Home » Warar »

K.S R.W. oo maanta shir guddoomiyay shir looga hadlay sugida Amniga Muqdisho

Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna
Wasaiirka Gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa maanta shir
guddoomiyay kulan looga hadlayay arrimaha ammaanka caasimadda iyo ka hortaga
falalka qaraxyada ah ee ay todobaadyadii ugu dambeeyey kooxaha nabadiidku la
beegsanayeen goobaha shacabka iyo saldhigyada Dowladda, waxaana kulankan ka
soo qeybgalay Wasaraddaha ku sahqada leh Amniga iyo saraakiisha amniga ee
Talisyada Milateriga, Boliiska iyo Nabadsugida, iyo sidoo kale maamulka gobolkal
Banaadir.

Shirkan ayaa diirada lagu saaray sidii looga hortegi lahaa falalkaasi amni darida ah iyo
sidii shacabka loogu dhiiragelin lahaa in ciidanka amniga ay garab ku siiyaan fashilinta
falalkaasi, waxaana gabgabadii kulankan ka soo baxay qodobo dhowr ah kuwaasoo
dhamaantoodba quseeya sugida amniga Caasimadda iyo baaq loo jeediyay shacabka.
Kulanka kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna
Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise iyo qaar ka mid ah
mas’uuliyiintii kale ee shirkaasi ka qeybgashay oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka
Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Abaanduulaha Ciidanka Xooga,
Abaanduulaha Ciidanka Booliska iyo xubno kale.

“Sidaad la socotaan maalmihii ugu dambeeyey kooxaha Nabadiidku waxay
caadeysteen inay weeraro fuleynimo ah iyo qaraxyo arxan darro ah ay shacacbka la
beegsadaan, waxaanse u mahadcelineynaa ciidanka Ammaanku inay si wanaagsan
uga jawaabeen oo ay fashiliyeen qaraxyo iyo weeraro” ayuu yiri Mr. Carab oo xusay in
xalay la fashiliyay labo weerar oo ay kooxahaasi nabaddiidku ku soo qaadeen fariisin
ciidanka lagu tababaro oo ku yaala degaanka Jaziira iyo fariisin kale oo ay ciidamadu
ku leeyihiin degaanka Gubadley ee duleedka degmada Kaaraan.

Dhinaca kale, kulanka ayaa lagu go’aamiyay in si wadajir ah ciidanka iyo shacabkuba
ay uga hortagaan falalka khal khalgelinta ah ee ay wadaan kooxaha nabadiidka ah, iyo
in shacabku soo wargeliyaan ciidanka Amniga haddii ay arkaan wax walba oo
ammaanka Qatar gelin kara si looga jawaabo “Waxaan uga mahadcelineynaa
shacabka in 97% ay la shaqeeyaan ciidamada ayna kala qeybqaateen fashilinta
dhacdooyin badan” ayuu mar kale yiri R/wasaaruhu.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Dhinaca kale, go’aamada laga soo saaray shirka ayaa waxaa ka mid ahaa in qofkii lagu
helo in uu gacan siinayo kooxahaasi nabadiidka ah, midkii guri, ama gaari ka kireeya
ay dowladdu beegsan doonto lana wareegi doonto hantidiisa sharcigana la waafajin doono.
– DHAMAAD –

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.