Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG:
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubnihii wefdigiisa ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro ay ku soo kala bixiyeen dalal ay ka mid yihiin Qatar, Kuwait iyo Kenya halkaasoo uu kulamo muhiim ah kula soo qaatay hogaamiyeyaasha dalalkaasi.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa si diiran garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho ugu soo dhoweeyey inta badan xubnaha golaha Wasiirada, Xildhibaano, Saraakiil, Haween iyo fanaaniin iyagoo ku soo dhoweeyey caleemo qoyan iyo ubaxyo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbaahinta uga warbixiyay safarkiisa wuxuuna sheegay in booqashadiisa dalalka Qatar iyo Kuwait iyo weliba Kenya ay ku soo dhamaatay guul iyo is faham madaxdii dalalkaasi ee uu la kulmayna uu kala hadlay hadlay sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka dalalkaasi iyo dowladda Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in dalalka Carbeed ay uga mahadceliyeen kaalmadoodii dhanka abaaraha.
Halkan kadaawo masawiro dheeri ah
“Waxaan ka helnay balanqaadyo ah inay naga caawiyaan dhinacyada gargaarka iyo horumarinta hay’addaha dowladda, wuxuuna ahaa safarkeygu mid jawi wanaagsan ku soo idlaaday” ayuu yiri R/wasaaraha oo intaasi ku daray in dalalka Carabtu ay yihiin dalal gurmad xoogan u fidiyay shacabka Soomaaliyeed markii ay ku dhufteen abaaraha.
– DHAMAAD –
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.