Home » Warar »

Magacii Xarakadda Alshabaab oo loo Bedeli doono “Imaarada Islaamiga ee Soomaaliya”…

Waxaa magaalada Baydhabo ee magaala Madaxda Gobolka Bay lagu soo gaba gabeeyay Kulan Mas’uuliyiinta Xarakada Shabaab iyo Culamaudiin ka kala yimid Gudaha iyo Dibadda halkaa uga soonayay maalmihii la soo dhaafay.

Gaba gabadii kulankaas oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiinta ay ka mid yihiin Shiikh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, Shiikh Cali Dheere, Shiikh Xasan Daahir iyo Guddoomiyihii Maamulkaas ee hore ee Gobolka banadir Shiikh Cali Maxamuud Maxamed ayaa waxaa ka hadlay Shiikh Muqtaar Rooboow.

Ka hor intii nuusan halkaa ka hadlin Rooboow ayaa qodobadii shirkaas lagu go’aamiyay waxaa ka mid ahaa ama ka soo baxayba kulanka qodobo illaa todoba qodob gaaraya.
Shirka oo sidoo kale ay ka qayb galeen Culumo Soomaaliyeed oo laga soo kala Ururiyay degaanada ay ka taliyaan Xarakada Shabaab ayaa ugu horeynba la go’aamiyay in Ururkaasi magacoodii hore ee ahaa Xarakada Shabaab laga bedelo, laguna edelo Wilyaada Islaamiga ah ee Soomaaliya.

Qodobadii heshiiska lagu gaaray ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa in dagaal lagu qaado Ciidamad Shisheeye ee dalka soo galay sida Kiinya,  Itoobiya iyo Amisom.

Heshiiskaas ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa in degaanada ay ka taliyaan Xarakada Shabaab laga mamnuuco gebi ahaanba waxyaabaha mukhaadaraadka oo ay ka mid yihiin Sigaarka, Xashiisha iyo qaadka. Waxaa kaloo ka mid ahaa in Magaca Xarakadda Alshabaab loo bedelo magaca Imaarada Islaamiga ee Soomaaliya waxaana dadka qaar ay leeyihiin in Xarakada ay guuri doonoto qaab Maamul Dawladeed

Intaas kaddib ayaa waxaa halkaa ka hadlay Shiikh Mutaar Rooboow kaasoo meelo badan taabtay isagoona ugu horeynba sharaxay Sababta ay magacaas u bedesheen.

Rooboow ayaa sheegey magaca asal ahaan inuu yahay macnihiisu dhalinyaro haatana hoggaanka Uruirku uusan dhalinyaro ahayn isagoona tusaale u soo qaatay Shiikh Xasan Turki iyo Shiikh Xasan Daahir kuwaasoo uu sheegey inaysan dhalinyaro ahayn haddana xarakadii ay ka tirsan yihiin sidaa darteedna haatan kaddib loo baahan yahay Culumada waa weyn in ay halganka hoggaamiyaan.

Shiikh Muqtaar ayaa sheegey in Halganka dhalinyaradu muddo soo wadeen haatana ay ku soo simeen Culumada kale ee Soomaaliyeed kuwaasoo looga baahan yahay ayuu yiri in halkaas ay ka sii wadaan halganka aan lagu fiirsan oo keliya dhalinyarada waa siduu hadalka u yiriye.

Shiikha ayaa ku kaftamay isagoo si ereyo hoos gelis ah u yiri Derawalka Gaariga wada wuu gedin karaa ama wuu haleyn karaa sidaas darteed loo baahan yahay in maanta dhalinyarada laga qabto hoggaaminta Dagaalka culumadana ay hormuud ka noqdaan.

Si katsaba in kastoo kulanku ahaa mid ay ka qayb galeen saraakiisha ururkaas intooda badan ayaa haddana waxaa goobta ka maqnaa Shiikh Mutaar Abuu Zubeer oo ah amiirka guud ee Xarakada Shabaab.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.