Home » News »

Guddi loo magcaabey masiibadii Bosaso ka dhacey

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr,Cabdiraxman Maxamed Maxamuud ayaa magaacabey guddi baaritaan iyo qiimeyn khasaare ka sameeya dadbkii ka kacey Bosasso 03 December,2011 iyo hantidii ku bas beeshey.
Waxana ay u qornayd warqadan sidan hoos ku xusan:
DOWLADDA PUNTLAND EE SOOMAALIYA
XAFIISKA MADAXWEYNAHA
Xeer Madaxweyne Lr,139 ee December 03,2011 kuna saabsan magacaabid Guddi.
Madaxweynha Dowladda Puntland
Markuu arkey: Dastuurka Puntland
Markuu arkey: Xaaladda musiibada dabkii ka dhacey magaaladda
Bosaso ee galafsatay khasaaro balaaran oo naf iyo
Maalba ah.

Wuxuu xeeriyey:
Waxaa la magacaabey Guddi sare ee Xukuumo oo daraasad ka soo sameeya khasaarihii uu geystey dabkii ka dhacey 03/12/2011 magalada Bosaso iyo wixii sababay dabka ,waxayna kala yihiin:
1-Khaliif Ciise Mudan Wasiirka Amniga & DDR
2-Maxamuud Faarax Beeldaje Wasiiru-dowlaha Ganacsiga & Warshadaha
3-Maxamed Ciise Lacle Wasiir-xigeenka Dekedaha Guud & Gadiidka Badda
4-Cabdishakuur Mire Aadan Wasiir-xigeenka howlaha Guud & Gadiidka
5-Cabdisalan Maxamed Galan Guddomiyaha Gobolka Bari
Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo ,

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Guddi loo magcaabey masiibadii Bosaso ka dhacey "

  1. Hussein says:

    Guddi ha la saaro ma xumee ma suurtagalaysaa haddii ay noqoto in wax loo uruuriyo dadkii xooloohoodii ku waayey musiibadii markii ay wax haysteenna ay puntland canshuurta ka dal dalan jirtay in la siiyo sidii ay dadka dhibku ugu kala badan yahay ama masiibadu u kala saamaysay si caddaalad ah.