Home » Warar »

Dalbasho is xisaabin Xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha

Warkaas iyo Somali Women Developments Center (SWDC) oo Xustey Maalinta Xaquuqda Aadana 10 December si gaar ahna u eegtey Xadgudubyada loo geysto Haweenka Barakacayaasha.

Dalbasho is xisaabin Xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha

December 10, 2011, Muqdisho, Shabakada difaacida xuquuqda aadamaha ee Soomaaliya SOHRIDEN, oo ay ku mideysan yihiin ururada xuquuqda aadamiga Somaliya.

Dhamaan ururadan kor ku xusan iyago ka ambaqaadaya ahmiyada ay u leedahay Adduun weynaha Dabaaldega Munaasabada Maalinta Xuquuqda Aadamaha oo ku beegan 10-ka Disember 2011. Waxay ugu talagaleen iney la qeybsadaan dhamaan adduun weynaha xuskan qaasatan dhamaan ummadda soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

Hadii aan soo koobno xaalada guud ee xuquuqda aadamaha ee soomaalida waxaan ku tilmaami karnaa mid ay weli musibo ka taagan tahay, tiiyoo aysan weli ku guuleysan Dawlada Fedeaalka Ku meel Gaarka ah iney si buuxda u soo celisa amni iyo kala dambeyn ay shacabka isku laheyn karaan.

Waxaa dharaar cad la geystaan dilal qorsheysan, qaraxyo abaabulan oo ay inta badan ku dhacaan dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, taasoo u muuqata iney weli iska sii socdaan “waxaad doonto samee iskana dhex mushaax magaalada aad ka sameysay falalka dilka ah iyo qaraxaba”

Sohriden waxay xaqiijineysaa iney jiraan tacadiyo aan loo dulqaadan Karin ee soo gaara shacabka kuwooda aadka u liita oo horeyba ugu sugnaa xaalado qalafsan ee noloshooda la xiriirta.

Waxaan haboon in dadka geysta xadgudubyada lidka ku ah xuquuqda aadamaha iney ogaadaan in maalin la xisaabin doono ayna diiwaangashan yihiin, hadii ay ka baxsadaan mida bani’aadamka waxaysan ka baxsan doonin tii Alle.

Sidaas darteed, anagoo uga faa’iideysaneyno fursadan qaaliga ah waxaan u soo jeedineynaa Dhamaan bulshada Caalamka, Dwalada federaalaka, ururada bulshada rayidka ah iyo dhamaan bulshada soomaliyeed iney u guntadaan sidii loo dhawri laha xuquuqda aadamaha, isla markaasna iskala kaashadaan wadahadal dib u heshiisiin waarta iyo isu tanaasul si loo badbaadiyo inta hambada ah ee ka hartay ummadda somaaliyeed.

Mahadsanidiin

Eng. Sidow Hassan Mahdi
Representative Mogadishu Office SOHRIDEN


Somali Women Developments Center (SWDC) oo Xustey Maalinta Xaquuqda Aadana 10 December si gaar ahna u eegtey Xadgudubyada loo geysto Haweenka Barakacayaasha.

Waxaa Hotelka Saxafi Magaaladda Muqdisho maanta lagu qabtey Xuska Maalinta Xaquuqda Aadanaha ee 10-Ka December waxaana soo qaban qaabiyey Hayadda SWDC Somali Women Developments Center oo ah Hayad inta badan qaabilsan Haweenka iyo Caruurta waxaana si gaar ah ay Hayadda il gaar ah ku eegtey Xadgudubyada loo geysto Haweenka iyo Caruurta gaar ahaan kuwa ku jira Xeryahay Barrakacayaasha oo maalmahan loo geysanayo falal Kufsi ah

Xuskaan ayaa waxaa ka soo qaybgaley Masuuliyiin ka socotey Booliiska , kuwa Maxakamadaha , Garsoorayaal, Xeer ilaaliyayaal, Xildhibaano , Hayadaha u dooda Xaquuqda Aadanaha, Haween iyo Dadkii dhibanayaasha ee loo geystey kufsiga iyo Dilka waxaana ugu horeyn halkaa warbixin ka soo jeediyey Maryan Dakhal Xuseen oo ka mid ah Difaacayaasha Xaquuqda Aadanaha waxayna sheegtey in sababaha ay u doorteen in Xuskooda kulamaaniyaan Xadgudubada loo geysto Haweenka ku jira Xerooyinka Barakacayaasha ayaa sheegtey in arrintaan ay si aad u soo laab laabatey islamarkaana ay Haya’dooda dooneyso in Hayadaha Amaanka ay wax ka qabtaan iyadoo ugu baaqdey ka qabgalayaasha iyo dhibanayaasha in ay Su’aalo weydiin karaan Booliiska , Xeer ilaalinta iyo Maxkamahada maadaama ay Xuskaan ku martiqaadeen.

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Canab Xasan Cilmi oo ka mid Masuuliyiinta ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed waxay sheegtey in Dowladda Federaalka ay ka gaabisey wax u qabashada Haweenka iyo Caruurta ku jira Xerooyinka Barakacayaasha maadaama Xiliyadaan dambe loo geysto Xadgudubyo isugu jira Kufsi , Dil iyo Dhaca waxayna ka codsatey Booliiska,Xeer ilaalinta iyo Garsoorayaasha Maxakamadaha in ay xooga saaraan sidii dadkaas ku jra Xerooyinka looga badbaadin lahaa kuwa ku sameynaya Xadgudubyada

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Col Yuusuf Maxamed oo Xiriiriyaha Booliska iyo Dadweynaha wuxuuna ugu horeyntii u Mahadcelilyey Hayadda SWDC oo uu sheegey in ay isku soo dubaridey Barnaamij si weyn loogu baahnaa gaar ahaan sida ay u ururiyeen Tacadiyada loo geysto Haweenka iyo Caruurta kuwooda ku jira Xeryaha Barakacayaasha wuxuu intaa sii raaciyey “Xafiiska Xiriirka Booliiska iyo dadweynaha markii hore ma jirin balse dhawaan ayaa dib loo Howlgeliyey wuxuuna haatan ka Howgalaa Degmooyinka Gobolka Banaadir wixii talo ah ah halkaa baa noogu soo hagaajin kartaan waxaana jecel nahay in aan dib u soo celino kalsoonidii shacabka uu ku lahaa Booliiska” sidoo kale wuxuu sheegey in dadka dhibanayaasha aysan marnaba qarsan Xadgudubka loo geystey taasoo Booliska u fududeyneysa in Dambiilaha la soo qabto.

Laba Xidigle Cabdi fitaax Aadan oo ka socodey Xafiiska Baniaadanimada ee Booliska wuxuu sheegey in lagu tala jiro in Xerooyinka faraha badan ee ka jira Magaalada Muqdisho la iskugu keeni doono ilaa saddex Xero si ay u fududdaato Howsha Booliiska dadka ku jira xeryahaasi ay u helaan Nbadagelyo Buuxda wuxuunas u soo jeediyey Shacabka in ay la shaqeeyaan Ciidamadda Booliiska .

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley AVV Xasan Maxamed Cali Wariiri oo ka mid ah Masuuliyiinya Maxakamadda Racfaan iyo Cismaan Cali Jiisow oo isna ka socdey Xeer Ilaalinta waxayna sheegeen in shacabka looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan Hayadaha Amniga si loo soo qabto qofka Dambiilaha ah si Maxkamad loo soo taago waxay kaloo ay sheegeen in ay hayaan Kisas fara badan oo ku aadan Xadgudubyo loo gestey dadka Barakacayaasha hae yeeshee waxay sheegeen in Habaca jirana degdeg looga bixi doono

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Wxaa soo gabagabeeye Xildibaan Cabdi Abshir Dhoore oo sheegey in Waxa dad weynaha ka dhaxeeyo aan xil la iska saarin balse waxa gaarka loo leeyahay Xil la iska saarey taasin waxaa uu sheegey in ay ugu wacan tahay dadka soomaaliyeed oo aan u bisleyn habka Dowladnimoda inta taas laga helaayo Xadgudubyada ma joogsan karaan marka wuxuu ugu baaqey bulshada Soomaaliyeed in u soo jeestaan sidii ay ula shaqeyn la haayeen Booliska iyo Hayadaha Amniga wuxuuna u Mahadceliyey Hayadda SWDC oo uu sheegey in ay Bulshada Howl aad u muhiim ah u hayso.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Magaaladda Garoowe oo Diyaargarow Xooggan Ugu Jira Marti Gelinta Shirka Wada Tashiga Wejigiisa Sedaxaad.

Waxaa filayaa 15 Bishaan in Magaalada Garoowe ee Magaala madaxda Maamulka Puntland inuu ka furmo wejigii sedaxaad ee shirka wada tashiga Soomaalida ayaa waxaa guud ahaan magaaladaas laga dareemayaa dhaq dhaqaaq xooggan oo loogu jiro qabsoomidda Shirkaas.

Afhayeenka Maamulka PuntLand Axmed Cumar oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegey wax qabadka ay illaa iyo iminka xukuumaddu ku tallaabsatay.uu yahay mid aad u sareeyo isagoo sheegey in la sameeyey guddiyo kala duwan.

Gudiga Baratoolka ayuu sheegey in uu ka mid yahay Gudiyada la magacabay kaasoo qaabilsanaan doona ayuu sheegay soo dhaweynta iyo dejinta wufuudda ka soo qayb galaysa Shirka.sidoo kale wuxuu sheegey in si aad ah loo adkeeyey dhinaca amaanka .

Sidoo kale wuxuu afhayeenku sheegey inuu jiro Guddi qaabilsan arrimaha amniga kaasoo shaqadiisu tahay sugidda ammaanka wufuudda shirka ka soo qayb galaysa iyo waliba goobta uu shirku ka dhacayo kuwaaso sida uu sheegey si aad ah u xoojin doona ammaanka guud ee magaalada Garoowe/.
Af hayeenka Axmed Cumar ayaa sidoo kale sheegey in la magacabay Gudiga Wacyi gelinta kaasoo la tilmaamay in shaqadiisu ay tahay wacyi gelinta iyo abaabulidda shirka iyo Islooganiska iyadoo intaasi ay u sii dheer tahay qurxinta goobta uu shirku ka dhacayo iyo qalabayntooda.

Shirkan oo la filayo in shan iyo Tobanka Bishan inuu ka Furmo magaalada Garoowe ayaa gudiyadaas la magacabay durbaba waxa ay guda galeen hawlihii loo xil saaray. Waxaana la filayaa in gudii ka socda Xafiiska siyaasada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ay gaaraan saacadaha soo socda si ay u indha indheeyaan halka uu marayo qabanqabada shirka

Shirkan ayaa la filayaa in ay ka soo qayb galaan Dawladda Federaalka Soomaaliya, maamul Goboleedyada Gal Mudug, PuntLand iyo ahlu sunna wal jamaaca iyo Bulshada Rayidfka kuwaasoo qayb ka ahaa shirarkii midkan ka horeeyay iyadoona goob joog ahaan ay uga qayb galayaan wufuud Beesha caalamka ka socota.
Warar ayaa sheegaya in dhinaca Amaanka ay ka qayb qaadan doonaan Ciidmadda Amisom iyadoo warar aan ka helney siyaasiyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa noo sheegey in shirkaan qodobka ugu muhiimsan uu yahay in diirada lagu saaro qabkiiloo dhimi lahaa Baarlamaanka tirade badan waxayna ay sheegeen in laga dhigi doono ilaa 180 Xubnood

Si kastaba shirka ayaa la filaaya in lagu meel mariyo heshiiskii Kanbala oo sedaxda qodob ee ugu horeysa ay ka mid yihiin Dastuurka, Dawlad wanaagga iyo ka gudubka Hanaanka ku meel gaarka Soomaaliya iyadoo ay jiraana xubno iyagu si aad ah uga soo hor jeeda hanaanka Khariidada Nabadda Soomaaliya
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.