Home » News »

Ha go,een gacmihii gaadhay ee gumaca leefsiiyay

DR Axmed xaji cabdiraxmaan ilaahay ha u naxariisto eh wuxuu ahaa waxaa ka markhaati kacay dareenka dadka somaliyeed oo daraf ilaa dacal dareen murugo leh ka muujiyay qofkii yaqaana ee aan waydiiyoba ilmadaa ka soo horaysa ilaahay ha u naxariisto eh wuxuu ahaa qof dadka iiga duwan oo meel fog igaga yaala iilama mid ahayn culimada kale iyagoo dhamaantood xurmo iga mudan yihiin wuxuu ahaa qof ilaahay qabuul arlada u dhigay wuxuu ahaa sheikh caalim ah oo saaxada dacwada iyo tacliimta wax wayn ka qabtay naftiisa u huray si uu wax u baro umaddiisa qofka saas ah qof baa u quudhay in uu xabbad ku dhufto hadaba arinta is waydiinta leh waxay tahay qofkaas muxuu u la jeeday dilka ? Xageese dr ka laga raacay ? qorshaha loo dilay muxuu salka ku hayaa ? su,aalahani waa su,aalaha dadka somaliyeed is waydiinayaan labadii aad aragtoba arimahan bay qaadaa dhigayaan

Dr axmed waxaa laga raacay dacwadaas iyo diintaas uu dadka barayo qof neceb diintaas faafaysa dadkaas wax baranaya ayaa dilay waxaa dilay mid doonaya umaddu in ay xero uu isagu ootay ku xaraysnaadaan xabbadna u sita kii diida in uu xerada galo, dr axmed waxaa dilay mid aan doonayn in Somalia siduu rabo mooyee surin kale aysan marin dr axmed waxaa dilay ku daciif ah oo aan fakerkiisa si saxan ku soo gudbisan Karin in uu awood adegsado mooyee dr axmed waxaa dilay ku aan aqoonin in lakala feker duwanaan karo maadaama mabaa di,da guud ee islaamka la isku raacsan yahay

Dr axmed tiir adag oo dumay dheh daaqad banaanaatay oo aan la dabooli Karin dheh dr axmed waxaa dilay mid aaminsan waligaaba soon oo salaad saan rabo hadaad yeeli waydo sulub qiiqaya ayaan sambabka kaa galin, dr axmed waxaa dilay mid diir naxa , dub dhaqaaqa , iyo damiir wax haga toona aan lahayn dr axmed waxaa dilay mid aan aqoonin waa sheekhe daa waa shaybe daa wuu ashahaadane daa dr axmed ilaahay ha u naxariisto eh tag duco uun buu inooga baahan yahay

Tix gabay ah

Tixdaan soo socota waxay ku saabsan tahay dhacdadaas foosha xun ee dambiilahaas dilay dr axmed uu gaystay iyadoo isla markaasna ah habaar waxayna tilmaamaysaa in qofkani diinta iyo garadka umadda somaliyeed uu ku soo duulay dano qarribanna uu wato

1-Ha go,een gacmihii gaadhay ee gumaca leefsiiyay

2-Ha gariirto gacantaas guracan midigtu ha gorfowdo

3-Midkii ganay midkuu gacan ka helay fekerka kii keenay

4-Ha gablamo aduun yada naftaas naarta ha u guuro

5-Gabal baa u dumay somalider nabarku wada gaadhay

6-Garaadka beluhu miyusan maqal qaar aan birtu goynin

7-Garashada iyo wuxuu nacab ku yahay diinta gayigeena

8-Aheey garaadka beeluhu naftaas garasho liitaa

Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu janadii ka waraabiyo sheekhaygii macalimkaygii dr axmed xaji c/raxmaan oo la dilay isaga oo sooman salaad subax soo tukaday xajkiina ka yimid kahyr baan u rajaynanaa sifooyin fiican baa ku kulmay oo adoon ilaahay jecelyahay isugu daro

Dr axmed dabadii dadkaygoow maxaad fali

Dr axmed ilaahay ha u naxariisto eh dilkiisu cashar ma noqonayaa cibra qaadasho ku filan caalim aad u culus baa la inaga dilay culima kalese waa joogtaa mala samayn karaa khidad aan cadawgu mar dambe inooga faa,iidaysan ? culimada hadhayse seen u difaacan karnaa? Waxay ila tahay waa su,aalo muhiim ah dilkii dr kana waxaan ku fahannay in reerka cadaw ku dhexjiro hadaba si aan isu kaashanno waa in si fiican la isugu xidhmaa dhalin yartuna ay dareentaa in ay yihiin dhuuxa culimada adaa awoodii ah iyana waa cilmigii iyo khibradii hal xaraf nin kii ku baraa xaq buu kuugu leeyahay in aad xurmayso tan iyo 1980 kii shuyuukhdu dad bay wax barayeen dafaha dunidana ardaydoodii baa buux dhaafisay iyagiina waa handadan yihiin

Jamaac maxmed xaji

shmuule@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ha go,een gacmihii gaadhay ee gumaca leefsiiyay "

  1. sayid says:

    ilaahay ha u naxariisto calimkaas wayn umadda in badan bu u qabtay laakiin qofna ajashiisa ma dhaafo qof aan waxna xeerinayn baa dilay abaalkiisa ilaahay ha mariyo dalim weeye