Home » Warar »

Xildhibaano Soomaaliyeed oo Xoghahaya Guud ee UN-ka ka dalbaday in uu Xilka ka Bedelo Mahiiga

  • Warkaas iyo Madaxweynaha DFKMG oo u Dhoofay dalka Qadar kaddib markii Ra’iisul wasaarahiisu uu dalkaas safar kaga soo laabtay toddobaadkan….
  • Xildhibaano Ka Tirsan Barlamanka oo Kulan Ku Yeeshay Magaalada Muqdisho Kana Soo Hor Jeestay Mooshinkii Xil Ka Qaadista Guddoomiyaha Barlamanka.

 

Baaq in Qaramada Midoobey xilka ka bedesho ergeyga UN

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DFKMG ayaa xoghayaha guud ee Qarammada Midoobey (QM) ka dalbaday in uu xilka kabedelo Mahiga, ergeyga gaarka ee UN-ka u qaabisan Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa Augustine Mahiga waxay ku eedeeyeen in uu ku guul daraystay hawshii loo xilsaaray.

Waxana xildhibaanadu qoraal ay u qoreen Ban-ki Moon ay ku sheegeen in ay xildhibaanada ku adkaatay in ay wax wada shaqayn ah la yeeshaan Mahiga.

Xildhibaan Cawad Axmed Cashara ayaa Jimacadii (Dec 9) waxa uu sheegay in ay qoraalka ay ka gudbinayaan Mahiga ay Muqdisho ugu dhiibayeen Ban-ki Moon oo booqday Xamar. Waxaana xildhibaanada qoraalkaas saxiixay ka mid ah Cawad Axmed Cashareh, Sheikh Nuur Cali, CabdulQaadir Sheikh Ismaaciil, Madoobe Nuunow, Cisse Wahaliye iyo Maxamed Aaden Waagelle.

Cawad Cashara waxa uu sheegay in xafiiska QM ee uu madaxda ka yahay Mahiga uu ku guul daraystay in go’aan ka gaarista arrimaha siyaasadda Soomaaliya laga qayb geliyo xildhibaanada Soomaaliyeed oo arrimahaas laga faquuqay.

Xildhibaanadu waxay sheegeen in Shacabka Soomaaliyeed lagu jajuubay Roadmap-ka oo aan jihoo cad ku socon.
Waxa kale oo Cawad Cashara uu sheegay in 160 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanak DFKMG ay doonayaan in xilka laga wareejiyo Afhayeenka baarlamaanka DFKMG oo ku guul daraystay oo aan wax tixgelin ah siin kala qaybsanaanta xukunka (golaha baarlamaan iyo golaha fulinta oo isku milmay), islamarkaasna curyaamiyey hawl-gudashadii baarlamaanka, oo dariiqii ka leexiyey guddiyadii baarlamaanka, kuna guul daraystay in uu asaaska u dhigo baarlamaan madaxbannaan.

Xoghayaha Guud ee QM Ban-ki Moon ayaa 12/9/2011 waxa uu tegey magaalada Muqdisho, maalin kaddib (Dec 8, 2011) markii uu  magaalada Nairobi kulan kula qaatay Madaxweynaha dalka Kenya Kibaki, wasiirkiisa Arrimaha dibadda Watangula iyo ergeyga gaarka ee UN-ka u qaabisan Soomaaliya, Mahiga.

Sheikh Shariif oo u Dhoofay Dooxa, Qadar kaddib markii Ra’iisul wasaarahiisu uu halkaas safar kaga soo laabtay toddobaadkan.

Madaxweynaha DFKMG ayaa Jimacadii ka dhoofay Muqdisho isagoo kusii jeeda dalka Qadar, halkaas oo toddobaadkan uu booqasho kaga soo laabtay ra’iisul wasaaraha DFKMG.

###


Xildhibaano Ka Tirsan Barlamanka oo Kulan Ku Yeeshay Magaalada Muqdisho Kana Soo Hor Jeestay Mooshinkii Xil Ka Qaadista Guddoomiyaha Barlamanka.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka ku meel gaarka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulan ku yeesheen gudaha Magaalada Muqdisho.kuwaas oo si weyn uga Hadley kulamo ay maalmahaan yeelanayeen qaar ka mid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka.

Xildhibaanadan maanta kulanka ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay kaga hadlayeen xaalado dhowr ah oo ay ka mid yihiin Road Map-ka iyo kulamadii maalmhan danbe xildhibaano ka soo hor jeeda Guddoomiyaha Barlamanka iyo Ergeyga Qaramada Midoobay Maalmihii u danbeeyay ku shirayay Magaalada Muqdisho.
Gaba gabadii kulanka ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Xildhibaan Cusmaan Libaax oo ka mid ah xildhibaanadii maanta kulankaas ka soo qayb galay isagoona sheegey in kulankooda ,maanta ay kaga soo hor jeedaan xildhibaano maalmihii u danbeeyay Hoteelada Muqdisho ku shirayay.

Xildhibaanka ayaa sheegey in ay ka soo hor jeedaan in xildhibanada qaarkood ay Hoteelada ka had hadlaan isagoona intaa raaciyay in haddii guddoomiyaha xilka laga qaadayo looga qaaday Xarunta Golaha Shacabka ee aysan ahayn inay Hoteelada ka caytamanaa waa siduu hadalka u dhigaye.

Xildhibaan Libaax ayaa sheegey oo kale in Danjire Mahiigga oo ah Ergeyga qaramada Midoobay Soomaaliya u xil saaran in meel looga dhacay sidaa darteedna uu u cudur daarayo maadaama uu yahay Nin u taagan Danaha Soomaaliyeed iyo sidii Road Map-ku u guulaysan lahaa.

Kulankan xildhibaanada baarlamanka ku meel gaarka Soomaaliya ayaa waxaa uu imanayaa xilli maalmihii u danbeeyay kulamo kan ka duwan qaar ka mid ah xildhibaanada barlamanka ay ku yeelanayaan magaalada Muqdisho kaasoo ay kaga soo hor jeedeen Guddoomiyaha Barlamanka iyo Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Si kastaba Xildhibaanada Baarlamanka ayaa xiligan waxaa u dhaxeeya xafiiltan iyadoona la arkayo in ay ku kala qaybsan yihiin Ajandhaha Road Mapka oo ay qaarkood leeyihiin ma aha mid ay ku jirto Danta Shacabka Soomaaliyeed halka qaar kalena ay aamin san yihiin in Road Mapku uu yahay kii Dawladdu uga gudbi lahayd Xiliga ku meel gaarka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xildhibaano Soomaaliyeed oo Xoghahaya Guud ee UN-ka ka dalbaday in uu Xilka ka Bedelo Mahiiga "

  1. Hussein says:

    SHACABKA SOOMAALIYEED WAXAY KA DALBANAYAAN BAN KI MON INUU BADALO MAHIGA ISLA MARKAANO MAGACAABO NIN SOMALIYED OO MATELA SHACABKA SOMALIYED.