Home » Warar »

Kulankii Deemeedkii Minneapolis oo soo gabagaboobay iyo qodobo muhiima oo kasoo baxay

Waxaanu naseexo u soo jeedinaynaa dadka caadaystay dilka culimada, aqoonyahanka, iyo indheergaradka soomaaliyeed in ay  ka waantoobaan oo ay Ilaahay uga cabsadaan falkaas foosha xun ee dabargoynta ku ah ummada Soomaaliyeed”

BAYAAN KASOO BAXAY KULAN DIIMEEDKII LAGU QABTAY, MASJID ABUBAKAR ASSADIQ,  MINNEAPOLIS, MN

Waxaa lagu qabtay Masjidka Wayn ee Abubakar As-saddique Islamic Center Minneapolis, MN, Kulan Cilmiyeed halku dheggiisu ahaa: (SAAMAYNTA DHIMASHADA CULIMADU UMMADDA KU LEEDAHAY) Jimce 12/9/2011 ilaa Axad 12/11/2011, Laguna Falanqeeyey, Geeridii Allaha u Naxariistee, Sh. Dr. Axmad Xaaji Cabdiraxmaan, Waxaana kasoo Qayb galay dadweyne aad u fara badan, qaar kaloo baddanna wexey kala socdeen qalabka warbaahinta kala duwan. Culimada Kulankan ka qayb gashay ee hoos ku qoran, ayaa ka jeediyey madasha Muxaadarooyin kala duwan, kuna saabsan, khatarta ay leedahay daadinta dhiiga Muslimka iyo in si fudud lagu bannaysto, iyo Taariikhdii iyo Manhajkii Sh. Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxman,  Waxay kaloo kusoo bandhigeen, Fataawi iyo Hadallo tilmaamaya in Culimada la layn karo, iyo email handadaad ah oo dad aan la garanayn usoo direen  Dr. Axmad Allaha u naxariistee, Kadibna Culimadu wexey kasoo saareyn Kulankooda Baaqan Soo socda:
Waraysi Xasan Dhooye Idaacada VOA kala yeelatay Kulan Diineedka Xasan Dhooye hoos ka dhagayso
[audio:http://abuubakar.org/codmp3/waraysi_xasan_dhooye_dilkii_Dr.axmed.mp3]

1-     Dhamaan Culimada isugu timid kulan diimeedkan waxay uga  tacsiyaynayaan ummada Soomaaliyeed iyo ehelka iyo qaraabada,  geeridii Sh. Dr. Axmed Xaaji  Cabdiraxmaan Allaha u naxariistee,  oo lagu dilay shirqool loo dhigay, magaalada Boosaaso 9 Muxarram, 1433 (12/5/2011).

2-     Waxaan si xoog leh u cambaaraynayaa dilkaa gardarada ah,  cidkasta oo lug ku leh sida; cidii gaysatay, cidii ka qayb qaadatay iyo ciddii amarkiisa iyo fatwadiisa bixisayba.

3-     Waxaanu naseexo u soo jeedinaynaa dadka caadaystay dilka culimada, aqoonyahanka, iyo indheergaradka soomaaliyeed in ay  ka waantoobaan oo ay Ilaahay uga cabsadaan falkaas foosha xun ee dabargoynta ku ah ummada Soomaaliyeed.

4-     Waxaan uga naseexaynaynaa dadka bixinaya fatwooyinka  lagu banaysanyo dhiiga dadka muslimiinta ah gaar ahaan culimmada, in ay ka waantoobaan ilaahayna uga cabsadaan fatwada sharci darada ah oo ay bixinayaan. fatwadaas oo ay ka mid tahay tii Baydhabo ka soo baxday  iyo kuwii ka horeeyey, Fatwadaas oo ah tii  lagu dilay dhiigiisana lagu banaystay Sh. Dr. Ahmed xaaji  Cabdirahmaan sida Sh. C/qaadir Nuur Faarax sheegay, sidoo kale fatwooyinkaas oo sabab u noqon kara in culimo kalena la laayo.

5-     Waxaa xal u noqon kara dhibka umada Soomaliyeed  iyo mideynteeda dhaqangalinta shareecada islaamka arinkaas oo ah waajib sharci ah,  ayna  hormuud u yihiin culimada ehelka u ah, Iyo In loo daayo Ummadda Soomaaliyeed Arrimeheeda iney iyadu xaliso.

6-     Waxaanu ka soo horjeednaa aadna u cambaaraynaynaa fara galinta wadamada shisheeyuhu ku hayaan wadanka Soomaliya. Faragalintaas oo ay ugu dambaysay ta hada ay ku hayaan wadamada Kenya iyo Itoobiya.

7-     Waxaan ka digaynaa khatarta ay leedahay in ay koox kaliyihi maroorsadaan  aayo ka talinta  mustaqbalka umada Soomaaliyeed. Dhammaan qaybaha Ummadana waxaanu ugu baaqeynaa iney Ilaahay u tawbad keenaan, wixii khilaafana u celiyaan Shareecada Islaamka.
8-     Umada Soomaliyeed waxay maraysaa marxalad aad u adgag, waxaan culimada, aqonyahanada odayaasha,iyo indheergaradkaba kula talinaynaa  in ay si wada jir ah isaga kaashadaan  xalinta  dhibaatada umada soomaliyeed wada hadalna la furo.

9-     Ummada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Waqooyiga Ameerika iyo guud ahaan qurbajoogta waxaan usoo jeedinaynaa inay ku dhagaan Diintooda Islaamka ee Xaqa ah, kuna xirmaan Xarumaha Islaamiga ah iyo Culimmadooda.

Flayer-ka oo PDF ah halkan ka fiiri

Culimada bayaanka ku saxiixan:

1)      Sh. Cabdiraxman Sheikh Cumar  Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Golaha Imaamyada Soomaaliyed ee Waqooyiga America, Imaamka Masjid Abubakar

2)      Sh. Maxamed Idris Axmad        Guddoomiyaha Golaha Fulinta, Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga America

3)      Sh. Axmad Nuur Macalin         Imaamka Masjid Abubakar Assadiq, Seattle, WA

4)      Sh. A/rizaaq Xaashi           Madax Machadka Islamiga, Abubakar, MN

5)      Sh. Cabdullahi Ibrahim      Culimada Masjidka/Machadka Abubaker, MN

6)      Sh. Maxamed Mursal          Imaamka Masjid Al Ixsaan, St. Paul, MN

7)      Sh. Cabdirizaaq Sancani       Imaamka Masjid Rawdah, Minneapolis, MN

8)      Sh. Maxbuub Cabdullahi    Imaamka Masjid Darussalam, Barosville, MN

9)      Sh. Mohamed Shucayb     Culimada Masjidka, Machadka Abubakar, MN

10)   Xasan D hooye              Maamulaha Masaajidka Abubakar,MN
Taariikhdii iyo Manhajkii Sh. Axmed Xaaji C/raxmaan oo uu soo jeedinayo Sh Maxamed Idiris

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.