Home » Faallo »

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeed | Casharkii XVII-aad

Iyada oo xaaladda Soomaaliya ay ku sugan tahay sidaas aanu ka soo sheekeynay, ayaa dunida waxaa ka qarxay dagaallo culus oo si teel-teel ah uga curtey gobollo kala duwan ee dacallada adduunka ku yaal. Waxaa ku hardamayay dowladihii xilligaas ugu itaalka roonaa dunida. Colaadda waxaa u saldhig ahaa, sida caadada khilaaf walba uu yahay masaalix dhaqaale oo leysku af-garan waayay. Dagaalladaas oo kuwo badan ahaa ayaa wadar-ahaantooda waxaa leysku yiraahdaa Dagaalkii II-aad ee Dunida (Second World War). Wuxuu kamid ahaa saddexdii dagaal-wayne ee lagu ururshay qaraxyadii dunida ka dhacay qarnigii 20-aad gudihiisa, kuwaas oo ahaa (Dagaalkii I-aad, Dagaalkii II-aad iyo Dagaalkii Qaboobaa).

Dowladaha ku hardamay dagaalkii II-aad waxay u kala safnaayeen laba jabhadood. Ummadihii adduunka ku noolaa, in ka-badan kala bar ayaa waxay la kala safteen xoogaggaas hardamayay. Waxaa markaas shidmay colaado heer cari-edeg u hanaqaadey ee ka huray afar kamid ah qaaradihii dunida ee shanta ahaa. Waxaa xusid mudan, in Soomaaliya ay ka bilowdeen dananka xabbadihii huriyay dab-shidkii dagaalkii II-aad. Falkaas uu dagaalku ku bilowdey wuxuu ka dhacay degmada Wal-waal bishii disember 1934-kii. Dhacdadaas ayaa taariikhyahannadu waxay ku magacaabaan Wal wal- incident. Kadib markii colaaddii bilaabatay ay dunida saameeysey, waxaa joojiyay qaraxyadii atoomikada ee lala dhacay labada degmo ee Jabaanku leeyihiin Hiroshima (6/ 8- 1945) iyo Nagazaki (9/ 8- 1945). Markaas oo Imbradoorkii Jabaan Emperor Hirohito, uu dad-waynihiisii iyo ciidamadoodii u guddoomiyay in ay is-dhiibaan. Dagaalkii II-aad ee dunida wuxuu raad wayn ku yeeshay noloshii dadka ku dhaqan dunida. Gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed, oo khasaaraha ka soo gaaray ka sokow, wuxuu sabab u ahaa in Soomaalidu ay ku baraarugaan aragtida qowmiyadeed ee Soomaali-wayn. Taasina waxay ka danbeysey markii afartii xoog ee Soomaalida dhulkeedii ku habsadey ay mid walba dhankeeda ka urursatay xoog dhallinyaro Soomaaliyeed ah. Iyada oo markaas ciidan ka dhiganeysa ayay aagaggii dagaalladu ka socdeen ku gufeeyeen. Maahayn dhulka Soomaaliya oo keliya meelaha ay dhallinyarada Soomaaliyeed ka dagaalameen. Bal waxay ka qeyb-qaateen aagag badan oo xoogaggii dirirayay ay ku hardameen, kuwaas oo kamid ah qaaradaha Afrika, Aasiya iyo Yurub. Dhallinyaradii Soomaaliyeed, wacdaro iyo geesinimo ay dhaqan u lahaayeen ayay ka muujiyeen fagaarayaalkii dagaalka, taas oo ay ku muteysteen billado qaali ah. Tusaale-dhig waxaa loo soo qaadan karaa tirada labada kun oo wiil ka badan oo Faransiisku uu ka qaaday Jabuuti, kuwaas oo ka qeyb-galay dagaalkii Jarmalka lagu jebiyay.

“ Tiro 2.000 ka badan oo Soomaali ah ayaa fal-dagaal ka muujiyay xuduuddii galbeed ee Yurub. Iyagu waxay ahaayeen kuwo si gaar ah isu tilmaamay (geesinimada ficilladooda). Qiyaastii 1.000 kamid ah waxay heleen billado gaar ah. 400 oo kamid ahna waa ay ku dhinteen “.(Saadia Touval. Somali Nationalism. 1963. Harvard University Press. p. 69-70. New York – USA).

Sidaas si lamid ayaa ayaa Talyaanigii, Ingiriiskii iyo boqortooyadii Itoobiya ay dhamaantood u boobeen dhallinyaradii Soomaaliyeed. Xoogga iyo geesinimada wiilka geel-jiraha ah wuxuu ahaa arin ay ku faanaan xoogaggii gumeysiga, taasna waxay tamar uga dhigteen sidii ay ku gaari lahaayeen danahooda guracan. Sidaas ay Soomaalida uga qorteen ciidamo ayaa ummado badan oo la gumeeyey ciidamo looga qortey. Dagaalkaas oo dadkii dunida ka dhigey laba laba jabhadood oo col ah. Isku-dhafka dowladihii ku legdamay dagaalkan waxay ka badnaayeen 70 dal. Fagaarayaalka ay ku hardameen ciidamadaasi waxay isugu jireen badda dusheeda iyo gudaheeda, hawada sare iyo dhulka cimiladiisa kala duwan (buuro oogadood, keymo dhexdood iyo dhul lama-degaan ah). Goobaha lagu dagaalamay waxay ahaayen qaaradda Yurub, labada bad-wayn ee Atlantik iyo Basifig, qaaradda Afrika, koonfur-bari qaaradda Aasiya, degaanka Shiinaha, Bariga Fog, Bariga Dhexe iyo badda dhexe (mediterranian). Dagaalkani waa dagaalka loogu sheeko badan yahay wixii dagaal taariikhda galey ee aadamiga soo marey. Labada jabhadood oo loo kala safnaa mid waxaa ku urursanaa dowladihii la magac baxay Xoogaggii Xulufada (Allied Powers). Waxaa ugu waynaa Ingiriiska iyo Faransiiska. Waxaa goor danbe raacay Mareekanka. Jabhaddan waxaa la dhinac ahaa dowladdii la oran jiray Midowga Soofyeeti, Poland, Australia, Beljam, Brazil, Canada, dowladdii la oran jiray Chechoslovakia, Itoobiya, Greek, Holand, New Zeeland, Philipin, Koonfur Afrika iyo Yugoslavia. Jabhaddan ka soo hor-jeedkeeda waxaa ahaa jabhad ku lid ahayd oo iyadu ay ku bahoobeen dowladihii la dirirsanaa kuwaas hore. Magaca leysku oran jiray wuxuu ahaa Xoogagga Xuddunta ( Axis Powers). Waxaa ugu xoog waynaa saddex dal ee kala ah Jarmal, Jabaan iyo Talyaani. Jabhaddan iyaguna waxaa la dhinac ahaa waddamada Hungry, Bulgaria, Rumenia, Ciraaq, Finland iyo Thailand.

Ummado badan oo markaas ay gumeysanayaan qaar kamid ahaa kuwa dagaalamayay ayaa qudhoodu ka qeyb-qaatay dagaalka. Wadar, ciidanka ka qeyb-qaatey dagaalkan, tiradoodu waxay kor u dhaafeen 100 melyan oo askari. Waxaa lagu dagaalamey hub aanan aadamigu horey u arag. Waxaa dagaalka ka qeyb-qaatey oo leysu adeegsadey wax kasta oo hanti ah oo ummaduhu ay heli kareen. Agabkii dagaalka lagu hurinayay waxaa kamid noqdey xarumihii dhaqaalaha iyo cilmi-baarista. Dadka la leynayay looma eegeyn ciidan iyo rayid, bal si dugaagnimo ah ayaa meelo badan loogu gumaadey. Jabhad walba waxay geysatey xasuuq aanan loo meel deyin. Taasi waxay dhalisey in ay dhuxuloobaan degmooyin iyo tuulooyin badan oo lagu dhaqnaa. Qaraxyadii degaanadaas lala dhacay ayaa dhulka ku masaxay wax kasta oo kor-yiil dhulka oogadiisa. Tira-koobyo kala duwan ayaa laga soo saarey dadkii ku dhintey dagaal-waynihii II-aad ee dunida. Qaar kamid ah waxay tiradaas gaarsiiyaan 100 melyan oo qof, kuwaas oo badankoodu ay ahaayeen dad rayid ah.

Haddaanu dib u milicsano sababta dhalisay dagaalkan, waxaa laysku raacsan yahay in dagaalku uu ahaa raad ka harey khilaafkii abuurey dagaalkii I-aad oo aan weli la soo af-jarin. Dalka Jarmalka oo looga guuleystey dagaalkii I-aad ayaa waxaa laga saxiixey heshiis la magac baxay (Varsailles Treaty). Heshiiska waxaa loogu magac darey aqal qasri ah oo dhexdiisa uu ka dhacay kaas oo kamid ahaa aqalladii waawaynaa ee boqortooyada Faransa ay lahayd. Dhismaha aqalkaas wuxuu ku yaal meel 25 km. galbeed ka xigta bartamaha magaalo-madaxda Paris. Heshiis Varsailles Treaty, wuxuu dhex-maray Jarmal oo dhinac ahaa iyo xulufadii uga adkaatey dagaalkii I-aad (Ingiriis, Faransiis iyo Soofyeet) oo dhinaca kale ahaa. Wada-hadalkii heshiiskaas oo socdey muddo lix bilood ah ayaa dooddeedu waxay bilaabatay 28/ 6- 1919-kii. Waa maalintii Jarmalka lagaga adkaadey dagaalkii I-aad oo dowladdoodii ay si buuxda isu dhiibtey. Wada-hadalkii heshiiska wuxuu soo af-jarmay 10/ 1- 1920-kii. Jarmalka ayaa markaas waxaa lagu khasbey in uu tanaasul xoog leh sameeyo. Wuxuu oggolaadey 13 % ciiddii dhulkiisa in uu bixiyo oo uu u aqoonsado xudduud dowlado kale leeyihiin. Wuxuu ogglaadey in lagala wareego gobolladii uu dunida ka gumeysan jiray dhamaantood. Islamarkaa uusan mar-danbe isku deyin in uu dal kale gumeysto ama ku duulo.

Waxaa intaa u weheliyay in laga hor-joogsadey in uu hor u-mar ka gaaro meelo dhowr ah oo ay ugu horeyso teknolojiyada ciidamada. Waxaa heshiiska ku soo aroorey in la xakameeyo qalabka ciidameed ee Jarmalka si ayan ugu suuragelin in markale uu sabab u noqdo dagaal ka dhaca dunida guudkeeda. Sidaa darteed waxaa la ansixiyay, ciidamada Jarmalka in tiradooda ayan kor u dhaafin 100.000 oo askari. Islamarkaa in la joojiyo nadaamka tababarka gurmadka ah oo ardeyda Jarmalka ay galaan marka ay ka baxaan dugsiyada sare, kaas oo dalka horey uga jiray. Dowladda Jarmalka waxaa laga reebey in ay yeelato ciidan cir. Ciidanka badda qudhoodu waa loo xaddidey oo tiradooda waxaa lagu soo koobey 15.000 oo nin, kuwaas oo ay weheliyaan raxan maraakiibta dagaalka ah, oo ayan ku jirin kuwa badda quusa. Waxaa kaloo heshiiska kamid ahaa, askariga Jarmalka ah in uusan xaq u laheyn in uu ciidamada u khidmeeyo muddo dhaafsiisan 12 sano. Saraakiisha qudhoodu waxaa loo xadeeyey 25 sano oo keliya, dabadeed shaqada waa laga eryayaa. Ujeeddadu waxay ahayd in Jarmalku uusan yeelan saraakiil leh khibrad dheeri ah. Qodobadaas hore waxaa Jarmalka kaga cuslaa qodobka tirsigiisu ahaa 232-aad ee heshiiska kamid ahaa. Wuxuu dhigayay in Jarmalka uu si buuxda u qaado masuuliyadda wixii khasaaro ahaa ee uu geystey dagaalkii I-aad. Sidaa darteed, waxaa heshiiska lagu qeexey, dowladda Jarmalka in ay bixiso mag-dhow lagu qiyaasey 269 bilyan oo ah lacagta Jarmalka ee dahabka ah (German Gold Mark). Hantidaas ganaaxa ah, waxaa qeybsanaya waddamadii ku wax-yeeloobey dagaalkii I-aad. Inkasta oo goor danbe 100 belyan la cafiyay, misana dhaqaalaha intaas le’eg, maahayn arin suuragal ah in Jarmalku uu xilligaas bixiyo. Arimahaasi waxay sabab u noqdeen ihaano xoog badan oo dhaawacdey ruuxda dadkii qowmiyiinta ahaa ee Jarmalka. Waxaa taas ugu darsoomey lacagihii mag-dhowga ahaa ee cusleeyey garbaha shaqaalihii dan-yarta ahayd ee ku howlaneyd wax soo-saarka dalkooda.

Waxaa kaloo jiray dhibaato dhaqaale oo sanadihii 1930-aadkii gil-gishey guud ahaan nolosha dadkii ku dhaqnaa waddamada reer galbeedka. Taasi waxay ka dhalatey kala tagga xagga dhaqaalaha ee dowladihii dagaalka ku adkaadey iyo kuwii laga adkaadey. Dowladihii adkaadey (Ingiriis, Faransiis iyo Mareekan) keligood ayaa waxay yeesheen keydka dahabka ee dunida. Islamarkaa waxaa u dheeraa dakhli badan oo ka soo gelayay gobolladii dunida oo ay gumeysan jireen. Marka dowladihii adkaadey uu xaalkooda sidaas ahaa, kuwii laga adkaadey dhaqaale xumi ayay noloshoodii la socon weydey. Tusaale-dhig waxaa ah in qofka Jarmalka ah, si uu seyladda wax uga soo iibsado, gaari-gacan ayuu lacagta ku waldaamin jiray iyada oo xaashiyo badatay ah. Markaas ayuusan ku badbaadi jirin ee lagu dili jiray intuu seyladda u sii socdo. Dhibaatadaas saboolnimada ah, waxaa Jarmalka la qabey dowladihii la xulufada ahaa oo qudhoodu uu heystey hoos u-dhac dhaqaale. Waddamadan ceyroobey waxaa kaloo ay ka mideysnaayeen, maamullada u dhisnaa oo u talinayay ee ahaa hannaan keligi-talis ah. Adolf Hitler wuxuu odey ka ahaa xisbigii Nazi-ga ahaa ee Jarmalka. Inkasta oo xisbigu uu doorasho ku yimid, misana wuxuu ahaa xisbi aanan oggoleyn siyaasad ka duwan tiisa. Wuxuu ku dhisnaa cunsuriyad, heyb-sooc iyo naceyb-abuur. Talada kama danbeysta ah waaxaa lahaa ninka xisbiga u odeyga ahaa. Dalka Jabaan ayaa isna waxaa odey u ahaa Emperor Akihito. Isagu wuxuu ahaa boqorkii 125 oo dalka Jabaan odey ka noqda. Dad-waynaha Jabaan waxay rumeysnaayeen in samada laga doorto ninka boqorka u ah, sidaa darteed talada dalka isaga ayay ku urursaneyd. Benito Mussolini wuxuu odey ka ahaa xisbigii Fascist-ada ahaa ee Talyaaniga. Wuxuu ahaa xisbi keligiis taliya oo aragtida uu qabo wax ka geddisan aanan oggoleyn. Ninka odeyga u ahaana, isaga ayay taladu ka bilaabataa kuna dhamaataa.

Waddamadaas xuddunta ahaa waxay la kici waayeen dhibaatadii ay saboolnimada u geysatay. Jarmalka oo ugu liitay ayaa wuxuu codsaday in loo soo celiyo qeybo kamid ah dhulalkii ay gumeysan jiray. Ujeeddadu waxay ahayd in uu iska fududeeyo culaabta dhaqaale-xumi ee xilligaas heysatay. Halkaas ayay ka bilaabatey iska hor-imaadkii maslaxadeed ee dowladihii ku dirirey dagaalkii II-aad ee dunida. Sidaasna heshiiskii ahaa Varsailles Treaty wuxuu ku noqdey mid dowladihii dhigtey ayan ku gaarin nabaddii ay ka filayeen in ay ka dhaxlaan.

Arimahaasi aanu soo xusney waxay ahaayeen dhacdooyinkii taariikhda galey ee hor-dhaca u noqdey in colaaddu ay is-qabsato tan iyo daafaha dunida. Waxaa weheliyay arimo kale oo loo aaneynayo in ay si toos ah xiriir ula leeyihiin dab-shidkii dagaalka. Waxaa kamid ahaa, sanadkii 1931-kii, Jabaan oo Shiinaha weerar ku qaadey. Wuxuu ka qabsadey gobolka lagu magacaabo Manshuuriya ee ku yaal waqoyi-bari. Is-bahaysi caalami ah ayaa xilligaas jiray, kaas oo la sameeyey dagaalkii I-aad dabadiis. Waxaa la oran jiray Is-bahaysiga Ummadaha (League of Nations). Weerarka Jabaan, is-bahaysigii waa uu ka aamusey oo jawaab kama uusan bixin. Arin kale ayaa jirtay oo waxay ahayd, fashilaad ku timid wada-hadal la doonayay in lagu xadeeyo loolanka u dhexeeya dowladaha ku tartamayay farsamada hubka. Bartamihii sanadkii 1933-kii ayaa lagu fashilmey arintaas. Waxaa xigey in isla-sanadkaas, Jarmalku uu ka baxay ururkii ahaa Is-bahaysiga ummadaha League of Nations. Islamarkaa dowladda Jarmalka waxay caddeysey xaqa ay u leedahay in ay hub sameysato, intii ay doonto. Sidaasna ay uga laabatey heshiiskii horey looga saxiixdey ee ahaa Varsailles Treaty.

Waxaa xusid mudan, inkasta oo dowladdii Talyaaniga uu saarnaa cuna-qabatayn dhaqaale, misana culeyska saarnaa ma ahayn mid lamid ah kii Jarmalka saarnaa. Sidaa darteed, Talyaanigu wuxuu iska ilaalinayay in aagagga xuduudda uu ka dhaco fal ku soo jeediya indhaha dowladaha ku bahoobey Is-bahaysiga ummadaha. Laakiin si hoose wuxuu ku jiray abaabul uu ku ugu diyaar-garoobayo sidii uu u buuxin lahaa qorshihiisa gumeysi ee ku wajahnaa dhulka uu ku fidinayay maamulkiisa imbraadooriga ahaa. Qorshahaasi wuxuu ahaa in Itoobiya uu ku darsado mustacmaraadka uu ku leeyahay Geeska Afrika. Meelaha uu tilmaansadey in uu kaga duulo waxay ahaayeen Soomaaliya iyo Ereteriya. Dagaalkaas oo soo af-jarmay markii ciidamadii Talyaaniga ay galeen Addis-ababa 5/ 5- 1936-kii, ayaa wuxuu ahaa dhacdooyinkii dagaalkii II-aad kii ugu horeeyey. Haddana inteynaan u guda gelin dhacdadii taariikhiga ahayd ee dagaalkan iyo saameynta uu ku yeeshay curashadii aragtida Soomaali-wayn, waxaanu dul-mar ku sameeneynaa fagaarayaalkii kale ee lagu hardamay si aanu u helno sawir inoo xoojiya fahamka midnimada Soomaaliyeed ee taariikhdan casriga ah.

  • Carraa’iga akhbaaraa ka iman culus ayaan noole
  • Waxay cudud lahaayeen quruun ciirsan baa badane
  • Caal-qaate dowlado hortii caaje aadmiga’e
  • Caaqibo danbeetey arladu ku camiraataaye
  • Nin waliba cabdada tiisa buu la cabsanaayaaye
  • Colaadahakan bixi waayay sow kuma ciraab qaadan (Cismaan Yuusf Keenadiid).

Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeed | Casharkii XVII-aad "

  1. Wad mahadsantahay doctorka sida wanagsan tarikhda noogu soo gudbisi aad ayanu ugu faa,idastaa wana mahadsantahin dhaman bahda somalitalka waxana codsanayaa in aan qoralkan la badiyo xogaa in uu soo daaho umalena lakin hala soo dajiyo