Home » Warar »

Drs Maryan Aweys oo Furtey Mashruuca loogu Magacdarey Mashruuca Nabadda Gobolka Banaadir

Xaflad lagu furayey Mashruuca Nabadda ee Shan degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir , waxaana Mashruucaan soo qaban qaabiyey Ururka Haweenka SWDC Somali Women Developments Center waxaana Fulinaya Hayadda UNDP Waxaana Mashruucaan oo Bilow ah ayaa laga hirgelinayaa Degmooyinka Waaberi , Xamar Jabjab, Xamarweyne , Wadajir iyo Wardhiigleey

Xafaladii furitaanka ayaa lagu qabtey Golaha Murtida iyo Madadaaladda Magaaladda Muqdisho waxaana Mashruuca nabadda Gobolka Banaadir faahfaahin ka bixiyey qaabka uu u bilaabanayo Marwo Sahro Axmed Maxamed oo ka mid ah Masuliyiinta hayadda SWDC waxayna sheegtey in lagu bilaabi doono Shan Boqol OO QOF Waxaana si wadajir ah uga qayb qaadanaya Afar Boqol oo ay ka imaanayaan Dhinaca Haweenka Shantaas Degmo,Boqolka Kale ay ka imaanayaan Ciidanka Booliska si ay isaga kaashadaan sidii loo sii xoojin lahaa Nabada Magaaladda Muqdisho

“Mashruuca waxaana ku bilaabeynaa Shan degmo ka dibna marka lagu guuleysto ayaan degmooyinka kale ku fidineynaa waana Mashruuc aan dooneyno in ay nabadda ka timaado dhinaca Bulshada waxana rabnaa in aan isku xirno Dadweynaha iyo Booliska waana Mashruuc aan fileyno in ay wax weyn uu ka taro nabadda “ ayey tiri Sahro Axmed Maxamed oo ugu baaqdey shacabka Gobolka Banaadir in ay kala shaqeeyaan Nabadda

Intii ay socotey Xafladii lagu furayey Mashruuca Nabadda Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qaybgalayaasha Maaweelinayey Fanaaniinta Hoboladda Waaberi oo halkaa ku soo bandhigey Heeso ka turjumaya Nabadda iyo sida Haweenka uga qayb qaadan karaan waxaana si weyn ugu qushuucay Xubnihii ka qaybgeley Xafladaas

Xubnhii halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan oo si weyn ugu dheeraadey heerarkii ay soo martey Magaaladda Muqdisho gaar ahaan dhinaca Nabadda 20-kii sanno ee ugu dambeysey isagoo sheegey in mAanta Magaaladda Muqdisho ay u soo Carfeyso yadadiiladii nabada ee lagu yaqiiney wuxuu sii raaciyey” Anaga waxaan dooneynaa in aan dhisno Magaaladda kuwana waxay doonayaan in ay burburiyaan laakiin kuwaas ka yeelimeyno waana la dagaalameynaa waayo waxay rabaan in Magaaladda sidaa ay sii ahaato oo lagu jiro Burburka iyo dib u dhaca

Mudane Tarsan wuxuu u Mahadceliyey Hayadda SWDC oo uu sheegey in ay keentey Mashruuc waqtrigiisii ku soo hagaagey isagoo ugu baaqey in Mashruucaan ee dhinaca Nabadda lagu balaariyey Degmooyinka kale , wuxuu kaloo uu sheegey Mudane Tarsan in shacabka soomaaliyeed aysan marnaba aqbaleyn in hantidoodii lagu cuno Magaaladda Nairobi isagoo intaa sii raaciyey “Haddii ay nabadgelyo Xumo ku marmarsiyoon jiraan waxaa fariin u direy Xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobey oo jabiyey Gidaarkii ay ku andacoon jirreen kuwa ku sugan magaaladda Nairobi, waxaan sidoo kale Haweenka ka soomaaliyeed aan leeyahay marnaba ha ogolaanina in Caruurtiina la dilo iyagana wax dilaan marka waxaa ka shaqeysaan sidii ay Caruurtiina wax u baran lahaayeen”

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Gabagabadii waxaa Xafladii lagu furayey Mashruuca Nabadda Gobolka Banaadir Xariga ka jarey Wasiirada haweenka iyo arrimaha Qoyska Marwo Maryan Aweys oo u mahadcelisey Hayadda SWDC IYO Hayadaha Fulineysa Mashruucaan ee UNDP ayey sheegtey in uu yahay Mashruuca dib u soo nooleynaya Nabaddii lagu yaqiin Gobolka Banaadir waxayna ugu baaqdey shacabka Muqdisho in ay gacan ku siyaan ka Mira dhalinta Mashuuraac oo ah kii ugu horeeyey oo noociisa ah oo laga fuliyo maadaama ay si wadajir uga qayb qaadanayaan Haween iyo Ciidamada Booliska

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.