(يَا أَيَّتُهَا النَّفْسُ الْمُطْمَئِنَّةُ * ارْجِعِي إِلَى رَبِّكِ رَاضِيَةً مَرْضِيَّةً * فَادْخُلِي فِي عِبَادِي * وَادْخُلِي جَنَّتِي)
(إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ)
Qore: Dr. Saadiq Enow
Qalbi ay murugadu jar-jartay ayaan ugu tacsiyeeneynaa ehelada walaakeena aanu jecleyn DR. Axmad Xaaji Cabdiraxmaan. Goortuu nala joogeyna waanu jecleyn, haddoo uu naga maqan yahana waanu jecelnahay. Waanu jecleyn oo aqoontiisii iyo anshixiisii ayaa ahaa xareed aanan laga dhergeyn. Waanu jecleyn oo bashaash-nimadiisii iyo laabtiisii fureyd ayaa ahayd magaalo ku murugo tireysa. Waanu jecleyn oo af-soomaaligiisii iyo dhaqan-aqoodkiisii ayaa ahaa madrasad loo xiiso. Indhaha u haray baraarugga diiniga Soomaaliyeed ayuu kamid ahaa. Kawaadirta hantida ummadeed ah ayuu ahaa. Wax kale isku samirsiin-meyno aanan ka ahayn, jaceylkayaga kii ilaah ayaa ka horeeyey, oo doorashadayada tii Eebe ayaa ka horeyse. Dr. Axmad Xaaji Cabdiraxmaan allaha u furo naxariistiisii faxneyd. Xanuunka ay nagu qabatay falkii dilkiisa, waxaan Eebe (kor ahaaye) weydiisanayaa in uu inooga aaro, isagaan aanandiisa laga baxsan kareyne.
Eebow nin weliyoo la dilo waad ka dirirtaaye
Siyaasadda naceybka ku dhisan maahan mid lagu guuleysto. Naceybkuna kamid maahan fidradaha wanaagsan ee Eebe (kor ahaaye) uu ku uumey addoomadiisa. Qof kasta marka uu dhasho, wuxuu matalayaa mashruuc farsamadiisa xagga Eebe (kor ahaaye) laga dhameystirey. Sida uu inoo sheegey suubanihii Maxamad (shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee), in qofkaas cusub ee dhashay lagu agabeeyey fidrado wanaagsan.
(كُلِّ مَوْلُودٍ يُولَدُ عَلَى الْفِطْرَةِ)
Fidrada wanaagsan waa anshax kasta oo wanaagsan, taas oo dallad u tahay caqiido sax ah ee sida dayax 14-aad u nuureysa. Runta, caddaaladda, deeqda, geesinimada, wanaagga, hal-abuurka, garashada, jaceylka, amaanada, xuquuq-ilaalinta ayaa kamid ah anshixii uu suubanihii (sh.n.d.a.) inoo dhameystirey. Sidaa darteed naceybku wuxuu kamid yahay tilmaamaha uu sheydaanka ku darsado nolosha qofka. Wuxuu qofkiisa ka indha-tiraa anshaxa wanaagsan oo dhan. Wuxuu u soo maraa in uu ku abuuro dareen diidmo xag-jir ah oo loo qaado agab gaar ah, qof gaar ah ama dad gaar ah. Naceyb oo dhan ayaa wuxuu xambaarsan yahay fikrado madow oo raja-dhig ah. Wuxuu qofkeeda ku abuuraa quus iyo didid uu ka cararo wax-kasta oo xiriir la leh waxaas uu nacay. Taasi waxay ku riixdaa in ugu danbey uu gaaro heer uu fal-denbiyeed ku kaco.
Waxaan shaki ku jirin in Dr. Axmad Xaaji Cabdiraxmaan uu ku baxay aragti naceyb ah, taas oo weliba aanan loo meel deyin. Aadamiga ka gudbey nolosha waxashnimada ah, ee ku guuleystey in ay qiimeeyaan waxa la yiraahdo dad-hantiyeed (human resource), waxay ku qiyaasaan in Dr. Axmad oo kale ay ku diyaariyaan 50 sano. Kharaj badan iyo wakhti badan oo shakhsiga ceynkaas ah ku baxay dabadeed, waxaa loo sahlaa wax-kasta oo uu bulshada ugu faa’iideyn lahaa. Waayo waxay garteen in caqliga iyo caqoontu tahay waxyaabaha bulshooyinka kala hor-mariya. Laakiin fal naceyb iyo aqoon-xumi ka danbeysey ayuu Dr. Axmad ku baxay, kaas oo aanan innaba caqli iyo xujo loo heli kareyn. Falkaas oo qofkii diin iyo damiir lahaa uu ka qaaday argagaxay iyo dhakafaar. Raggii geysteyna sidii tuugadii ayay la dhuunteen, dabadeedna xisaabta Eebe (kor ahaaye) ka-sokow iyaga ayaa naftooda nacladaya.
Soomaalidii reer miyiga ahayd, ma ayan ahayn kuwo aqoon diineed lahaa. Laakiin fidrad wanaagsan oo ay ku dhasheen ayay lahaayeen. Taas ayay ku fahmayeen khaladka iyo saxa. Xataa haddey khalad gelayaan, hambo ayay bulshada uga tegi jireen. Xeerarka ay xaq-dhowri jireen waxaa kamid ahaa biri-mageydada. Culimaduna waxay ahaayeen dabaqadda ugu sareysa ee lagu ilaaliyo xeerkan. Cidda xalaaleysata dhiigga Dr. Axmad, waa muuqataa in fidrad faasid ah ee aanan diin iyo damiir wanaagsan toona ka iman. Haddii lala dodo maxay ugu jawaabayaan qoyska ay agoomeeyeen, ardeyda ay macallin la’aanta dhigeen, shacabka ay mufti la’aanta bideen, iyo ummadda ay indhaha ka rideen.
Dr. Axmad wuxuu ina baray in Islaamku uu yahay diin ku faaftey anshax iyo wanaag ee aanan ahayn diin xoog iyo durduro ku joogsatay. Wuxuu ina baray Islaamku in uu yahay diin damiirka iyo qalbiga degta ee aanan ahayn diin cabsi iyo jajuub lagu qaato. Wuxuu ina baray Islaamku in uusan ahayn din dadka eryeysa, bal uu ay tahay diin dadka soo dhoweeneysa. Wuxuu ina baray in Islaamku uusan ahay diin la kala xigo, bal ay tahay diin loo siman yahay. Inta aanu noolahay, illaawi meyno Dr. Axmad Xaaji, walaal aanu jecelnahay ayuu ahaa, welina uu yahay. Xaaladda uu ku dhinteyna waxay inoo markhaati kacaysaa in uu ahaa nin kheyr.
Waxaan ku soo gabagabeynayaa, Dr. Axmad Xaaji waa uu ka waynaa nin noloshiisa ay ku abyooto gacan Soomaaliyeed, oo weliba tuhunku ay soo galaan dadkii ay isla soo ceysheen. Laakiin xaqiiqada ilaaha aanan waxba ka qarsooneyn ayaa naga ogsoon, isaga ayaana sidaan u doortey. Intase aanu nool-nahay waxaa xasuustayada ku haraysa anshixiisii iyo aqoontiisii aan ku tilmaami karo suugaantan jiiftada ah oo uu curiyay awoowihiis Cismaan Yuusuf Keenadiid:
Nin shukriga Ilaah iyo shahaadada qiraan ahay
Nin shuruudda towxiidku ku shisheyso baan ahay
Nin sharcigu siduu yiri shakineynin baan ahay
Nin shafeecadii nebiga shinsanaaya baan ahay
Nin shabaab ahaantii shareecada bartaan ahay
Nin shuura iyo ancaam iyo shucuraba dhigtaan ahay
Nin sharribey tafaasiirta shuruuxdana og baan ahay
Wixii shuhubo iyo ceeb ah nin ka sheexayaan ahay
Ninaan showr ajnebi iyo shilin uu jiidan baan ahay
Nin ra’yigu hadduu sheelmo shishe u fiiriyaan ahay
Nin shahmaadka taariikhda ka sheekeyn karaan ahay
Nin shoofaarta gabeygana shaacirkeed ah baan ahay
Nin shiddiyo khilaaf iyo sharta diiddan baan ahay
Nimaan shuush Ilaah gelin kana shaafiyaan ahay
Nin anaaniyadda shaacdey ka shib qaatey baan ahay
Nimaan sharafta Soomaali sheyna siisan baan ahay
Nimaan kala shir-shiriddeeda ka shaqeynin baan ahay
Nimaan shuqulka gaalada shabaheynin baan ahay
Siyaalaha aan soo sheegey nin u shikh ah baan ahay
Qore: Dr. Saadiq Enow
Saadiq.enow@gmail.com
geerida drka ee murugada lahayd waxaa geeri kale ku sii ah sida loo siyaasadeeyey dilkii shiikhayaga allow bannaanka usoo saar ciddii falkaa gaysatay cidday doonto ha ahaatee.
waxaan xasuustaa guri yar oo uu dhismihiisa ka bilaabay gaalkacyo weli isagoo qabyo ah baan ogaa, taasina waxay ku tusaysaa siduu uga hufnaa xoolaha muslimiinta ee uu wax ka maamulayey. imisaa dhugdhuglayaal ku tanaaday xoolo guud oo magac dacwo lagu keenay ama samafal umadeed ama xoolo guud oo shacabka laga qaaday. haku daydeen ducaaddu astaamihii wanaagsanaa ee sheekh axmed lahaa.
ilaah ha u naxariisto sheekh axmed iyo awoowgiiba, meelo badan ayuu uga ekaa, dhanka: anshaxa, xishoodka, xikmadda, hadal helidda, hanweynida, dhabar adayga, iyo waxyaabo badan oo hogaanka horseeda.