Home » Faallo »

Su’aal Jawaab ubaahan Yaa ka Dambeeyey Dilkii Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan?

 Qoraalkan kooban waxaan qoray bishii February 20, 2011, waxaan u gudbiyey in uu iga hubiyo sidii caadada ii ahayd Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan (Alle ha u naxariistee) si aan ugu faafiyo bogaga Internet ka, laakiin nasiib darro Shiikhu muddo iigama soo jawaabin, waana ku adkaatay in uu ii ansixiyo, dabeecaddiisa ayaaba ahayd in fikradaha sidan oo kale u adag-adag uusan u badheedhin taageeradooda.

 Waa kan qoraalkii:

 Garaad-jab Taariikheed

 Waxaa in mudo ah ka socday mareegaha internet-ka olole balaadhan ah oo aay hormuud ka yihiin bogag (websites) dhowra, kaasoo noqday mowduuc saldhig u ah bogaggaas, iyadoo fariintooda oo dhami aay ku wareegayso kicin iyo abaabul ka dhan ah culimada soomaaliyeed kuwooda ugu haybada iyo taariikhda culus.

 Ololahaani waxuu soo maray dhowr marxaladood  oo kala duwan, isagoo markii hore ku bilowday luqad dabacsan oo u muuqatay cataab iyo canaan khuseysa aragtida culimada aay ka qabaan arimaha taagan, waxuuse ololahaasi qunyar qunyar ugu siqayay xadgudub iyo inuu noqdo  mid isku xidhan oo u muuqda in uu qorshe weyni ka danbeeyo.

 Ololahaan waxaa loo kaashaday farsamooyin badan oo u muuqday dhagar saxaafadeed iyo doqomeysi miskaxeed kaasoo xambaarsanaa sumcad dil, ceebayn, sawiro laga xishoodo, been sheegid taariikheed oo bartilmaameedkeedu yahay dadka da’da yar iyo taageerayaasha warmaqabtada ah ee bogaggaas akhriya si loogu qanciyo ujeedooyinka guracan, maskax ahaana loogu diyaariyo qorshaha fog ee la maagan yahay.

 Waxaa markhaati ma doonto ah qoraaladaasi sida aay uga  gudbeen dhamaan xuduudihii akhlaaqeed ee saxaafada sharafta leh, iyagoo  ku dhacay booraan taariikhdu xusi doonto sida aay isugu qanciyeen inay sumcad-dilka intaas le’eg (Character Assisination) kula kacaan rag cimrigooda intooda badan ku soo qaatay fidinta diinta islaamka.

 Olalahaani sida aay dareensan yihiin dadkii la socday waxuu soo maray marxalado kala duwan, oo mid walba leedahay ujeedooyin iyo ahdaaf laga dhaadhicinayo dadka, bal dib u xusuuso marxaladihii uu soo maray..

 “Culimadu jihaadka si buuxda ha u taageeraan”

“Culimadu Jihaadkii bay hagradeen”

“Culimadu jihaadka ha taageereen ama haka aamusaan.”

“Culimaa’suu ama wadaad xumayaasha jihaad diidka ah.”

 Mudo yar markii cinwaanadaas la naaxnaaxiyey si loogu gogol xaadho waxaa bilaabmey marxaladii duulaanka qaawan iyo luqadii khiyaameynta taasoo ah in cid walba oo aragtidaada aan kula qabin lagu riixo safka cadowga lana yidhaahdo cadowga ayuu la shaqeeyaa.Taasoo ah hab-dhaqan aay caan ku ahaayeen nidaamyada Shuuciga ama hantiwadaaga  ah oo cid walba oo  aan mabda’a shuuciyadda qaadan aay ku tilmaami jireen wuxuu u shaqeeyaa quwadaha dib usocodka ama imbiriyaaliyada caalamiga ah.

 Ololihii waxuu u gudbey weerar saf balaadhan ah oo culimadii lagu ekeeyay,  iyadoo weerarkaas ay u istaageen rag loo igmadey oo shaqo ka dhigtay si loogu bisleeyo dadka go’aanka dhagarta ah ee la damacsanyahay oo aay cadahay in duulaankaas saxaafadeedi uu gogol xaadh u ahaa.

 Ujeedadii rasmiga ahayd ee ololihii Culimada lagu hayay oo kashifmey:

 Waxaa xogo rasmi ahi oo laga helay ilo lagu kalsoonaan karo aay xaqiijinayaan in dhaqdhaqaaqa Alshabaab aay go’aan ku gaadheen in Culimo Soomaaliyeed oo farabadan la laayo, arintaas oo si rasmi ah looga soo xigtay xubno katirsan isla kooxdaas, waxaana marag ma doonto ah in duulaankii saxaafadda  kasocday uu higsanayay gaadhista yoolkaan.

 Rumeyso ama ha rumeysan waxaa dhalinyaro yaryar lagu buuxiyey in markaan jihaadka ugu fadliga badan ee janada lagu galayaa  uu yahay midka Culimada lagu laynayo, iyadoo loo sawirey inay yihiin cadowga keliya ee maanta hortaagan guul aay kooxdaasi gaarto.

 Waxaa dad badan oo arimaha Soomaliaya ku kuurgala ay aaminsan yihiin in qorshahaani uu qayb kayahay mashruuc dadka Soomaaliyeed lagaga saarayo dalka, si taasi loo gaadhana aay khasab noqotay in la dabar gooyo tiirka ugu weyn jiritaanka umadeed oo ah culimada diinta Islaamka.

 Ma filayno in marka si mug leh loo raadraaco qormooyinka, maqaalada, fatwooyinka, jeesjeeska, been-abuurka, sawirrada iyo dulmiga aan kala go’a lahayn ee lagu buuxiyey bogaggaas ay ka dhignaayeen maxkamad saxaafadeed, taasoo sida muuqata hada lasoo gabagabeeyay si loogu gudbo xukunkii kadhashay maxkamadaas wax walba iyadu isku ah markhaati, xaakim, qareen iyo doode intaba.

 Arintaani waxay keenaysaa kun su’aalood oo ku saabsan waxyaabaha socda yaa ka dambeeya? Yaa dan ku qaba in arimahu heerkaan gaadhaan ? Sidee looga bixi karaa? Maxaa kala gudboon shacabka Soomaaliyeed waxa socda? Ma odhan karnaa waxaynu maraynaa garaad-jab taariikhi ah iyo waaliyeey tali ? Su,aalahaas iyo kuwa la mid ahba qoraalo taxane ayaan ku iftiimin doonaa iyadoo qoraaladani ay ahaan doonaan kuwo furan oo cid walba oo aragti iyo maskax ku biirinaysa ay ku darsan karto.

 Jama A. Aidid

jamyare@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Su’aal Jawaab ubaahan Yaa ka Dambeeyey Dilkii Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan? "

  1. ghulet says:

    sheek axmed alaha naxariistii janno ka waraabiyo ehelkiisa iyo muslimiinta dhamaana alaha samir iyo iimaan ka siiyo

    hadaan intaas iraahdo sheekha waxaa dilay kuwa laga shifaysan waayey waxaase ka ii xub kuwa leh yaa ka dambeeyey
    taasi waa cadahay waana shabaab sheekhana keligii maahee waa culimada dhamaan ku wa laynaya waxa garadkii dhameey iyo aqoonyahadii ilaaahay umada ha ka qabto kuwaas al shabaab la baxay
    hana ceebeeyo

  2. geele says:

    waxba yaan ladagdagin cid dishay mahubno sheekha laakiin waxaa layaableh in ay culimadii kawarliidato caamadii waxaanad kagaranisaa markii uu dhacay dilkan aadka ufooshaxun in ay mediyaha kuyaaceen rag aadmoodisay in aysugiyeen dilka sheekha dushana islamarkiiba dadkasaaray iyagiina way beeniyeen markaas dadku intaas haku ekaado ilaa laga helayo warrasmiah dadkuna yaysan danbiga la aadin qofka ay necebyihiin iyaga oo kaliya daliilkooduyahay waan is khilaafsanahay midakale waxaan leeyahay soomaaliyay hadalkaygan aad udhgaysta imisa ayaad maqasheen puntland iyo soomaaliland dadsoomaaliah ayay kagateen ama udhiibeen cadawga umadan soomaaliyeed ee ethiopia miyaad marna kamaqasheen war dadkan kasoocararey cadawga yaan loo dhiibin markaas maxay halsheekh oo wax kadanbeeyay iyaga oon hobin ay dush ugasaarayaan arinkaasi madiinbaa in ladaawado dadsoomaaliyeed oo maamulada ay jcelyihiin ee aylajoogaan ayna waxba ka odhan waxaas oo danbia oolahubo cidasamaysay maxay wax aan lahubin kolba idaacad loogu ordi baroorto orgiga way kawayntahay mana wadaan soomaalinimo iyo islaamnimo mina ee waxaad tihiin wadaad xumayaal aan kaduwanayn kuwii siyaadbare

  3. Adam A/salam says:

    WAXAA KADANBEEYAY DAD DANO GAARA LEH OO CALOOSHOOD USHAQEYSTE YAAL AH
    DIBAATADA UGU WEYNA WAXA SOMALIA KAWADAA WAA DADKA NOOCAAS OO KALE
    WAXAYNA HAYSTAA DARBI ADAG OO AY KU GABADAAN OO KASAMEYSAN (QABYAALAD,QABQABLE YAAL CAADO QAATE YAAL AH,IYO KOOXO DIIMEEDYO ILLAAH KU BIIN ABUURTAY OO AMINSAN DHIIG EEBBE XARIMAY IN AYAGU AY JANNO KU GALLAYAAN

    QOF DIYEYSAN AMABA DIYOOBAY MALAGA DHAADHICINKARA QORAXDU XAGGAA BAY KASOO BAXDAA. WAXWALBA WAXAY UNOQONAYAA BILCAGSI.

  4. Cabdiboqor says:

    Dhamaan walaalaha waan idin wada salaamey, walaalka waqtigiisa galiyey qoraalkanna wuu mahadsanyahay.Sheikhana waxaan leeyahay Gacan ka gardaran ayaa dishaye Allaah jannadiisa haka waraabiyo, dambigiisana Allaha dhaafo, ehelkii, qaraabadii iyo dhamaan Ummada Soomaaliyeed ee uu ka tagayna samir iyo Iimaan Allaha ka wadasiiyo.Aamiin.
    Intaa kabacdi, waa hubaal sheeqa in uu shirqool ku baxay, waa hubaal in eey dad gaar ahi eey cadow u arkeen, laakiin waxaa is weydiin mudan yey yihiin dadka dilkiisa ka dambeeyey? Malo wax maku saleynkarnaa inaga oo aan xaqiiq ahaan aan shaki yari ku jirin u ogeyn cida dishey? Soow lagama yaabo meesha dadka qaal u qaadeen meel aan aheyn oo sidaa in dadka u fikiro rabtey eeyba ka dambeeyso? Maxaa yeeley Soomaaliya Maanta waxeey noqotey Bahalo-Galeen, waxaana jooga Sirtoono iyo Contract Killers Jihooyin kala duwan u shaqeeya. Anigoon cid gaar ah eed ka leexi is laheyn, cid gaar ahna eed u leexi is laheyn ayaan waxaan leeyahay oo kaliya “Hubsiimo Halbaa la siistaa!”

  5. kamaal says:

    waxaa sheekha dilay waa dad raba in nabada punland god ku dhacdo waxaa sheekha dilay kuwa aan waligood iska dayn qabyalada waxaa sheekha dilay kuwa al shabaab sheegta ee diinta ka dhigtay Gaari xukun lagu doonto waxaa sheekha dilay waxaan ilaahay agtiisa sharaf badan ku laheen intaas iyo kuwa kale oo badan oo ka xun ayaa sheekha dilay.

    qof somali ah oo sharaf badan oo ladaayo xagee ku aragteen kuwa uray ayaa dila dadka sharafta leh …

  6. Sulayman says:

    ASC
    Marka hore Sheekha Allaah samir iyo iimaan dhamaan umada Muslimiinta ah ha ka siiyo hana u naxariisto waan aqaanay khayr badana allaah baan uga rajaynayaa waxa uu ahaa Caalim caqli badan oo umadani ay tebi doonto.
    Shaki malaha in kuwa dilay iyo kuwa soo dirayba ay yihiin cadow illaahay waxaanse Alaah weydiisanayaa inuu aduunka ku kashifo kuwa dhibaatadaa geystey, Jaamacna aragti dad badani ay la qabaan buu xusay haday sax tahay iyo haday khaldan tahayba waxaan filayaa inay soo dhowaatay waqtigii jawaabtaa la heli lahaa.

  7. Samo Doon says:

    Jaamacoow, inuu Sheekha Allaha u naxariitii kugu diido inuu kugu raaco aragtidaadaas dhinac jirka ah ee misna malada iyo daniga ku salaysan waa wax aad loo filan karo, waayo waa wax aniga oo aan laheeyn dhibic ka mida cilmiga uu lahaa Sheekha shahiiday aanab kugu raaceen. Aragti aan leeyahay kuma fariisiyeen wax kasto oo ku qoran shabaqadda internet-ka oo ciddii doontaa ay furan karto waxey doontana ku qori karto. Marka, inaad u daliishato aragtidaada wax ku qoran websaayt gaar ahaan kuwa Soomaalida oo intooda badan waxa ay qoraan ay kuu sheegayaan in dadka wax ku qoraahi aaney wax ka arkin masaafo dhaafsan inta uu sankoodu dherer la eg yahay waa arin ila qaldan.

    Dhinaca kale, Jaamcoow, waxan ka gartey qoraalkaada in ugu yaraan toban bilood ka hor aad qabtay in Al-Shabab ay baneeysteen dhiigga dhammaan culimada Soomaaliyeed oo ku jiro Sheekh Axmed Xaajo (Alliyo raxma). Waxanse jeclaan lahaa bal inaad ka sheekeeyso in ay wax saameenyn ah ku yeesheen ra’yigaagii tobon billood ka hor mowqifka ka dhanta ka taada ee uu sheekgu qaatay iyo dilkiisa labadaba. Si kale markaan u dhigo, ma waxa aad wali qabtaa inuu Sheekhu dil suge ahaa bacdamaa uu ka mid ahaa culimada Soomaaliyeede dhiigooda sida aad sheegtay Shabaabku baneeysteen isla markaan ay suura gal tahay inuu ku baxay gacanta Shabaabka? Mise waxbaa iska badalay ra’yigaagii hore?

    Intaa waxa ii dheer oo aan raacsan lahaa in aan la yaabanahay waxa sidaadaba kuu geeyey in Sheekha Allaha u naxariistee aad la doonato aragti af-lagaado ku ah aqoonta iyo iimaanka Alle siiyey sida laga soo xigtay dad badan oo aqoon u lahaa. Miyaanan, walooloow, la is oran karin inaad adiguba yool baar ku aheeyd inuu Sheekhu iibsami karay iyo in kale kol haddad ula tagtay Skeekha waxa aaney caamo badani kula qaateen!?

  8. Aad iyo aad bay danqisay dilkii Sheikh Ahmed Haji Abdul-Rahman, Allah Ummada ka samir siiy. wixii dilyanna naarta Allah ku shubo.