Home » Warar »

Kulankii Baarlamanka ee maanta oo Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Gacanta is kula Tageen ka dib Markii uu Shirka soo galey

Xildhibaano Maanta kulan ku lahaa Xarunta Golaha Shacabka kuwaas oo maalintii shaley ahayd Xilkii ka qaadey Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaana kulankaan shir Gudoominayey ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ee shaley ay doorteen Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed waxaana laga doodayey qaabka loo dooran doono Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaana lagu guda jirey in la magaaco Gudiyadii Doorashada.

Intii uu kulanka socdey ayaa waxaa soo galey Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamanka Cabdi weli Sheikh Muudeey iyo Xildhiaano kale oo la socdey , wuxuu damcay in uu ku fariisto kursiga Gudoomiyaha Baarlamaanka maadaama uu hore uu ku sime uu ahaa waxaana markiiba u diidey Xildhibaano kale oo ahaa kuwii shaley halkaa ku shirey , wax la buuqabo oo la is aflagaadeeyo ayaa waxaa dhacay in qaar ka mid ah ay gacanta iskula tagaan.

Intii ay socotey Buuqaas ayaa waxaa ilkaha laga daadiyey mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka iyadoo Ciidamadda Amisom iyo kuwa Dowladda ay iyana dusha ka eeganayaan waxa ka socdey Xarunta Baarlamanka , wax la is hardiyo oo la is weeraro ayaa waxa markii dambe shirka ka baxay Gudoomiye ku xigeenkii iyo Xildhibaanadii la socdey ka dibna waxaa la soo xirey kulankii maanta oo ku dhamaadey Fowdo iyo Buuq

Qaar ka mdi Xildhibaanadii Xilka ka qaadey Shariif Xasan ayaa waxay warbaahinta u sheegeen in Gudoomiye ku xigeenka uu kulankii maanta ku sameeyey arrimo sharcidaro ah oo ka hor imaanaya Xeer hoosaadka Baarlamaanka waxayna sheegeen in isagana ka keeni doonaan Mooshin Xilka looga qaadayo iyadoo la filayo in maalinta berri ah uu Xildhiaanada Baarlamaanka ay kulmi doonaan isla markaana ay ka doodi doonaan Ajandayaasha horyaala oo ay ugu horeyso qaabkii loo waji lahaa ama loo qaban lahaa Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Madoobe Nuunow ayaa mar uu isna u waramayey Saxaafada waxaa uu sheegey in Gudoomiye ku xigeen Baarlamaanka Cabdiweli Shiikh Ibraahim Muudeey isna Xildhibaanada Baarlamaanka ay ka keenaan Mooshin maadaama uu buuq ka sameeyey isla markaana uu taageersan yahay Gudoomiyihi Baarlamaanka Shariif Xasan

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Cabdi weli Shikh Ibraahim Muudeey ayaa shir Jaraaid oo uu qabtey wuxuu u soo jeediyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shhiikh Axmed in uu Mowqifkiisa uu caddeysto ee aadan Xil ka qaadistii lagu sameeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka , wuxuu kaloo uu sheegey in Sharcidaro tahay in Xilka laga qaado maadama Heshiiskii Kambala uu dhigayo in aan wax Moshin laga keeni kari Madaxda Sare ee Dowladda.Hadaba halkee buu ku dambeyn doonaa Xil ka qaadista maadaama uu Gudoomiyihii hore uu taageero ka haysto Uganda Itoobiya waxayna wararka qaar ay sheegayaan in Shariif Xasan uu maalmaha soo socda uu gaaro Magaaladda Kambala si uu Madaxweynaha Uganda ugala hadlo Xil ka qaadisa iyo in lagu xad gudbey Heshiiskii Kambala

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Kulankii Baarlamanka ee maanta oo Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Gacanta is kula Tageen ka dib Markii uu Shirka soo galey "

  1. Abdirisaq says:

    Assalaamu Calaykum.
    Bahda Somalitalk aad ayaad u mahadsantihiin.
    Arrintaan anigu waa ku wareeray runti. maxaa yeelay;
    Marka ay xildhibaannadu codsadaan in loo furo golaha baarlaamanka, haddii aan oggolaansho laga helin guddoonka baarlamanka waa loo diidi jirey xildhibaannada oo lasoo kala eryi jirey, Markaan waxaad mooddaa labadi giddoomiye ku xigeen oo dalka jooga iyo gudoomiyihi oo maqan ayaa loo ogolaaday xildhibaannadu inay shirkooda caadi ugu qabsadaan golaha.
    Maalinki kowaad marki ay ku dhawaaqeen xil ka qaadista cid masuula oo aan ka ahayn kusimaha xilka gudoomiyaha oo ka hadashay ma jirto.
    Maalinki labaad marki uu yimid gudoomiye ku xigeenki oo gacan ka hadalku ka dhex billowday xildhuibaannada dhexdooda ciidanki Amisom iyo kuwi amniga ee dawladdu indhaha ayay ka fiirsanayeen oo hal tallabo ah ma qaadin, taas oo shakigeeda leh.
    Guddomiihi xilka laga qaaday oo malinti saddexaad ay marayso inti lagu dhawaaqay xil ka qaadistiisa hal erey ma siin saxaafadda uu ku difaacayo jagadiisa ama ku naqdinayo tallabada ay xildhibaannadu sameeyeen.
    Ma waxan u qaadan karnaa arrinta dhanba inay tahay ruwaayad la doonayo in qas iyo jahwareer lagu dhex tuuro baarlamaanka, madaxa ay isla wada galaan kaddibna marka ay isku murugto xaajada oo qirqir noqoto la yiraa sidaan nabad geyada ayaa qatar ku galaysa ee kala taga baarlamaan cusub ayaana lasoo dhisayaa?
    Arrimuhu inay sidaas u dhawyihiin waxa kuu muujin kara mee ninki xilka laga qaaday muxu la aamusanyahay hadduusan meel wax ku ogayn?
    Maxaa dawaddu aad isaga xil saari la’dahay inay ama ansixiso goaanka xildhibaanada shirey oo u sheegto guddomiyaha la riday iyo ku xigeennadiisu inay u hoggaansamaan aqlabiyadda baaralaanka oo aqbalaan rididda kana daayaan qaska shaqada baaralaamanaka ama u dhihi waayeen qodobkaan sharciga ayuu sidaan ku daba marsanyahay maxkamadda sarena loo amri waayay inay eegto arrinta si loo dedejiyo xal kaa gaarista arrinta.
    Waxa baarlamaanku usii wado shirarka, gudoonkuna u aamusay, qaskina aan loo fara gelin madaxdi qarankuna hadal kooban waxan ka ahayn aanay ugu darsan waa suaal da’weynoo madaxayga daalisay?