Prof. Gaas: Waxaa Xurgufi ka dhexaysaa Al-Shabaab iyo Madaxweynaha DFKMG, Laakiin aniga iyo iyaga xurgufi nagama dhaxayso… nabadna waan la qaadan karaa….
C/weli Gaas oo sheegay in uusan ka warhayn Hadalkii Wasiirkiisa Gaashaandhiggu ku sheegay in xukuumadiisu soo dhaweyneyso ciidan Itoobiya oo gala Soomaaliya…..
Telefishanka Aljazeera oo waraysi la yeeshay ra’iisul wasaaraha DFKMG C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa wax laga weydiiyey in uu taageereyo in Itoobiya ay ciidan Militari u soo dirto Soomaaliya ayadoo la ogyahay in ay hore xasuuq uga geystey Soomaaliya, waxa uu kaga jawaabey “waxaan hadli doonaa marka fursadaasi timaado” (oo ay soo galaan).
Markii su’aashaas si kale loogu dhigay oo la yiri IGAD ayaa Itoobiya weydiisatey in ay Soomaaliya ciidan u soo dirto ee ka warran, wuxuu prof. Gaas kaga jawaabey haddii taasi dhacdo… waxaa markaas weriyuhu xusuusiyey waaba dhacday taasi oo IGAD waa weydiisatey.. arrintaas waxaanka jawaabayaa marka ay taasi dhacdo ayuu ku celiyey markii su’aashaas oo dhawr jeer lagu celceliyey.
Waxaa markaas la weydiiyey Itoobiya ma ku jirtaa Soomaaliya, waxa uu kaga jawaabey ogaantayda maya. Markaas ayaa weriyuhu weydiiyey Wasiirka Gaashaandhigga DFKMG ayaa November 20, 2011 waxa uu sheegay in ciidamada Itoobiya ku jiraan gudaha Soomaaliya, soona dhaweynayo, ka warran taas, waxaa Mr. Gaas kaga jawaabey hadalkaas kama war hayo, waxaadna taas cadaynteeda weydiisa wasiirka.
Waxaa wax laga weydiiyey ciidamada Kenya ee soo galay Soomaaliya, oo uu markii hore yiri looma baahnayn, laakiin markii su’aash alagu celiyey ka weecday, sheegeyna in ay taageerayaan ciidamada DFKMG.
Prof. Gaas ayaa sheegay nabad ugu baaqayo Al-shabaab, waxaan amarkaas weriyuhu weydiiyey sidee nabad ula qaadanaysaan waayo waxaa Al-shabaab sheegeen in madaxweynuhu (Sheikh Shariif) in uu galay khiyaano qaran, waxaa Mr. Gaar kaga jawaabey Haddii ay xurguf ka dhaxayso madaxweynaha (iyo Al-Shabaab), waxaa dhici karta in aysan xurgufi ka dhaxayna aniga iyo iyaga (Al- Shabaab), waxaa markaas dhici karta in aan anigu la bilaabo nabadda.”
Waxaa la weydiiyey in uu soo dhaweynayo in cunaqabatayn la saaro Kismaayo waxa uu kaga jawaabey “Waxaan soo dhoweynaa in cunaqabatayn la saaro Kismaayo ama la go’doomiyo, waxana uu sheegay in ay taasi tahay fursad.
Waxay ahayd November 25, 2011 kaddib markii IGAD ay shir ku yeesheen Addis Ababa oo ay qoraal ay ka soo saareen ay Itoobiya ugu baaqeen in ay Kenya ka taageerto hawlgalka ay ka waddo Soomaaliya, waxaana kulankaas ka qayb galay Sheikh Shariif, madaxweynaha DFKMG.
Kulanka IGAD dhawr maalmood ka hor ayaa lagu soo waramay in ciidamo Itoobiyaan ah ay gudaha u galeen Soomaaliya. Dec 28, 2006 ayey ahayd Maalintii Ciidamada Itoobiya galeen Muqdisho, halkaasna xilligaas laga saaray maxaakiimtii Islaamiga ahaa oo uu madaxdooda ka mid ahaa Sheikh Shariif Sh. Axmed. Ciidamadaas oo Xasuuq ka geystey Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho. Waxaana Soomaaliya ciidankaasi xoog looga saaray (Jan 15, 2009) waa kaddib (749) maalmood oo uu socdey dagaal.
Ciidamada Kenya waxay xadka NFD ka gudbeen 16-kii November 2011.
Video: Waraysiga Aljazeera hoos ka daawo
isha: Aljazeera TV
VIDEO: Kulankii November 2011 lagu qabtay Addis Ababa ee IGAD ay Itoobiya kaga dalbatay in ay ciidamo u dirto Soomaaliya:
Madaxweynaha Ereteria oo dalbaday in uu ka hor hadlo QM
Dhanka kale Eriteria ayaa warqad u qortay Qarammada Midoobey ay kaga dalbanayso in golaha ammaanku ogolaado in madaxweynaha Eretiria Isaias Afwerki uu ka hor hadlo Golaha Ammaanka ee UN si loo dhegeyso dhankooda (Eriteriya) ka hor inta aan QM u codayn in cunaqabatayn cusub lagu soo rogo dalka Ereteria. Warqaddii halkan ka akhri.
Soomaaliya oo markale gashay kaalinta koowaad ee Musuqmaasuqa Adduunka
Xagga musuqmaasuqa adduunka marka laga hadlayo, warbixin ay dhowaan soo saartayTransparency International oo is barbar dhigtay 183 dal ee adduunka ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo Woqooyiga Kuuriya ay kow ka yihiin musuqmaasuqa adduunka, yihiina dalalka ugu musuqmaasuqa badan caalamka. Sannadkii 2005 waxay Soomaaliya halbeegga Muqusmaasuqa kaga jirtay Dalka 144 oo ay la heer ahayd Kenya. Wixii ka dambeeyey 2006 waxay ahayd dalka koowaad ee Musuqmaasuqa.
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.