Home » Faallo »

Midnimada Muslimiinta


Waxaa laga joogaa wax ku dhaw todobaad inta uu mootan yahay Shiikh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, Ilaahay ha u naxariistee, iyadoo ilaa iyo hadda, ogaantay, aanu jirin qof si sharci ah loogu eedeeyey inuu geystay dilka. Su’aalo badan ayaa hadaba nala gudboon in la iska weydiiyo dhacdadaas iyo sida ay dareenka bulshada u kicisay.

Ugu horrayn waxaa habboon, sida dad badani uga hadleen, in si qoto-dheer la isu dul istaago noloshii shiikha oo aad mooddo in markii uu dhintay xataa dadkii yaqaaney ay ku baraarugeen wanaag iyo hal-karaanimo ilaahay siiyey oo qarsoonaa. Waxaa dhacay in dadkii oo dhan, kuwii ugu dhawaa xagga argtiyaha iyo fikirka, kuwii lagu eedeynayey dilkiisa iyo xataa dad aan labada midna ahayn ay soo bandhigeen ammaan caddaymo wadata oo ay uga markhaati kacayaan shiikha aqoon, akhlaaq wanaag, xikmad, nabad jacayl, nafti-hurenimo uu u hayey ummadda iyo inuu sida ugu wanaagsan u xiriirin jirey dadka xaqa ku leh oo ay ugu horreeyaan waalidkiis, ubadkiisa, ehelkiisa iyo dadka ehelu diinka ah.

Taasi waxay na xasuusineysaa saxaabi  la yiraahdo Cawf ibnu Maalik ayaa wuxuu yiri waxaan maqlay nebigeena (CSWS) oo maalin ku tukanaya nin asxaabtiisa ka mid ahaa oo geeriyoodey oo markaa la aasayey. Duco aad u macaan ayuu nebigu ugu duceeyey meydkii markaasaa Cawf ibnu Maalik la dhacay ducadii oo yiri waxaan ku hammiyey inaan anigu noqdo qofka meydka ah ee uu u ducaynayo nebigeenu (CSWS).

Waxaan is leeyahay dad badan markii ay dhegeysteen ama akhriyeen taariikhdii shiikha in ay ku hammiyeen inay sidiisa oo kale noloshooda u hagaajiyaan oo Ilaahay ugu xiraan una toobad keenaaan si sidiisa oo kale ummadda muslinka ah oo dhammi u ammaanto. Waayo muslimiintu waa markhaatiyadii Ilaahay ee dhulka. Shiikhu noloshiisii kama seexan inuu habeen iyo maalin dadka wanaaga ugu yeero, laakiin ma kuu muuqatay akhristow in shiikhu uu weli dadka wanaag iyo inay toobada u noqdaan farayo isagoo qabriga ku jira? Ma kula tahay in marka laga sheekeeyo hawlihii badnaa ee uu cimrigiisii gaabnaa ku gaaray, in dad badani ay dib u xisaabin doonaan maalmahooda oo ay isku deyi doonaan inay bal micne u yeelaan saacadahooda iyagoo ku dayanaya shiikha?

Arrinta iyaduna mudan in loo fiirsado waa sida ilaahay ugu toosiyey shiikha in isagoo xalay dad masakiina oo cayroobay xaqooda u doodayey, u soomanaa  si uu ilaahay ugu dhawaado, u soo toosay salaaddii subax oo jamaaco ku tukaday markaasna ay dishay gacan ka gardaran. Waxaa laga yaabaa dadkii shiikha ka naxay oo ay ugu horreeyaan ehelkiisu inay isku samrsiiyaan in, kolley waa la dhiman lahaaye, derejo iyo khayr loo rajaynayo qofkii ay arrimahaasi isugu toosaan. Taas naftirkeedu waxay nagu bixinaysaa inaan ilaahay ka barino in uu na waafajiyo camal wanaagsan si aan u mudano khaatimo wanaagsan.

Maxaa ka Dambeeyey Geeridii?

Si deg-deg ah ayaa warku u fiday – weligeedna warka naxdinta leh waa dheereeyaa. Shaki ma leh in dad badan ay caafimaadkooda wax u dhintay. Markiiba waxaa is qabsaday wararka qoraalka iyo hadalka ah. Dad ayaa hurdadii laga kiciyey, adduunka cirifyadiisa Soomaalidii joogtay ayaa iyagoo kala waqti duwan warkii dhaqso isugu tebiyey. Murugadii iyo naxdintii waxaa la jaanqaaday tuhmooyin iyo faro-isku-fiiq deg-deg ah oo mar marka qaar u ekaa in lagu kala aar gudanayo. Ma ogi in guddi gaar ah loo saaray baaridda dembiga iyo soo helidda ciddi ka dambaysay. Waxaase mar dambe soo baxay in maalin ka dib lagu qabqabtay Boosaaso dad in kastoo wixii ka soo baxay qabashaas aanu weli caddayn. Dad badan waxaa u muuqan kartay in sida la isugu tebinayey tuhmooyinka is dhaafka ah, ay jaah-wareerin ku samayn kartey ciddi dembiga baari lahayd oo mudnaa in iyaga keliya lagu caawiyo wixii xog ah oo la xiriira dilka si ay u uruuriyaan wixii caddaymo iyo markhaatiyo ah ilaa sawir dhamays tiran u soo baxo.

Waxaa dhici karta in jeclaanta shiikha loo qabey iyo dembiga culasykiisu ay qayb ka yihiin sida deg-degga ah ee loo dhawrayey in la ogaado ciddi dilka ka dambeysey. Taasi waxay noqotay arrinta keliya ee dad badan maankooda ku soo dhacaysay. Maadaama ay dhaqanka Soomaalida ku yar tahay arrintan oo kale, waxaa muuqanaysay in loo oomanaa in la ogaado cidda falka geysatey, cidda soo amartay, cidda banaysay iyo cidda raaliga ku noqotay. Su’aalaha soo baxayey waxaa ka mid ahaa: Yaa ku xiga? Haddii la ogaado cidda wax dishay ma laga yaabaa in la af-qabto wixii kale ee qorshayaal ahaa ee ay maleegayeen? Dareenka noocaas ah ayaa dhici karta in uu bari-taarayey hadaladii iyo qoraaladii isku dayayey inay si toos ah ama si dadban u tilmaamaan ciddii falka geysatey.

Shiikha iyo midnimada

Waxyaabaha lagu ammaanay shiikha waxa ka mid ahaa inuu necbaa khilaafka oo uu qiimaha ugu sareeya siisan jirey wada jooga iyo walaalnimada muslimiinta. Taas waxay ku caddahay qoraaladii iyo hadalkii dadkii ugu dhawaa shiikha oo isku raacay inuu shiikh Axmed ka gaabsan jirey wixii dareen ka dhex dhalin kara dadka muslimiinta ah. Taasoo jirta ayaa ilhaay wuxuu qadaray in geeridiisii ay dhaliso khilaaf kulul oo dhexyaal dadkii ehelul khayrka ahaa. Mararka qaar waxaad moodaa in isu durbaan tunka iyo is carinta lagu tartamayo iyadoon la eegayn waxa ka dhalan kara.

Dabcan wixii masalooyin cilmi ah niqaashkooda haddii dariiq habboon la isugu tebiyo dhib ma laha oo muslimiintu weligood wax waa isku khilaafi jireen laakiin habkii wax la isu tusi jirey waxaa laga yaabaa inuu sida hadda socota ka yara duwanaa. Tusaale waxaa ku filan sidii uu imam Albayhaqi kaga jawaabay arrimo uu ku haystay Imaamkii la oran jirey Abii Muxamad Al-juweyni (hoos ka eeg) oo ay ka muuqato heer aad u sareeya oo ixtiraam iyo walaalnimo lagu qurxiyey inuu wax u tusaalaynayo.

Ugu dambayn, haddii geed weyn jirridiis hal qof damco inuu qaado waa ku culus tahay oo ma qaadi karo. Wuxuu u baahdaa qof dhinaca kale ka qabta si wax la isugu miisaamo oo jirridu u fududaato. Xumaanta, xinka iyo is-nacaybku waa sidaas oo kale. haddii aad adigu dhinaacaga ka dhigtid qofka kale ma qaadi karo oo danba waa u dhigi ee waxaan naftayda iyo walaalahayba ilaahay uga baryayaa inaanu sabab nooga dhigin kala tagga muslimiinta iyo colaadda Soomaalida oo sii socota.

Sug walaal, intaadan maqaalka dhammayn aan kaa codsado arrin muhiim ah: Salaadda soo socota markaad sujuudid u ducee Shiikh Axmed Cabdiraxmaan in Ilaahay Fardawsa geeyo, adna ha is illaawin, anna igu dar.

Risaaladii AL-Bayhaqi: http://r-warsh.com/vb/showthread.php?t=34601

               

Cabdulqaadir Cabdi Diiriye awjaamac2000@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Midnimada Muslimiinta "

  1. Axmadeey says:

    War ninyohow ilaahay khayr ha ku siiyo waa run hada ayaa la ogaaday qiimihii sheekha.