Home » Warar »

Xildhibaanada Baarlamaanka oo isku Balansadey in ay Berrito (Talaada) Xarunta Golaha Shacabka Shirk ku qabsan doonaan si ay Xilka uga qaadaan Shariif Xasan

In ka ba dan Boqol Xildhibaan oo ka tirsan Mudanayasha Baarlamanka ayaa waxa ay u ololey nayaan qabsoomidda Shir ay isugu imaanayaan Xildhibaanada ka soo hor jeeda Guddoomiyaha Barlamanka Federaalka KMG Soomaaliya.

Xildhibaanadan oo maalmihii u dambeeyayba shirar gooni gooni ah ku yeelanayay Hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay hore u shaaciyeen in maalinimada Talaadada ah ay si rasmi ah u furi doonaan shirkii Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Shirkan ay Xildhibaanadu maanta qaban qaabadiisa ku jiraan ayaa ajandhaha ugu horreeya ee ee hor yaala waxa ay tahay sidii ay xilka uga qaadi lahaayeen Guddoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Xildhibaanadan oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Sheegoow, Madoobe Nuunow, Cali Seeko iyo xildhibaano kale oo aad u tira badan ayaa Guddoomiyaha Barlamanka waxa ay ku Eedeynayaan arrimo ay ka mid yihiin Xad gudub uu ku sameeyay Sharciga iyo isagoo diiday in Mudanayashii baarlamanku isu keeno.

Xildhibaanadan ayaa si aad ah uga soo hor jeeda heshiiskii uu saxiixay Guddoomiyaha Baarlamanka ee ku aadana Hab-Khariidada ee loo yaqaan RoadMap oo ay sheegeen inuusaba Baarlamanka kala tashan iyo ariimo kale oo ay ka mid yihiin Keli Talisnimo.

Xildhibaanadan ayaa sidoo kale waxaa ay ka soo hor jeedaan Wakiilka Xoghhayaha guud ee qaramada Midoobay kuwaasoo sheegey inay hore warqad ashataka ah uga gudbiyeen gaarsiiyeena Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay markii uu dalka soo gaaray Todobaadkan.

Xildhibaan Cali Seeko oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka oo goor sii horeysey warbaahinta la hadlayay ayaa sheegey in ay soo gaartey in Guddoomiyuhu uu doonayo inuu Dalka Talyaaniga u dhoofo sidaa darteedna wuxuu sheegey in ay waraaqo u direen Ciidamada Amisom iyo kuwa Dawladda ee ku sugan Garoonka diyaaradaha isagoona sheegey in ay ka codsadeen inaan Guddoomiyaha Dalka ka dhoofin.

Xildhibaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in Guddoomiyuhu ay dacwad u taalo isagoo aan ka jawaabin dacwaddasina uusan xaq u lahayn inuu dalka ka dhoofo ,Xildhibaan Seeko oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in inta ka horeysa arrintaa uusan Guddomiyuhu shir guddomin karin Baarlamanka magaca Soomaaliyeedna uusan ku meteli karin wax ka badan xildhibaan Caadi ah.

Si kastaba xiisaddan ayaa maalmihi u dambaysey Cirka isku sii shareereysey iyadoo dhinaca kalena ay jiraan Xildhibaano taageersan Guddoomiyaha Barlamanka kuwaasoo ka soo hor jeeda Mooshinka laga soo gudbiyay iyadoona ay muuqanayso in mar kale Barlamaankii uu laba u kala jabay taasoo ah Caado looga bartay xildhibaanada barlamanka marka ay arrin sidan oo kale ah ay timaaddo.

WD: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Xildhibaano Soomaaliyeed oo Xoghahaya Guud ee UN-ka ka dalbaday in uu Xilka ka Bedelo Mahiiga


Xildhibaan Maxamed Shiikh Cali Woosh “Garoowe Ma Martigelin karto Shirka Wada Tashiga Maadaama Deegaanada Pundland ay ka dhaceen Xadgudubyo ka dhan ah”

Xildhibaan Maxamed Shiikh Cali Woosh oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in xildhibaan o uu k a mid yahay aanay dooneyn in shirka wada Tashiga Soomaalida xiligan lagu qabto Magaalada garoowe oo ah Magaala Madaxda Maamulka PuntLand.

Xildhibaanka ayaa durbaba Cuskaday Ajandhaha Shirkaasi oo uu sheegay inuu yahay Khariidada Nabadda Soomaaliya oo sharciyan aan Baarlamnka la soo marsiin taasoo uu ku sheegey in ayan sharci ahayn qabsoomiddiisa maadaama uusan markii horeba Barlamanku meel marinin.

Xildhibaanka ayaa dhinaca kale sheegey sababta aanay Garoowe u Marti gelin karin Shirka wada tashiga Soomaalida isagoona arrintaa ku macneeyay in Beelaha ka soo jeeda Koofurta Soomaaliya ay dhibaato kala kulmeen Maamulkaas sidaa darteedna aysan xiligan iyadoo laga wada hadal arrintaa aanay suurta gal ahayn in Garoowe ay marti geliso Shir Soomaaliyeed.

Xildhibaan Woosh oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in mudaba ay ka cabanayeen sida loola dhaqmo Soomaalida ka soo jeeda Gobolada Koofureed oo uu sheegey in degaanada PuntLand horey Tacaddiyo kala duwan loogu gaystey isla markaana uusan Maamulkaasi wax Cudur daar ah ka bixinin arrintaa sidaa darteedna haddii ay yihiin Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Koofureed ee Dalka ay shirka Garoowe Qaadacayaan.

Xildhibaankan ayaa ka mid ahaa xildhibaano muddooyinkii u dambeeyayba Eedeymo u soo jeedinayay Maamulka uu Hoggaamiyo Faroole kuwaasoo sheegay in ay hayaan Caddeymo la xiriira falakii Tacaddiga ahaa ee loo gaystey Dad ka cararay dhibaatooyinka Koofurta oo magansaday Maamulkaasi halkaasoo la sheegey in loo gaystay Dil iyo dhac.

Hadalkan xildhibaanka ayaa waxaa uu imaanayaa xilli maalinimadii shalay kulan ay yeesheen Odoyasha Dhaqanka Beelaha Digil iyo Mirifle ay sheegeen in waraaq ashtaka ah oo ka dhan Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ay u gudbin doonaan Maxkamadda Demiyada ee adduunka iyagoona ku Eedeynaya inuu ku xad gudbay dad shacab ah oo bara kacayaal ah.

Isku soo wada duuboo Maalinimada Khamiista ah ee soo socota ayaa la filayaa in shirkii wada tashiga Soomaalida Wejigiisii Sedaxaad inuu ka dhaco Magaalada Garoowe ee Maamulka PuntLand.

WD: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.