Home » News »

Tacsiyada:waxaa diraya tacsidan hayada culimada soomaaliyeed iyo Golaha dacwada Albayaan

Bayaanka hay’adda culimada soomaaliyeed ee ku aadan dilkii Dr.axmed xaajic/raxmaan
Hay’adda culumada soomaaliyeed ayadoo eegaysa xaaladda dalku marayo , isbadallada ka dhacaya ,,iyo dhacdooyinka cusub uu ay ka mid tahay dilka Dr. axmed xaaji c/raxmaan,waxay soo saartay qodobadaan:

Halkan ka akhri qoraalkii oo PDF ah

 

 

Halkan ka akhri bayaankii Golaha Dacwada albayaan PDF
1-hay’addu waxay tacsi u diraysaa dhammaan ummadda muslimka ah,gaar ahaan shacabka soomaaliyeed ,waxayna si gaar ah ugu tacsiyaynaysaa dhammaan eheladii ,qaraabadii,saaxiibadii Dr . SH . Axmed xaaji c/raxmaan, oo ay dil u gaysteen kooxo diinta iyo dalkaba cadow ku ah ,waxayna ilaahay uga baryaysaa in uu uga dhigo shahaado uuna galiyo jannadiisa firdowsa ,waxaana leenahay:

اللهم اغفر له وارحمه وأكرم نزله ووسع مدخله، اللهم ارفع درجته في المهديين ، واخلفه في الغابرين، واغفر لنا وله يا رب العالمين .
Waxaana dhammaan ilaahay uga baryaynaa sabar iyo iimaan . aamiin
2-waxaa kale oon u tacsiyaynaynaa guud ahaan shacabka soomaaliyeed,dilka iyo barakaca joogtada ah oo ay ku hayaan kooxaha marin habaabay oo ku raaxaysanaya dhibka ummadda. Sidaas oo kale waxaan ka tacsiyaynaynaa dhibkii uu gaystay dabkii ka kacay magaalada boosaaso oo lagu waayay hanti tira badan,waxaana ilaahay uga baryaynaa badal khayr qaba
3-waxaan u aragnaa dilka shiikhu inuu calaamad u yahay xawaare cusub uu si xowli ah ugu soo biiray ololihii cuuryaaminta ummadda soomaaliyeed oo in mudaaba soo socday oo ay wadday kooxda shabaabku,arinkaas oo lugu gu’aamiyay shirkii baydhabo oo dulucdiisu ahayd in la beegsado culimada soomaaliyeed.
4-beegsiga culimada wuxuu muujinayaa kaalinta ay kaga jiraan difaaca diinta iyo u-danqashada ummadda,waxaana ilaahay waydiisanaynaa ikhlaas , sugnaasho iyo inuu ummadda dhammaan badbaadiyo.
5-diintu waxay xarimtay in la dhibo bulshada muslimka ah,oo waddooyinka loo dhigo qodax ama dhagax ama wasakh,wuxuuna nabigu(scw)yiri:qofkii muslimiinta ku dhiba wadooyinkooda waxaa ku dhaca lacnadooda,marka maxay mutaysanayaan kuwa wadooyinka iyo suuqyada dhigaya walxaha qarxa,si ay u laayaan shacabka muslimka ah una barakiciyaan .
6-waxaan ugu baaqaynaa dhammaan shacbka soomaaliyeed in ay iska kaashadaan ilaalinta amnigooda iyo ka hortagga cid walba oo amnigooda waxyayleynaysa,ilaahay wuxuu yiri:

وتعاونوا على البر والتقوى ولا تعاونوا على الإثم والعدوان .
Nabiguna (scw) wuxuu yiri :

لعن الله من آوى محدثا
وبالله التوفيق

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.