Home » Maqaallo »

Dhibatooyinka ”Roadmap” ku sheegga ka dhalan kara

Waxaan hordhigayaa walaalaha soomaaliyeed ee ka  danqanaya ama ay dhibayaan dhigga iyo nabadgelyaxumida ka socda Soomaaliya iyo dhibatada  dabadheeratay ee 20ka sano kor u dhaaftay ee  ragaadisay Dalkeennii Hooyo .

Arrimaha soo socda oo ah Dhibatooyinka  uu soo kordhindoono  Mashruuc ku sheega ”Roadmap”ee dawladda labada Shariif iyo Ina Gaas wataan.

1) Roadmap”ku  Sharcidarri ayuu ku saleysan yahay maadaama aan laga qaybgelin ka arrimintiisa qaybaha bushada oo dhan iyadoo la doonayo in masiirka ummadda in ay ansixiyaan %25 koox ka noqoneysa shacbiga Soomaaliyeed. Maxaa u diiday inay cod ku lahaadaan  %75ta haray, miyaysan Somali aheen?.

2)  Ujeeddada laga leeyahay maxay tahay?

Waa in Dalku awsan degin oo lagu jiro iska daba wareega socday 20ki sano oo la soo dhafay , waayo haddi dalku dago oo nabad  la helo ,waxaa la gaari doonaa in qof kasta codyeesho, oo uu ka taliyo ayahiisa ,dortana qofkii uu dan moodo ,laakin aan la qasbin oo u xur ahaado,taasna ma ogola Qowleeysatada hadda Umadda Soomaaliyeed  hor boodeysa oo dantoodu waxay ku jirtaa  qaska oo socda .

3) Dunida kama dhacdo in isbeddel  shacbi ama Dawlad gunta taabanaya inay ka arrimiyaan %25 oo inta kale aysan cod  iyo talo aysan ku lahaan. Sidaas darted nabad ku soo dabaalid ka dhacda dalkeenna ma aha ujeeddada dhabta ah ee “Roadmap”ka  ee waa colaad abuurid hor leh;

4) Gobollada aan laga Qayb galin waa:

Galguduud, Hiiraan, Shabelada Dhexe ,Banadir, Shabelada Hoose, Bay,  Bakool, Gedo,  Jubbada Dhexe  Jubbada Hoose .

Ma jirto cid matalaysa shirarka looga arrinsanyo “Roadmap”ka. Mahiga, labada Shariif iyo C/Weli Gaas fikrad caynkaas ah inay ku shaqeeyaan waxay ula jeedaan “Qaybi oo xukun” si loo wiiqo aayaha iyo wadajirka ummadda soomaaliyeed, taasina waa caddaladdarri iyo ku tumasho xeerarka Addunka  iyo nadaamka bulshadeed.

Somaliyay bal ila eega inta hartay oo mataleeysa Ummada Somaliyeed !!!

5) Dawladaha daneeya arrimaha somaaliyeed iyo gaar ahaan beesha calaamka sida UNka, European Union, Afrikan Union, IGAD, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Islaamka ma habboona inay kharaj ku bixiyaan “Roadmap”ka sababtoo ah caddaalad ma aha mana qumana in la abaabulo dagaallo sokeeye oo cusub iyo in la horseedo dhiig cusub oo daata;

6) Waa in aanan la illoobin in dagaalada sokeeye ee Soomaaliya ka qarxay inay sababeen caddaaladarrooyin lagu sameeyay qaybo muhiim ah oo ka mid ah bulshada soomaaliyeed, sidaas darted waa in laga digtoonaado in aanan khalad lagu saxin khalad kale;

7) Ugu dambeyn haddii la doonayo in Soomaaliya wax loo qabto waa in wax kasta oo awood qaybsi ah lagu saleeyo caddaalad oo aanan cidna xaqeeda Dastuuriga ah la duudsiin,

Haddii kale ha laga samro nabad iyo dib u heshiin, horumar  warkiisa  iskaba daaye.

Dr Mohamed Yusuf Afrah

mafrah@yahoo.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.