Home » Warar »

Haya’daha HARO iyo WAMY oo Iska Kaashadey Deeq Raashin ah oo ay Gaarsiiseen Dad Barakacayaal ah

Iyadoo weli ay socdaan gurmadka la gaarsiinayo dadka ku dhibaatoobay Abaaraha iyo Colaadaha ayaa Hay’addaha Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo kaashaneysa Hayadda World Assembly Of Muslim Youth (WAMY) ayaa deeq noocyo kala duwan ah gaarsiisey dadka Barakacayaal ah oo ku nool Kaamka Kalluunka ee degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Ilaa 550 qoys ayaa ka faa’iideystay qaybinta deeqdaasi oo isugu jirtay 10 kilo oo Bariis ah, 10kilo oo Bur ah, 5 killo Sonkor ah iyo 2 liiter oo Saliid ah, waxaana deeqdaani qaybiyey Wakiilo ka socday Labadaas Hay’adood kuwaas oo mid mid gacanta uga saaray qoysaskii barakacayaasha ahaa deeqdii loogu talagalay.

Qaar ka mid ah dadkii helay deeqdaasi ayaa u mahadceliyey Hay’addaha HARO iyo WAMY , waxayna sheegeen in raashinkaan ay si aad ah ugu baahnaayeen , waxayna ka codsdeen mas’uuliyiinta Hay’addaha in ay halkaasi ka sii wadaan oo ay il gaar ah ku eegaan dadka waxyeeladu ka soo gaartay Abaaraha iyo Colaadaha.

Sidoo kale qaar ka mid ah Wakiilada Hay’addaha HARO iyo WAMY oo iyana halkaasi ka hadlay ayaa iyana waxay sheegeen in ay qaadanayaan wixii talooyin ah oo ay u soo jeediyeen dadka Barakacayaasha ah, isla markaana ay laba jibaari doonaan deeqaha la siinayo dadka dhibaateysan.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Hay’adda HARO oo sannooyinkaan dambe hawlo dhinaca Biniaadanimada ah ka waday Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada Soomaaliya ayaa waxay qayb libaax leh ka qaadatay sidii ay raashin u gaarsiin lahayd dadkii dhawaan ay dhibaatadu ka soo gaartay Abaarihii ku dhiftay koonfurta Soomaaliya, sodoo kale hay’addaan ayaa waxay deeqoo noocaan oo kale ah gaarsiisay qaar ka mid ah dadkii ku soo waxyeeloobay abaaraha iyo colaadaha ee ku sugnaa Goboladda Soomaaliya ..

WD: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.