Home » Warar »

Reer Minnesota oo Allah ka baryey in uu Kashifo ciddii ka dambeysey Dilkii Sheikh Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan

“Dadka Soomaaliyeed halkii ay rasaas ku wada hadli lahaayeen waa in ay ku bedeshaan wada hadal. Dariiqa keliya ee ay ummadda Soomaaliyeed wax ku xallinayaan waa in ay noqotaa wada hadal.” hadal uu yiri Dr. Axmed Xaaji Cabdirxamaan intii uu noolaa…

Taariikhdii Sheikh Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan

Nadwadii cilmiga ahayd loogana hadlayey culimmada iyo booskay ummada uga jiraan ayaa maalinteedii labaad kasocota Masaajidka Abuubakar ee Minneapolis, Nadwada qaybteeda maanta ayaa aad muhiim u ahayd waxaana lagu soo bandhigay cilmi, kor uqaadida arigtida ummada iyo macluumaad fara badan oo wax ku ool ah.

Muxaadaro ku saabsan taariikhdii marxuum Sheikh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo lagu diley Boosaaso ayaa December 10, 2011 lagu qabtay masjidka Abuubakar Asidiiq ee magaalada Minneapolis, waxaana ugu horayn ka hadlay Sheikh Maxamed idris, oo marka hore ku xeel dheeraaday masuubada la soo gudboonaata Mujtamaca aan ka dhiidhiyin culimadooda oo lagu dhex laayo, ama lagu dhex dhibo.

Sheikh Maxamed Idiris waxa uu aad uga hadlay taariikhdii, noloshii iyo waxbarashadii Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan iyo sidii loo diley.

Waxana uu hordhac ahaan ka hadlay Masuubada Ummadda Islaamka soo martay waxaa ugu weyneyd Geeridii Nebi Muxamed Nabad gelyo in Naxariisi Korkiisa ha ahaate (NNKH), sababtoo ah waxaa halkaas ku go’ay waxyigii Rasuulka NNKH. Nebiyadu kama tegin xoolo/maal ee waxay ka tageen dhaxal cilmi. Waxaana Nebiga cilmigiisa dhaxlay Culimada.

Sh. Maxamed Idiris oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri:

Culimadu waa sida il biyo ka burqanayaan oo macaan oo dadku ka cabayaan, haddii culimadu dhimato waxaa go’aysa isha ay dadku ka cabayeen. Ummaddan majiro nebi ka dambeeyey Nebi Muxamad oo u soo baxaya, laakiin waxay leeyihiin cilimo uu Allah ku xafiday diinta. Allah ayaana ballan qaaday in diinta Islaamka ee uu soo dejiyey inuu xafidayo, culimada ayaana ka mid ah waxyaabaha Allah ku xafido diinta.

Sidaas daraadeed cilimada geerideedu waa masiibo ay tahay in laga tiiraanyoodo. Haddii ay meesha ka baxaana waxaa meesha ka baxaya cilmigii ay xambaarsanaayeen.

Geeridaas waxaa ka sii daran in ay ku dhintaan gardaro, xaq darro ah. Ummadda culimada lagu dhex laayona khatar ayey galayaan, waayo dadkii diinta xambaarsanaa oo la dilayo si gardaro ama lagu xumaynayo ama lagu ciqaabayo dhexdooda ayagoo aan ka qiiroonayn, ummaddaasi waxay ku jirtaa khatar.

Sheikh Dr. Axmed Xaaji waxaa la diley isagoo Sooman oo salaadda Subax soo tukadey

9kii Muxarram (Isniinta 9 Muxarram 1433 H — 12/5/2011) isagoo ka soo baxay masjidka, soona tukadey salaaddii subax, oo ay tahay bil xurma leh, oo uu xajka ka soo noqday, oo uu subaxdaas soomaanaa sagaalaadka ayaa la diley. Markii la dilayey waxaa la socdey nin kale, sida uu nikaasi sheegay waxaa u yimid laba nin oo dhallinyaro ah, waxayna rasaas ku fureen Sheikh Dr. Axmed iyagoo la kor tegey si ay ugu hubsadaan in uu dhintay, sida uu sheegay ninkii la socdey.

Habeen ka horeeyey geeridiisii waxa Dr. Axmed Xaaji uu muxaadaro ka jeediyey Masjid Rowda ee magaalada Boosaaso oo uu ku baaqayey in la caawiyo dadkii masiibadu ka soo gaartey dabkii ka dhacay magaalada Boosaaso. Waxaana hadalladiisii habeenkaas ka mid ahaa in aan adduunkaan cidna loo deynayn.

Dr. Axmed Xaaji Waxa uu Shahaadada ugu saraysa ka qaatay Jaamac u taal Sucuudiga

Sheikh Maxamed Idiris oo ka warbixinayey taariikhdii Sheikh Dr Axmed Xaaji waxa uu yiri:

Dr. Axmed waxaan is baranay markii uu usoo wareegey dalka Sucuudiga sannadkii 1986dii si uu uga barto culuunta sharciga. Waqtigaas oo aan ku sugnaa Sucuudiga ayaan is barangay.

Magaciisa oo uu buuxa waa Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan Maxamed Xirsi Samatar, waxana uu sannadkii 1958-dii ku dhashay magaalada Gaalkacayo. Aabahiis waxa uu ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid aha halgamayaashii Soomaaliyeed ee SYL ka tirsanaa. Hooyadiis waa Faadumo Cismaan Yuusuf Keenadiid oo ah qoys aad loo yaqaan. Quraankana waxaa baray macallin Daahir.

Dugsigii Sare waxa uu ka dhigtay Muqdisho oo uu wax ka bartay dugsi ay Masaari wax ka dhigi jirtey. Markii uu dhamaytay dugsiga sare,  derejeda ugu saraysa, ayaa waxaa deeq-waxbarasho loogu qaaday dalka Ciraaq, halkaas oo uu wax ka soo bartay machad academy oo uu afar sano kaddib sarkaalnimo kaga soo baxay. 20-ji ayuuna ahaa markuu tegey Ciraaq.

Markii uu Soomaaliya ku soo noqday waa ka ruqsaysatay ciidamada.

Sheikh Axmed Xaaji waxa uu ahaa ehelu diin. Taas si uu u sii xoojiyo waxa uu 1986-dii tegey Saacuudiga, si uu u barto Shareecada. Waxana laga aqbalay kulliyada Ummu-quraa. Waxa uu ahaa ardayga ugu derejada sareeyey ardaydii laga qaaday imtixaankii jaamacadda lagu gelayey.

Waxana uu galay jaamacaddaas kulliyadeeda Dacwah & kitaab iyo sunnah. Markii uu dhameeyey waxaa markiiba loo aqbalay Masterka oo uu sii watey jaamacaddii, markii uu taas dhammeeyey waxaa loo aqbalay Phd oo uu 1999  dhameeyey, markaas oo qaatay derejeda ugu saraysa ee jaamacadeed.

Markii waxbarashada dhamaystay ayuu ku laabtay Soomaaliya si uu cilmigiisa ugu faa’iidiiyo dadka Soomaaliyeed. Waxaana halkaas uga sii horeeyey saaxiibkiis Dr. C/qaadir Maxamed Cabdalle. Waxana uu Dr. Axmed wax ka asaasay Jaamacada Bariga Afrika. Halkaas oo masuulna ka noqday, kana mid noqday macallimiinta jaamacadda.

Sheikh Dr. Axmed Xaaji waxa uu ku dhintay 53-jir, ilaa 20-jirkiisiina waxa uu ku soo dhex jirey fidinta diinta Islaamka. Waxana uu ka soo qayb qaatay saxwooyinkii Islaamka.

Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan waxa uu ahaa nin aad u deggan oo aan xamaasad iyo caadifad wax ku miisaamin. Waxa uu ahaa aftahan, maahmaayaha iyo suugaanta aad u jecel, kuna xeel dheeraa. Waxa uu ahaa nin xishood badan, oo xeerin badan oo dulqaad badan. Waxa uu ahaa nin cibaadaysta, oo adkaarta aan marna hilmaamin oo carrabkiisu uusan ka daalin jirin xuska Allah. Waxa uu ahaa nin aad u caqli badan. Waxana uu ahaa nin sharafkiisa ilaashada, ayuu yiri Sh. Maxamed Idiris.

Sheikh Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan ma dhici jirin in uu qof wax weydiisto ama  cidna in uu waxweydiisto. Mana jeclayn in uu u tago dadka madaxda ah si uu isaga dhawro oo aan loogu malayn in uu wax ka doonayo. Waxana uu ahaa nin aad u cilmi badan oo dadka soo dhaweeya.

Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan waxa uu akhrin jirey kutubta noocyadooda kala duwan, cilmiga Islaamka iyo maadigaba, waxana uu akhrin jirey kutubta ku saabsan waxyaabaha casrigan taagan.

Sheikh Maxamed Idiris oo ku xeel dheeraaday taariikhdii marxuum Sheikh Dr Axmed Xaaji C/raxmaan waxa uu yiri: Dr. Axmed waxa uu aad isugu taxallujiyey in ummadda Soomaaliyeed ay xal hesho.

“Dadka Soomaaliyeed halkii ay rasaas ku wada hadli lahaayeen waa in ay ku bedeshaan wada hadal” Sheikh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan

Sheikh Idiris waxa uu yiri dhowaan (ka hor geeridiisii) ayaa waraysi lala yeeshay Sheikh Axmed Xaaji waxaa la weydiiyey su’aal ahayd maxaad u dardaarmeysaa Soomaalida, waxana jawaabtiisii ka mid ahayd: Dagaalka labada qof ee Muslimiinta waxbuu dumiyaa ee wax ma dhiso… Dadka Soomaaliyeed halkii ay rasaas ku wada hadli lahaayeen waa in ay ku bedeshaan wada hadal. Dariiqa keliya ee ay ummadda Soomaaliyeed wax ku xallinayaan waa in ay noqotaa wada hadal.

Sheikh Muxamed Idiris waxa uu yiri: Dr. Axmed waxa kale oo hadalkiisii ka mid ahaa (isagoo muujinayey sida uusan raali uga ahayn in dalka Soomaaliya ay ajnabi ku soo duulaan): “Dadkii hore maxay ka faa’iideen ajnabiga ay soo kaxaysteen, halkaas waxa wuxuu ku cadaynayey in Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan uusan raali ka ahayn in dalkaas Muslimiinta ah lagu soo duulo ama ajaanib loo soo kaxayso, sida ay culimada oo dhammi aysan raali uga ahayn in dalka Soomaaliya ee Muslimka ah lagu soo duulo, ayuu yiri Sheikh Maxamed Idiris oo akhrinayey hadalkii Sheikh Dr. Axmed Xaaji.

Arrimaha Soomaaliya waxa uu Dr. Axmed Xaaji ka rumaysnaa in dalkaas aan la loogin, ee wada hadal halaga yeesho (oo xalku yahay wada hadal), ayuu yiri Sheikh Maxamed Idiris oo ku dheeraday taariikhda marxuum Sheikh Dr Axmdd Xaaji C/raxmaan.

Sheikh Dr. Axmed Xaaji waxa uu ka tegey afar xaas iyo lix carruur ah. Allah ha u naxariisto.

Sheikh Maxamed Idiris waxa uu Allah ka baryey in uu Allah nolosha ku kashifo kuwii diley Sheikh Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan. In Allah soo shaac saaro  oo aduunka ku fadeexeeyo, oo nolosha iyo geerida Allah ku dhibo kuwii diley Sheikh Axmed Xaaji. Waxaana markaas dadkii muxaadarada dhegeysanayey ay yiraahdeen AAMIIN.

Taariikhdaas ku saabsan Sheikh Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo uu soo jeediyey Sheikh Maxamed Idiris kaddib waxaa dhawr muxaadaro soo jeediyey Sh. C/llaahi Ibraahim, Cabdirsaaq Sancaani, Sheikh C/raxmaan Sheikh Cumar iyo Sheikh Axmed Nuur iyo Sh. C/risaaq Xaashi. Waxaayna dhammaantood xeel dheeraadeen cawaaqib xumida ay la kulmaan dadka culimada laaya ama dhibaateeya.

Muxaadarooyinkaas gabagabadoodii ayaa la weydiiyey su’aal ahayd “Yaa diley Sheikh Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan?”

Waxaa markaas culimadii kulanka ka hadlay sheegeen in ay jireen hanjabaado hore loogu soo jeediyey Shirkh Dr. Axmed Xaaji, waxaana la akhriyey email uu u soo diray nin qof isku magacaabay Hurre  jebel-jaan, kaas oo si kulul ugu dhaartay Sheikh Axmed Xaaji.

Dadkii goobta hadaladooda lagu xusay waxaa ka mid ahaa Sh. Xasan Takar iyo Sh. Xasaan Xuseen oo Masaajidka laga daaray hadaladii ay Culimmada ka yiraahdeen, hadalka Sh. Xasaan hoos ka dhagayso /akhri.

Sheekh Xasaan: Halganka maanta dunida kasocda wadaadada xagaldaacinaya oo docwareemaya Yastaxiquuna in aduunka ladhaafiyo

Waxaa muxaadarada laga soo jeediyey codad iyo fadwooyinka loo aanayn-nayo in ay ku lug leeyihiin dilkii marxuum Dr. Axmed Xaaji.

Muxaadaradii xalay Sh. Axmed Nuur jeediyey Daawo

Culimada oo u tacsiyeeyey eheledii marxuumka hoos ka daawo

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Reer Minnesota oo Allah ka baryey in uu Kashifo ciddii ka dambeysey Dilkii Sheikh Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan "

  1. Abdalla says:

    ASC, Marka koobaad waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii,asxaabtii, qaraabadii, iyo guud ahaan umada islaamka oo dhan gaar ahaana Soomaalida geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Dr:Ahmed Haji Abdurahman, waxaana leeyahay Illaahay qabriga hakuu waasiciyo Naxariistii janana hakaa waraabiyo AAMIIN AAMIIN AAMIIN

  2. Axmad says:

    A.C WAXAAN MARKA HORE TACSI U DIRAYAA ELADII QOYSKII IYO QARAABADII IYO UMADA SOOMAALIYEED GEERIDII NAXDINTA LAHAYD EE KU TIMID ALLAHA U NAXARIISTEE DR. SHEEKH AXMED XAAJI C.RAXMAAN, WAXAANA LEEYAHAY ILLAAHAY JANADII FARDOWSO HAKU GALIYO SABAR IYO IIMAANA HANAGA SIIYO WUXUU AHAA NIN MIIZAAN CULUS KU LEH UMADA DHEXDEEDA IYO AHLU CILMIGA KANA MID AHAA UMADAN INDHEHEEDA KU HAGTA XAQQA IYO WANAAGANA TUSI JIRAY.
    WAXAAN LEEYAHAY ALLAHA SOO DADAJIYO KUWII KA DAMBEEYAY DILKA CAALIMKAAS WEYN.
    W.W.W