Home » Warar »

Diyaaradaha Kenya oo Duqeeyey Magaalada Baardheere

Duqaynta oo ku soo beegantay Xilli uu Xoghayaha Guud ee UN-ka oo kulan la qaatay Madaxda Kenya iyo Mahiga…..

Diyaaradaha Dalka Kenya ayaa duqeeyey magaalooyin ku yaal Soomaaliya, gaar ahaan diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa lagu soo waramay in ay duqeeyey magaalada Baardheere kuna diley dad rayid ah.

Duqaymaha ugu dameeyey ayaa ku soo beegmay xilli xoghayaha guud ee Qarammada Midoobey Ban-ki Moon uu December 8, 2011 magaalada Nairobi kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Kenya Kibaki, wasiirkiisa Arrimaha dibadda Watangula iyo ergeyga gaarka ee UN-ka u qaabisan Soomaaliya, Mahiga.

Dhanka kale sida ay qortay Kenya 6-dii December waxaa diyaaradaha Kenya duqeeyeen magaalada Afmadow, gaar ahaan waxaa arrintaas  qiray maj Chirchir oo ah afhayeenka Militariga kenya. Waxa kale oo Maj.  Chirchir uu  Twitterkiisa ku qoray in dagaalkii December 3-deedii ka dhacay Hayo ay ku dhinteen 11 askari oo DFKMG, ay dhaawacmeen 54 askari kuwaas oo 25 kamid ah loo duuliyey Gaarisa iyo Nairobi, waxaa kale oo dhintay, ayuu yiri, 40 Al Shabaab ah,” isagoo Twitterka u qoray sidan “3rd Dec; Attack at Hayo, 11 TFG soldiers died, 54 injured 25 flown to Garissa and Nairobi, 40 Al Shabaab’s killed”.


Kulanka Ban-ki Moon ee Kenya

Qoraalka hoose waxa uu ka soo baxay Xafiiska Mahiiga ee Nairobi

Sawirka: Kulankii Dec 8, 2011 ee ban-ki Moon iyo Kenya

Readout of the Secretary-General’s meeting with the President and Foreign Minister of Kenya

The Secretary-General met today with Mwai Kibaki, President of Kenya, and Moses Wetangula, Foreign Minister of Kenya. They discussed the situations in Somalia, in Sudan and South Sudan.

On Somalia, the Secretary-General took note of the progress made since the adoption of the Somali Roadmap and reaffirmed the United Nations support in implementing it. Noting the regional implications of the situation in Somalia, he stressed the importance of the Transitional Federal Government’s implementation of the Roadmap as well as the international community’s support in this regard.

He welcomed the endorsement by the Parliament yesterday of Kenya’s decision to join the African Union Mission in Somalia (AMISOM). He also stressed the need for the Mission to reach its full mandated capacity.  The Secretary-General noted that security developments in Somalia should be in support of the TFG and that interventions should be aligned with the political objectives of the country.

The Secretary-General also commended Kenya for its continued support to Somali refugees and welcomed the additional security measures taken in the camps hosting them.

On Sudan, the Secretary-General, the President and Foreign Minister discussed the need to resolve the outstanding post-Comprehensive Peace Agreement (CPA) issues, and particularly the question of Abyei. He also underlined the importance of harmonizing the relationship between Sudan and South Sudan, including with the assistance of countries in the region.

Nairobi, 8 December 2011

United Nations Office for Somalia (UNPOS)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Diyaaradaha Kenya oo Duqeeyey Magaalada Baardheere "

  1. Bashir says:

    Kenya oo Shidaal ka Baaranaysa 3900 Sq Km ee Gudaha Dhulbadeedka aagga Raas Kambooni ee Jamhuriyadda Soomaaliya.
    Walaalayaal Waxaa lasoo gaaray waqtigii aay ku talagashay Kenya in
    Shiidaalkii Badda Soomaaliya loo qodo, ayadoo isla markaas dayaarado dagaal ku duqeyneysaa DHUL SOOMAALIEED. Muraadkuna waxuu yahay in aan loo soo jeesannin Mashruucaas Badda Soomaaliya ka socda oo
    Heshiiskii qoditaanka la billaabayo sanadkan billowgiisa 2012.
    War Soomaaliyeey ma iska aamusnaanaa? Ma dalkii oo lasoo hajuumay
    baan difaacnaa? Ma BATROOLKII Badda Soomaaliya oo Shirkadihii Shisheeye BILILIQEYSANAYAAN baan difaacnaa?
    Haddii aan kala daadsannahay oo naloogu tala galay in aan sidaas u kala daadsanaanno, maxaa noo hirgalaya?
    Dowladdii iyo Xildhibaannadii la rabay in aay arrimahaan difaacaan waxaa lagu MASHQUULIYAY ROADMAP- iyo in laga baxo Dowladda KMG.
    Maxay anfacaysaa kabixitaanka Dowladda KMG haddii dalkii iyo baddi
    Soomaaliyeed silicaas uu ku jiro oo aanba laga hadleyn?
    Yaa dalka Soom,aaliya u maqan? MA SHICIBKAAN AAMUSAN BAA U MAQAN??????????
    Halkan hoose ka akhrista in la gaaray xilligii batroolka badda Soomaaliya
    in bililiqadiisa la buillaabo sanadkan 2012.

    Shirkad kamid ah shirkadaha saamiga ku leh aaggaas waxay sheegtay in sannadkan 2011 ay sahaminta shidaalka aaggaas u qoondaysay US$6 million oo wajiga hore ah. Waxaana warbaahinta loo sheegay in aaggaas laga sameeyey sahaminta nooca loo yaqaan 2D Seismic iyo in dhawaan ay soo gabagaboobeyso in qaar kamid ah aaggaas lagu sameeyo 3D Seismic – taas oo ah farsamo sahamin oo lagu ogaado in badda hoosteeda uu ku jiro shidaal. Waxaana markaas qorshaysan in ceelka koowaad aaggaas laga qodo 2012.
    Walaalayaal, tabar aan isaga dhicinnoo duulaankan nalagu soo qaaday
    ma aanaan lihin. JIDKA KALIYA oo noo furan waxuu yahay in banaanbax
    aan kala go’ lahayn in aan sameyno oo aan uga soo horjeedno duulaankan
    dalkayagii lagu soo qaaday dhinaca BADDA iyo DHINACA BIRRIGABA.

    Somaliya Soomaali baa leh.