Home » Warar »

Sheekh Xasaan: Halganka maanta dunida kasocda wadaadada xagaldaacinaya oo docwareemaya Yastaxiquuna in aduunka ladhaafiyo

Sheekh Xasaan ayaa yiri “Aniga mowqifkayga ku aadan wadaadadda halganka maanta dunida kasocda colka la ah ee ladagaalamaya, anigu waxaan qabaa aduunkaba in la dhaafiyo, hadda kahorna waa idiin sheegay li’ana fitnaday ummadda ku hayaan baa kadaran.

Halkan hoose kadhegeyso codkii

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/xasaan.mp3]

Malihi waa gaalo, Malihi dhiigoodaa banaan asaalatan, laakiin fasaadka ay halganka iyo ummadda ugeysanayaan ayaa waxkastaba kadaran.

Ayagu inay muta-awiliin yihiin baa laga yaabaa oo aakhara aan lacadaabin oo aaney naarba tegin baa laga yaabaa, laakiin ta,wiilkaagu wuxuu kuu cudurdaarayaa cindallaahi Subxaanuhu watacaalaa oo wax kuu taraayaa laakiin fasaadka aad dunida geysey inuusan waxba kuu qaban baa laga yaabaa sidaa darteed meeshan oo kale waxaa layiraahdaa Alqaatalu Mujjaahid Wal maqtuulu shahiid.

Kii wax dilayna waa mujaahid kan ladileyna waa shahiid Mays qaban kartaa? waa isqaban kartaa waxaa laguu dili fasaatka hadalkaa kadhalan iyo fatwadaada ka dhalan iyo duri taanka kadhalan iyo burburka ka dhalan.

Laakiin maadaama aad muta,wil ahayd oo daliil waxaad moodey aad daliil uqaadatay oo sidanina ay kula qumanayd Illaahayana aad ugu dhowaanaysey illaahay subxaanahu watacalaa inuu kuugu cudurdaaraa laga yaabaa, laakiin sharkaagaa aduunka lagu dhaafinayaa umadda.

Sidaa darteed baa lialqaatil mujaahidun wal maqtuul shahiid taas waxaa soo hoosgeli ruuxa muslimkaa oo gaalo ku dhexdhinta oo aan la ogeyn kaas isaga xaqdaraa lagu diley laakiin maanan ogeyn kii wax diley waa mujaahid kan ladileyma waa maxay?waa shahiid liana isagu sabab meesha kuma lahayn oo mudarib maahayn mujaahidkuna ma ogeyn mujaahidka waxba looma haysto asagana waxba loomahaysto haduusan gaalada lasafnayn.

Halkan hoose kadhegeyso codkii

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/xasaan.mp3]

Idan qadiyadda halkaasaan kataagnahay inlagu eedeeyeyna waad ogtihiin oo xataa kutub layska qoray waa lasocotaan halkii baan taagnahay wadaadaha halganka maanta dunida kasocda iyo muslimiinta iska caabinaya gaalada xagaldaacinaya oo docwareemaya Yastaxiquuna in aduunka ladhaafiyo Wabilaahi towfiiq, ayuu yiri Sheikh Xasaan.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

21 Jawaabood " Sheekh Xasaan: Halganka maanta dunida kasocda wadaadada xagaldaacinaya oo docwareemaya Yastaxiquuna in aduunka ladhaafiyo "

  1. carafaad says:

    Allahu Akbar.
    Allah subxanahu wa tacaala ha dhawro shiikh xassaan. Allaah wuxuu fahamsiiyey diinta. wuxuu kaloo Allaah shiikha siiyey balaaqo iyo geesinimo iyo deeqsinimo in yar uun Allah ku irsaaqay culimada muslimiinta maanta dunidan joogta.
    Maashaa Allaah tabaaraka`llaah, Geesiga hooyadii ma goblanto laakiin fulayga hooyadii isagoo noolbay ka goblantaaa ILLAHOW YAA CAZIIZ YAA XAKIIMOOM dhawr oo difaac shiikhunaa xassaan, wabiLLaahi towfiiq.

  2. TAATIKO says:

    waxaa su’aal iga ah jihaadka uu sheegayo ma kii al shabaab mise midkale?

    hadii uu ka wado jihaadka ku sheega al shabaab ee soomaali oo islam ah lagu laaynayo. ninkaan waa in si dag dag ah loo maxkamadeyaa. wuxuu dhiiri galinayaa in la dilo qof muslim ah

  3. saleh says:

    sheekhan kalimadiisa isagay xujo kutahay kuna noqoneeysaa markaan kafiirino dhiancyo badan.
    1.waxuu yiri qofkan waa muslim gaalweeyana dhihi maayo, hadana dilkiisu waa banaanyahay.
    qof aad islaanimadiisa sugtay waxdanbi ah oo waajibiyay dilna aadan kuhayn horta sidee udilaysaa.
    عَنِ ابْنِ مَسْعُودٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ، قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: لَا يَحِلُّ دَمُ امْرِئٍ مُسْلِمٍ [ يَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَا اللَّهَ، وَأَنِّي رَسُولُ اللَّهِ] إلَّا بِإِحْدَى ثَلَاثٍ: الثَّيِّبُ الزَّانِي، وَالنَّفْسُ بِالنَّفْسِ، وَالتَّارِكُ لِدِينِهِ الْمُفَارِقُ لِلْجَمَاعَةِ .

    Waxaatiri waa nin fasaadsan waxna fasaadinayo kaasaa loo dili, hadaba su aashu waxay noqon sheekh xassanow adiga hadalkaada waxaa kadhalanayo fasaad waayo waxaad fatwootay in ladili karo culumada hadaba adiga dilkaada ninkiibaneeysata kawan/

  4. Guuleed says:

    Subxaanalaah qof caadi ah o miir qabo islaam ah waxas o kale kuma hadli karo INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

  5. maxamuud says:

    salaaama caleykum
    walaal sheekh xasanow walaal kelimadaa aad tidhi malaga yaabaa in culimo badan oo somaliyeed in loo dilo ood dembi ku yeelato madaama aad fadwootay mase laga yaaba in aad qaldan tahay ayna kaa saxsan yihiin waxaan og nahay qarax ka dhacay muqdisho bilihii bilihii la soo dhaafay ay ku dhinteen arday badan ama tii gug dambay sey waxaa ku dhintay haween danyar ahtaas ma la odhan karaa waa jihaad waayo qaraxa waxaa lala ee gan muslimiinta mise waxaan fikrada diina haysanini maaha muslimiin wabilaahi towfiiq

  6. Adoon Alle says:

    Akhi Murshid

    Marka hore Assalamu alaykum

    Akhi waa mas’alo culimadu taqaano in qof loo dilo fasaadkiisa, mana aha wax uu Sh. Xassaan hada la yimid.

    Markaan saas leeyahay, maaha hadalka in loo badalo “culimadda in la laayo”, waayo meesha waxaa laga hadalayaa mas’alo diin ah, qof shakhsi ah maaha.

    daliil:

    Waxaa uu Shaykhul Islam ibn taymiyah majmuucul fataawa wuxuu ku yidhi:

    ومن لم يندفع فساده إلّا بالقتل قتل،مثل المفرّق لجماعة المسلمين،والداعي إلى البدع في الدّين

    Hadana mar labaad:

    ويجوز القتل تعزيرا وسياسة في مواضع
    20/101

    Marka Sheekh xassan wuxuu ka hadlayaa halgan sharci ah, sheekhii dhaha “yaanan la iska celin gaaladda”, oo dadka hagardaameeya, niyad jab ku ridda, ummadii dhiigoodii bilaash gaalada uga dhiga, sida culimo shiica ah laga hayo. Kuwaas oo kale aduunka in la dhaafiyaa ummadda u khayr badan, hadiii kale dhiigii ummaddaa sidaas ku xalaaloobi.

    Markuu sheekhu sidaas leeyahay, marna culimadda Ictisaam ama soomaaliya muusan soo hadal qaadin, mas’alo qayaxan uun buu ka hadlay. Hadalkan sheekhu yidhina sidaan horay ku soo tusay, Shaykhul Islam ibn taymiya iyo culimo kalaa qabta, in qof loo dili karo fasaadkiisa dartiis.

    Sidoo kale casharadda uu Sheekh shible ka bixiyey Bidcadda mawliidka ee ku jirta internetka, wuxuu sheekhu ku sheegay in hadi “bidcoolaha” loo taag waayo, oo uu qaadan waayo nasiixadda la siiyo, in marmar qoorta la gooyo, si ummadda sharkiisa looga qabto.

    Marka arintu waa mas’alo diin ah, culimadda in la laayana qof qabaa ma jiro. Waxaa laga hadlayaa “qof fasaad ma loo dili karaa, si ummadda sharkiisa looga qabto, caqiidadoodana loo badbaadiyo”, jawaabtu waa haa.

    Ugu dambayn waxaa mudan in halkan lagu sheego, inuu faroole Garoowe ku dilay labo nin uu lagu tuhmay Al-shabaab, waxaan walaalaha waydiin lahaa “toogashadaas” uu fuliyey Faroole, maaha mid iswaydin mudan miyaa? waayo maalinkiii Axmed Keysa loo dulay “jaajuusnimo” idaacadahoo dhan waa la ogaa wixii ka dhacay, maanta oo labo nin loo dilay “al shabaab bay jaauusiin u ahaayeen, oo dad bay dileen”, hal kalmad lama hayo?

    Sidoo kale, in dhalinyaro badan lagu xidho inay jaajuusiin, ama taageerayaal Al.shabaab u yihiin, yacni waxaa loo xidhay, qaarna loo dilaa inay “fasaad wadaan”! Halkaas waxaa laga arki in xaraa faroole mas’aladan “fasaadka qof loo dilo, ama loo qabto” uu aaminsanyahay.

    Miyeysan xoogaa ahayn cadaalad darro arintaasi?

    Allow cadaalad nagu irzaaq, culimadeena is waafaji, wixii shar wadee naga dhex shaqaynayana naga dhex saar.

    Allahumma ameen

  7. mohamud says:

    wadaadow xaal qaado

  8. Sheekha sida fuleynimada ah loo dilay waa wax dhaqanka Soomaalida iyo Bini’aadannimada labadaba aad ugu xun isla markaana waa arrin aanu damiirku aqbali Karin. Taas waxaa lamida dilka loo gaysto dhamaan dadka birimageydada ah ee gayiga Soomaaliyeed lagu gawraco habeen iyo maalin.

    Laakiin waxaad ogaataan arrimahani kuma cusba diinta Islaamka oo waxaabad mooddaa inay sunno rabaani ah noqotay in dadka nusuusta raaca ay ku dambeeyaan inay iyagu isgawracaan. Kasoo bilaaw asaxaabadii rasuulka (scw) ee iyagu eberka iska dhigay dagaaladii jamal, Safayn…iwm, Ilaa laga soo gaaro xarakaatka mucaasarka ah ee ay ugu dambeeyeen kuwii halgankii Afghanistan ee markii Ruushku meesha ka baxay iyagu isku soo jeestay.

    Sababtuna waxa weeye, waxay dhalinyarada ku ababiyaan inaanay fekerin oo aanay damiirkooda hawlgalinin iyagoo u daliishanaya “ wamaa kaana li mu’minin walaa mu’minatin idaa qadallaahu warasuuluhu amran an yakuuna lahumul khiyaratu……” waxana halkudhig unoqotay (hadaan fikradayda kuu sheego diid, hadaanse Nas kuu sheego waad ku sandulleysantahay inaad raacdo) Nasiibdarro waxaan caddayn xuduudda nusuusta iyo aragtida udhaxaysa. Waxa kale oo aanan la ogayn nusuustaa micnahooda, oo xitaa asxaabtii ayaa isku khilaaftay nusuusta badankeeda iyo waxa laga wado.
    Waxaan xusuusta sheekii ugu horeeyay ee quraanka ii fasiray wuxuu oran jiray ( Qataade saasuu ku fasiray, Ibn cabaasna saasuu ku fasiray, hebelna sidaas, ilaa uu kasoo gaaro ibn jariir) markaasaan oran jirey kee sax ah? markaasu iigu jawaabi jiray ilaahay baa garan anagu garan mayno.
    Haddase waxaan haynaa culimo wax walba cadaan iyo madaw u yihiin sidaa awgeed ayaa waxaa la sahlanaatay in la yiraahdo kaasaa saxan oo kaasaa naskii ah, waxa kalana waa fikrad. markaasaa waxaad arkaysaa boqolaal nas oo iska soo horjeeda. sidaa awgeed wixii ku dhaca culimadan iyagaa isu keenay maxaa yeelay dadkii way ka xireen kana awdeen awoodii fekerka.

  9. Abdi M. says:

    AWW.
    Salaan ka dib, waxaan ku wareersanaa oo aan raadin jiray waxa dadka muslimiinta dad diin sheeganaya ay ku baneysteen dhiigooda. sida aan la socono waxaa inta badan la dilaa dadka iyagoo ka soo baxay salaad weliba salaadaha dad badan ay adag tahay iney xaadiraan sida cishaha iyo subaxa. Meesha lagu dilaana waa masaajidyada. Waan arkayay in ninkii fikir ka duwanaada ay laayaan qolada ninkaan sheekhnimada loo nisbeeyay ka soo jeedo. Daliisha ninkaan waxa ay ka soo hor jeedaa nusuus cad cad oo meel looga leexdaa aysan jirin. Fikirka ninkaan waxa uu ka gadmaa oo kaliya dadka aqoon la’aanta la ildaran oo ay ugu horeeyaan dhalinyarada aysan u suuragelin in ay waxbartaan 20 sano ee la soo dhaafay.
    Haddaba waxaan ku talin lahaa in dadka Alle fahamsiiyay diinta ay hadlaan isla markaana dadka uga digaan fikirkaan qaldan. Qoladaan waxa ay ku guuleysteen in ay aamusiyaan culumadii iyo dadkii diinta fahamsanaa. Khasaaro badan ayaa ka soo gaartay Somalida aamusnaanta CULIMADA.

  10. saalax says:

    as war wab ….masha allaah shiikhaan waa caalim da’ayar oo geesi ah…ilaahay baa ku mannaystay cilmi iyo geesinnimo………………………………………………………………….umal oo fitnoobay bay qaraabo yihiin ilaahay baa bedshay ……salaama

  11. Hussein says:

    Sidaan hadday sheekhnimada takar aan ka sheekh la’aado maxaa yeelay dad dhiigiisna waa banaynayaa wax daliil ah oo aayad iyo xadiis ahna keeni maayo wuxuu yiri hadal carabi ah alqaatilu mujaahid walmaqtuulu shahiid, qofka wax dilay waa mujaahid qofka la dilayna waa shahiid!! oo markaas illeyn nimankaan dadka waxay u dhamaynayaan waxay is leeyihiin dadkoo dhan aad ka dhigtaan shuhaddo oo naxariis bayba ka tahay!!
    War Allah ka cabso oo dadka dhiigooda aad banaynaysid iska daa!!!!

  12. Iberi says:

    Sh Xassaan hadalkan yaad ula jeedaa? Su’aasha kale qofkii Alshabaab waxay waddo qaar aan ku raacin oo kasoo horsjeesta fatwadaadu soo maqabanayso? Su’aasha xiga Dr. Axmad Xaaji fatwadaadu ma dishay mise maya?

    Waxaan jeclaan lahaa in Sh Xassaan uu arrimahan ka jawaabo. Xasaanow waxaaad ogaataa in aduunku maalmo yahay maalin bana meel marayo. Way dhici kartaa maalin aad isabadashid oo aad dhahdid hadalkaas waa hadal qadiim ah ee midkaanaa jadiid ehe qaata. Sidaas la’adligeed walaalow hadalana iyo fataawaha dad dhiigooda xaaraamtu yahay aad ku banaynaysid miisaan culus saar. Sheikh Xasaanow ku tasho in ayaamuhu is badali doonaan. Sheikh Xassaanow ku tasho in ilaahay aad hor imaanaysid laguna waydiin doono fatwadadaada. Wabillahi towfiiq

  13. Assalaamu calaykum Waraxmatullahi Wabarakaatuh.
    Hadalka sheekha iyo fikradda uu soo gudbiyey, Maaha mid u ah daliil Dhacdada dhacdey iyo ragga aan la socon Jihaadka caalamka ka socda in aduunka la dhaafiyo, Odhaahda Odhanaysa ” Alqaatilu Mujaahid Walmaqtuulu Shahiid” Waxay ku qoran tahay Majmuucul Fataawaa Ibnu Thaymiyah’ Qaabka ay ku timidna waxay ahayd hadii Cadowga “gaaladu” ay gaashan ka dhigtaan muslimiin wixi laga yeeli lahaa, kalmadan sheekhu ku qoray meesha ee ” alqaatilu mujaahid wal maqtuulu shahiid” Cidda tiri muusan sheegin, wuxuuna ku keeney ” كما قيل في بعضهم” ama “ويقولون”
    Waxaaan Sheekh Xassaan waydiinaynaa Yaa yiri horta Kalmadan Asalkeedii “Alqaatilu Mujaahid walmaqtuulu Shahiid?
    Cajlad aad leedahay oo la yiraahdo al muqaaracah Mar aad ka hadlaysey waxaad sheegaysey ” Sheekh Muqbil Markii uu Samaystey Marazu Sunnah fii Dammaaj” Hadii Sheekh Muqbil la oran lahaa markuu furtey marazu zunnah fii dammaaj muslimiintaad kala kaxaynaysaa oo yamman oo isku duuban baad timid kadibna meel baad kaligaa u baxay markaa waa in lagula dagaalammo” muxuu samayn lahaa?
    Bal ka waran Ninka Maanta adiga fikirkaaga aan taageersanayn sida ay wax kuula muuqdanna aysan ula muuqan, hadii uu yiraahdo Sheekh Xassaan aduunka hala dhaafiyo Fitanta uu inoo keenayo ayaa ka badan waxa uu ina tarayo, Kadibna laba wiil oo afduubani ay ku khaarajiyaan ma waxaan odhanaynaa Alqaatilu Mujaahid walmaqtuulu Shahiid”.? Mise waxaan leenahay sheekheenii baa la diley ilaahow kuwa diley kashif oo soo qabo?
    Waxaan ka codsanayaa sheekh Xassaan in sida hadalka uu u dhigey uu saxo, dibna uu isugu noqdo, erey Asalkisii aan la ogayn cid tiri in waaqica jira lagu dabaqana ma habooona, diintuna ra’yi qofku wuxuu rabo iska oran karo maaha ee sal iyo raad la raaco ayeey leedahay.

    Midda kale Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxman Cid dishey dadku ma oga, laakiin ilaah waa og yahay, dadka lagu tuhunsan yahayna way badan yihiin, hadalada siyaasiyiinta marka aan dheg jalaq loo siin ee shacabka la fiiriyo tuhunka al shabaab waxay kaga jiraan kaalinta Sadexaad, Sheekh Xassaanow Maxaad u galinaysaa tuhunka Kaalinta koowaad.?
    1- PIS (Ashahado la dirir)
    2- Qabiil iyo arimihii Galkacayo
    3- Al shabaab
    Ilaaha ay naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartey way kashifmi doonaan qoladii dishey Dr Axmed Xaaji Cabdiraxman, qof walowba sidaas ula soco.
    Waxba yaan laga raadin arintu meel aysan jirin ballanteenna danbe waa dhawdahay.

    Wcs wrwb
    Mustafa Akhyaar

  14. Xussen Abdi Hassan says:

    Asc, walaalah sharafta leh waa Shiikh Xassaan waxaa ma Fiker ba mise waa nas, Haddi ey Nas tahay waa raceynaa
    haddi ey Fekerkii shiikh tahay waa ixtramyaa fekerkisa ,
    Laakin Aniga ilam toosnaa fekerkaas jazkalaah khetrn

  15. Dr Yusuf says:

    Sheikhan websidekiisana tacsi Dr Axmed xaaji cabdularxmaan buu ku qoray hadana waa in aduunka la dhaafiyo buu leeyahay xagee wax ka qaldanyahiin!

  16. Nasri Cali says:

    Salaam,
    Waddadii iyo dabinkii lala raadinayay hadday hayaan Somalidu. Waxa kaliya ee u dhaqnaa waxay ahayd xagga diinta, halkay arrintu maraysana waa la arkaa, hormuudkii diinta lagu tuhmayay oo is ugaarsanaya, isna eedeynaya, Fitno aad u xun weeye.
    Tan kale, Sh. Xasan waxkasta oo aad noo aqriso weli nooma sheegin wax beddela ama micnaheeda noo fasira aayad quraan ah oo si fasiix ah macnaheedu u sheegayo “haddii aanay jiri lahayn dad muminiin ah oo aad dhibaatayn kartaan idinkoon agayn Eebbe wuu idiin fasixi lahaa inaad dhibaataysaan kufaarta (halkay ku badan tahay)”. Ku sii dar taa oo xagee laga marayaa xadiiskii Nabiga (Sall-Allahu calayhi wa sallim) oo asxaabtiisa markay duulayaan ku amri jiray inay hubiyaan oo addin(aadaan) haddii ay maqlaan uu u noqonayay caddeyn in dhulkaasi muslimiintu xor ku yihiin, duullaankana laga joojiyo ( waa sidaan u fahmay xadiiska ama la iigu micneeyey).
    Teeda kale, alshabaab waxaan oran lahaa
    1)Rag iska dhicin baad ku jirtaane Somali badan baana idinku raacaysee ha ku gabbanina diinta.
    2)Ma jiro urur ama kacdoon wada saafi ah, ee bal horta is-miisaama oo xamaasadda yeyna idinla tegin.
    3)Nacasnimo tan ugu darani waa markaad aaminto hawl ay karti amaba tabar yari kaa reebtay waxaa kaa horjooga kuwa dad kuu xiga, ee hadday taag amaba tabari meel idin dhigtay Ictisaam, Suufiya amaba Somali kalaa ku hortaagan ha is oran.
    Culumada kale ee Somaliyeedna waxaan oran lahaa, Shabaab iyo fikraddoodu cidla kama dhalan, mana fideen haddan dhibaato jirin, waxaana cad in jahawareer iyo dayow fara badan dartiis iyo baahi dad badani u qabaan in xal loo helo jaha la’aanta raagtay, in booskaas ay alshabaab buuxiyeen sax iyo khalad waxay doonaanba ha sheegane.
    Waxaase la joogaa waqti fitnadu badan tahay ee Eebbow badbaado. Aamiin.

  17. Macalinka says:

    مصّاصوا الدماء waa madaxii ugu sareeyey Jabhadan Alshabaab iyo Marjicii ay ka qaadanayeen fatwada! wax ay ka xishoonayaan malahan waa Niman weyraxsan oo sasan oo waashay, Akhlaaqda iyo xikmadiiba ka murxay! Allah yakfiina Sharrakum. Kuwan al shabaab waa cadaab ilaahay umada u soo saaray Kolkay somalidu Xuduuduhii Allah ay Jiireen, Ayuu Kuwan Ku cadaabay, Waa rag isla quman,

  18. Axmad says:

    Shiikh Xasan hadda fikrad ayuu inoo sheegey ee diin inooma sheegin. Weliba fikrad guracan oo saamaxaysa qof kasta oo qori heysta in uu dilo kii aanan qori heysan. Hal milyaar iyo bar oo muslimiin ah iyo culimadoodii oo aan isaga la fikrad aheen, wuxuu ku sheegey in ay hor taagan yihiin kheyrka ay wadaan isaga iyo kooxdiisa. Haddii hadalkiisa la tixraaco, milyaar iyo bar muslin ah waa in ay aakhiro aadaan oo adduunka ay ku haraan dhowrka boqol oo la fikradda ah. Waxaa ilaah mahadiis ah in diintayadu ay nuur tahay sidii qorraxda u ifeysa. Qof aqoonteeda badsadeu iyo kii yareesteyba ay fahmayaan. Janno iyo naarna ayan inoogu jirin gacanta raggan dad-qalatada ah. Waxaan ku dhaaran karaa in ay xanuun nafsadeed qabaan ragga sidaan u hadlaya. Laakiin ciddii daaween lahayd ay maqan tahay. Bal waanu aragnaa meesha uu ku danbeeyo fadiilatu shiikh xasan xuseen iyo xertiisa.

  19. Inta adigoo kale la dhagaysanayo, wallee iyo billee waa idiin dhamaatay.
    Waxaan xusuustaa mar aan akhrinayay buug uu qoray Ibrahim Mutafarrik oo hadii aad taariikhda Islaamka wax ka garanayso ahaa ninkii dawladdii cusmaaniyiinta madbacaddii ugu horreysayka hirgaliyay. Buugaas oo marlabaad ladaabacay sanadkii 1731. Ayaa wuxuu Ibraahim isweydiinayaa sababta keentay in dawladihii reergalbeedka ee waagaas tabartoodu aadka ugu liidatay ay gaaraan horumar lixaadleh ilaa ay ka jabiyaan ciidankii aan la loodin Jirin ee cusmaaniyiinta.
    Ibraahiim isagoo arrintaa ka jawaabaya ayuu wuxuu yiri sababtu waxa weeye, reer galbeedku waxay raacayaan qawaaniin caqliga laga keenay oo sabab ku yimi oo aan damiirka ka hor imaanaynin iyo iyo habdhaqan xorriyaddu aasaas u tahay.

    Hadaba waxay ila tahay Soomaalidu inay diinta iyo dawladda kala saarto intay goori goor tahay. Haddii kale ” kugu dhimay kaana dhimay” ayaa caqli inoo noqonaysa. .

  20. Nuur says:

    ASC, SHEIQ XASAAN, ALLAHA KU XIFDIYO. ) WARKIISA WAA CAD YAHAY, MAR WALBO SHEIQAAN, ( WADAADA ICTISAAAM SAAN OO KALE WARKA U CADEEYAA, MUXAADARAADKA SIYAASADAYSAN OO UMADA KU WAREERISEEEN, KUNA CUURYAAMAYSEEN KUNA DULAYSEEEN, ISKA DHAAFA ALLAHA IDIN SUGEE. ASC

  21. Murshid says:

    sheekhu wax daliil ah muuna saarin in qof loo dilikaro fasaadkiisa nasna muna sheegin xadiith walaa qawl saxaabo ama tabiciin
    sidaan ognahayna 3 shay un baa qofka islamka loodilikaraa thayibu zani .ataariku lidiinihi al mufaariqu liljamaacah iyo anafsu bi nafsi / waxaa intaa soo raaca adoonka intuu mawlihiisa ka cararo dhul gaalaad u carara kaasna waa la dili . lakiin arintan way igu cusubtahay qofkii daliil uhaya ha iisheego fadlan ama umadan salafkeedii waxkamid ah oo sameeyay / waxaan iloobay saaxirkana waa la dili