Home » Warar »

Shirkii Golaha Wasiirada oo maanta warsaxaafadeed laga soo saaray

Golaha Wasiirada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa iyadoo shirkani uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana shirkan looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ugu horeysay xoojinta Amniga dalka, gaar ahaana caasimadda, Waxqabadka Xukuumada, Miisaaniyad sanadeedka, Shirka Wadatashiga ee lagu wado inuu ka dhoco Garoowe iyo warbixin halka uu marayo gargaarka barakacayaasha.

Ugu horeyntii shirka waxaa lagu dhegeystay warbixin la xiriirta Amniga magaalada Muqdisho iyadoo hay’addaha Qaabilsan amniga ay sheegeen in Amniga Muqdisho uu ka soo reynayo ayna ku guuleysteen ka hortaga falalkii qaraxyada ahaa ee lala beegsanayay goobaha shacabku ku badan yahay, waxayna xuseen inay fashiliyeen qaraxyo iyo Miinooyin lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo hay’addaha dowladda iyo shacabkaba.

Sidoo kale, madaxda Amnigu waxay xuseen howlgalo ay sameeyeen ciidamada Amaanku inay ku soo qabqabteen dad lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen Amni xumida. waxayna tilmaameen inay dadkaasi ku jireen kooxo burcad ah oo dadweynaha dariiqyada u istaagayay kuwaasoo ka dhacayay Mobile-lada iyo waxyaalaha muhiimka ah ee ay wataan.

Sidoo kale, Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigtay Miisaaniyada sanadka 2012-ka iyadoo ay Miisaaniyadan xooga ay ku saartay Wasaaraddu sidii loo yareyn lahaa ku tiirsanaanta deeqaha dibadda ka yimaada, xooggana loo saari lahaa ku tashiga dakhliga gudaha iyo canshuuraha Berriga.

Sidoo kale, golaha Wasiirada waxay ka hadleen waxqabadka Wasaaradaha iyadoo Wasaarad kastana ay sharaxaad ka bixisay waxqabadkeeda afartii bilood ee la soo dhaafay, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay Wasiirada in Wasaarad kasta qiimeyn lagu sameyn doono waxqabadka iyo horumarkeeda laguna abaal marin doono.

Dhinaca kale, Golaha Wasiiradu waxay ka wadahadleen shirka lagu wado inuu ka dhoco magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu cadeeyey in shirkaasi ay si wanaagsan u socoto qaban qaabadiisa isla markaana qabsoomi doono.

– DHAMAAD –

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.