeelatay idaacadda codka Maraykanka. Waxa kale oo Shariif Xasan sheegay in uusan arkin warsaxaafadeedkii uu go’aanka baarlamaanka ka soo saaray madaxweynaha DFKMG.


Halkan Ka Dhegeyso Waraysiga Shariif Xasan (VOA)


Xildhibaan Cumar Islow Oo Ciidamada Ammaanka Ugu Baaqay In ay Xiraan Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka.

Wixii ka dambeeyay markii qaar ka mid xildhibaanada Baarlamanka shir ay ku yeesheen Xarunta Golaha shacabka ay xilkii kaga qaadeen Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxaa soo baxaya Shirar jaraa’id oo iska soo wada hor jeeda.

Xubnahan ka tirsan Baarlamanka ayaa waxa ay Saxaafadda u adeegsanayaan Dagaal qabow oo ay ku doonayaan dhinac walba oo ka mid ah garabyada Baarlamanka in dhinaca kale uu sii riixo.

Mudane Islow oo ka mid ah Xildhibaanadii u Ololeynayay Xil ka qaadistii Guddoomiayaha Baarlamaanka oo isaguna shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedeyn kulul u soo jeediyay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Barlamanka Cabdiweli Shiikh Ibraahim Muudeey.

Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay Guddoomiye ku xigeenka inuu jabiyay Cahdigii ku meel gaarka isla markaana Ciidamo hubaysan ay gudaha Baarlamanka la soo galeen hubkooda kuwaasoo uu sheegey in xildhibaanada qaarkood lagu handaday hubkaas.

Mudane Cumar Islow ayaa u sheegay Ciidamada ammaanka in ay soo xiraan Guddoomiye ku xigeenka oo uu sheegey inuu yahay Nin denbiila ah isla markaana isku dayay inuu bur buriyo qarankii Soomaaliyeed.

Mudane Cumar Islow ayaa ku Goodiyay in maalmaha soo socda ay Mooshin ka keenayaan Guddoomiye ku xigeenka isla markaana ay ka qaadayaan xilka uu iminka sheeganayo..

Mar uu ka hadlayay Xasaanadda Guddoomiye ku xigeenka ayuu Islow sheegey inuusan lahayn wax xasaanad xildhibaanima ah isla markaana Ciidamada ammaanku amar ku qabaan in la xiro Maxkamadna la soo hor joojiyo.

Hadalkan kulal ee uu soo jeediyay Cumar Islow oo ka mid ah Sharci yaqaanada Baarlamanka ayaa soo qaatay qodobo dhowr ah oo qaarkood ka mid yihiin Xeer Hoosaadka Baarlamaanka iyo waliba Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Xildhibanka ayaa ku macneeyay Dembiga uu galay Guddoomiye ku Xigeenka mid uu ku mudan karo Xabsi Daa’in waa siduu hadlka u dhigaye isagoona sheegey in maalmaha soo socda ay wax walba kala caddaanayaan.

Mar xildhibaanka wax laga weydiiyay in Madaxweynuhu arrintaa qayb ka yahay ayuu sheegey in go’aanka waxa gaaray ay yihiin xubnaha baarlamanka madaxweynuhuna uusan wax shaqa ah ku lahayn.

Isku soo wada duuboo xiisadda u dhaxaysa Baarlamaanka iyo khilaafkan soo cusboonaday ayaa waxaa uu gaaray meel uusan weligiisa gaarin iyadoo cid kastaa oo hadasha ay intii taagteeda ah waxba isula harayn

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.