Home » Maqaallo »

Gabay ku Saabsan Duulaanka Kenya Soomaaliya ku soo Gashay iyo Cabdulaahi Soomaali

Gabayga Magiciisu waa (Aar Gedooday)
Geesi laga baqaayo oo Gambasho aqoonin,
Gawaan iyo Nin seexa yaqaan geeda dhinacooda,
Gaardiska Ninkaa u socdee Gaala ka cabaadshay
Adigaa u soo Guluf tegee Goor Xun ha Margaagin.

Waxay ila tahay in aanu mar waliba diyaar u ahaano in aanu Dalkeena, Diinteena iyo dadkeena Cadawga ka difaacano,
Waxaa is Cadeysay oo Cadawga duulaanka inagu ah iminka safka hor uga biirtay Dowladda Kenya.
Waxay sheegtay in ay qabso rabto Gobalo hor leh oo soomaaliya ka mid, waana soo galeen ciidamadeedu, haddaan xoog looga saarina in ay ka baxaan uma qorsheysna.

Halkan kadhgeyso Codkii Abwaanka

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/gabayga 2011.mp3]

Kenya Kumanaan Muslmiin Soomaali ah ayay Xasuuqday Xillgii ay Gumeysta ay ka Xaroobayeen inta Badan Dalalka Afrika, dadkaas oo Hamigoodu ahaa in ay ay Gumeystaha ka hoos baxaan lana Midoobaan walaalahdooda kale ee Soomaaliyeed.

Soomaalidu waxa ay u arkaan Cadawgooda koowaad Itoobiya laakiin Kenyana waa la mid , Maxaa yeelay Dhul aanu leenahay iyo walaalaheen ayay xoog ku haysataa.
Kenya iyo Itoobiya Midna Ma ogola Maamul aan iyaga Gacansaar wanaagsan la lahayn Taladana aanay la Goyneyn oo Soomaaliya ka hana qaada.

Sababtu waxay tahay Midwaliba dadka iyo Dhulka ay hayasto ee soomaaliya ka maqan in laga Fara Maroojiyo ayay ka Cabsi qabtaa.

Bil ka hor askarta Kenya waxa ay ka soo gudbeen Xaduud beenaadka waxaanay ku ku sugan yihiin Deegaano ka tirsan Gobalka Jubada hoose iyo kuwo ka tirsan Degmada Ceel waaq ee Gobalka Gedo..
Waxa ay sheegtay Kenya in ay la dagaalamayso Xarakada Mujaahdinta Alshabaab ee Xukumo gobalada Koofurta Soomaaliya qaarkood.

Alshabaab waa Dhaqdhaaq Islaami ah oo ay ka go’an tahay Difaaca Diinta Islaamka iyo dadka Muslmiinta ah gaar ahaan Soomaaliya oo ah halka ay sida Rasmiga ah uga howlgalaan.
Soo gelitaanka askarta Kenya ee Soomaaliya Hubkoodu ku soo fooraro waxa uu igu dhaliyay in aan Tiriyo Maanso Kooban oo la yiraahdo Aar Gedooday

Waxa ay ka warameysaa Maansadu in ay jirto Guhaad Kenya horay noogu beertay, oo ay Dalkeenna qaar ay haysato.
In Dalka intii ka madaxbaaneyd iminka ay dooneyso in ay la wareegto.
In aan iska celi doono oo aynaan gacmaha ka laaba doonin, Geerina loo wada siman yahay.
In ay ay colaada ka dhaxli doonto dhibaatooyin badan sida agoon Fara badan iyo hooyooyin wiilashoodi dhinteen, dhaqaalaha oo burbura, tacliinta iyo caafimaadka oo meesha ka baxa iyo qodobo kale .
Waxaan iri;-

Gucasho igu raagtiyo anoo Ciil I gubi haayo,
Gu’yaal aad u badan adoo gobaledey heystay,
Yaad Geyiga intii kale Galabta dooneeyee
Aar gedoodayaan ahay markay Dirirta gaartaaye,
Gaashaan kama tagiyo gumac rasaaseede,
Geysh fara badane lihin Guulle Amarkiiye,
Gentaalaha qiiqiyo adoo Garneyl ku hubeysan
Gaagaabta keenyaay haddii Guluf aad soo qaaday
Ma gacmo banaaniye ogow Geeri loo siminane.

Gardaradaadu in ay badan tahay iyo gurdayntaadu,
Anna aan Godob tirsanahayoo geli Calooshaada,
Gobanimo kuwii damaaciyood Gowrac ku hanjiiday,
Goorna inaanan Hilmaansaneyn geli Calooshaada.

Geesi laga baqaayo oo Gambasho aqoonin,
Gawaan iyo Nin seexa yaqaan geeda dhinacooda,
Gaardiska Ninkaa u socdee Gaala ka cabaadshay
Adigaa u soo Guluf tegee Goor Xun ha Margaagin.

Godka Muslim Janna ku raba Geeri dabadeeda,
Gacan Ilaahay Ruux ka sugi labada gooroodba,
Iyo Gaalka Huurada leh oon Buuryo laga goynin,
Guusha Uma ay sinee Geli Calooshaada.

Gawaaridaada Qafilan in aan dhoor dhaw la wareegno,
Gootooyinkaad soo dirtana gaasas ku hareyno,
Sida Goosad ari ahoo waraabe goobyaalshay.
Gebigood inaan leyno oo goob la wada seexsho.

Gudurigaan Abaarsadee Gaajo xumo hayso,
Inuu Gurayo jiirtooda ee Ganaca uu jiito,
Gorgorkunow la cuno ileyn gu’yaal Hilb waayee,
Gedaas baan kula rabnaa haduu Guulle noo kase’e
Gabaahiir markaan ku taagiyo Gubad Rafaad yaallo,
Yaad Garwaaqso doontaa waxaan Gudiyo Xoogeyga.

Garoobo xad dhaafa ah iyo gurbood agoontoobay
Gablan hooyo joogta oo go’ay Inankeedi,
Gabaabsi Shaqadoo noqotiyo Gabanno tuugsaaya,
Gidaaro barkood dumay iyo Guri Albaabwaayay,

Ganacsigoo Burburiyo iyoSuuqyo laga guuray.
Gargaar Caafimad iyoTacliin gebi in aadweyso,
Gugac miino iyo rasaas Goor waliba yeeri,
Gadgadoon habeenkiyo in aad Gam’ikarweyso

Geeddi aan la gutashan dadkoo Gobalka Meel aado,
Waa Gedaha Colaadaaha lagu garaayaaye
Garaacdeen Albaabkeediye gadaal ka adkeysta.

Waxaa tiriyay Cabdulaahi Yaasiin Jaamac (Cabdulaahi-Soomaali)
cabdulaahisomali@hotmail.com
Tell 002526 5594321

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.