Home » Maqaallo »

Roadmap Waa Xabashi Iyo Kenya Waana Tub Qaloocan.

kambala accord + Roadmap = Tubta Qaloocan = Maamul aanan mideysnayn = dastuur qabya lagu sheegay = Dowlad madaxweynaha ,wasiirka koowaad iyo gudoomiyaha Barlamaanka ay si garba siman ah uga qeyb-galaan shirarka caalamagi ah iyo kuwa gudaha =dowlad gobalada iyada hoos yimaado la miisaan ah= in aanan Barlamaanka la horkeenin Xabashi iyo Kenya oo IGAD kaashanayo qaraarada ay ka gaaraan waddankeena = Midawga afrika oo isaga noqday golaha sharci dejinta ee Somaliya = ergaga UN-ka ee Somaliya oo aan laga weydiin Karin xagey ku baxeen xoolihi caalamka ugu deeqay Somaliya= Madaxweynaha Uganda oo mas’uuliyada wadanka Somaliya si toos ah ula wareegay = Barlamaan(gola sharci dejin )fadhiid ah = gola wasiiro oo aanan iska warqabin = dowlad xubnaheeda uunan ku jirin nin mathalo gobalka uu ka soo jeedo= = = = = =??????????????????

Horaan u diidnay xabasho soo gasho waddankeena ,horaan u diidnay dowlad soo dhoweyso taa ,horaan u diidnay Xabashi naga maamusho daaha gadaashiisa ,horaan u aragnay Xabashi iyo Kenya jacaylka ay noo hayaan in uu yahay sidi ay ugu taaba-geli lahayd la wareegida dhulkeena ,taa haddii ay waayaana waxay rabaan in ay bedelkeeda helaan la wareegida haybadeene iyagoo taa u marayo siyaasiyiin daciif ah ,hamigoodana ku kooban yahay xiligan haddii aadan mansab helin weligaa mansab ka helimeysid Somaliweyn..

Waa cadahay in ay Al shabaab jabeen, tabar yarina ay heyso,waa cadahay Kenya iyo Xabshi in ay iyagana u muuqato sida ay wax u socdaan in aynan ahayn sidi ay wax u rabeen, hadddaba sidaa darteed labadan dowladood iyaga oo kaashanayo Igad, midawga Afrika, ergaga UN-ta oo ka soo jeedo dowlad ka mid ah dowladaha Bariga Afrika una janjeero siyaasada labadaas dowladood waxay bilaabeen xeel cusub oo ay ku wiiqayaan nabada Xamar cade ka soo muuqatay oo iyada mar kale sabab u noqon karto Somali is-raacdo, dowlad-wadaagna ka dhaxeeyo.

Gunta qoraalkan waa in aan iska weydiinaa mar walba sida wax u socdaan iyada oo aan ka sal-guurayno hab-dhaqanka madaxdeena iyo nabada kasoo muuqatay Muqdisho iyo faragelinta cad ee xabashida iyo Kenya ay ku haayaan ummadeena gaar ahaan markay labadan dowladood arkeen wufuuda sida isdaba-jooga ah uga soo degayo garoonka aadan cade ee diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ,iyadana waa in aan iska weydiinaa qaabka ay beesha Caalamka u Maareyso siyaasada ku aadan danaha ummadda Somaliyeed iyo qaabka ugu haboon oo aan arrimahaan ula saan-qaadi karno.

Hadaladi wasiirka koowaad Cabdiweli Gaas ka yiri dood-wadaagi iskola boolisiyo ,dood wadaagi uu ka qeyb-galay madaxweyne Sharif shikh Axmed iyo hadaladi uu ka yiri goobtaas ,madaxweynaha hadalki uu ka jeediyay dhamaadki Shirka wada-tashiga ee road-mapka,caga juglaynti ka soo yeertay Dr Mahiga erga gaarka ah ee UN-ta keddib dhamaadki shirkii wada-tashiga ee road-mapka ,kullanki odayaasha Somaliyeed ,xubna ka tirsan barlamaanka iyo ururada bulshada ku qabteen magaalada Muqdisho loogana soo horjeeday Road-mapka iyo beryahan colaada ka dhax-bilaabatay gudoomiyaha barlamaanka iyo xubnaha barlamaanka, arrimahan dhamaantood markaan hoos fog u fiirino waxaa kuu soo baxayo road-mapka in uunan ahayn mid laga rabo siyaasad toosan ee abuuri karto mideynta ummadda Somaliyeed iyo dib u soo noolaynta Somaliweyn meel uga soo wada jeeda danaha dalkooda iyo dadkooda ,haddaba Su’aasha dhabta ah ee na hortaal waxay tahay road-mapka yuu mathalaa ,yuu u danaynayaa haddii aynan gogashiisa ku dhameyn goballada Somaliyeed oo ay ku jirto caasimada Somaliya , yaa lagala tashtaa maareyntiisa ma Somalida misa ergaga UN-ta Mahiga ciduu rabo ,siyaasadiisa yey ka ak-soconaysaa oo uu hoos ula showraa ergaga gaarka ah ee UN-ta, dhaqalaha ku baxo shirarkan yaa bixiyo ,yaa laga weydiiyaa ,yaa leh in uu kula xisaabtamo ergada UN-Ta dhaqaalaha ay magaceena ku soo qaadaan.

Su’aaladahan iyo kuwa kalo oo badan waxay ka tarjumayaan xaalada cakiran ee ka dhax-aloosan siyaasiinta Somaliyeed ee waqtigan ,madaxda bariga Afrika oo iyaga huwan magaca IGAD , beesha caalamka iyo ummadda Somaliyeed guud ahaan.

Somaliya waxay ku jirtaa xiliyadi ay soo martay midki ugu cuslaa kolkaan is-bar-bar-dhigno mugdidi in mudda ah lagu soo jiray iyo iftiinka yar ee ka soo muuqday gudubka nagu hor go’an gadaashiisa. Xiligan waddanka wuxuu u baahan-yahay dhiifonaan iyo diktoonaasha sare oo ay ku dheehan-tahay xikmad iyo la tashiya badan oo laga sameeyo qaadista tilaaba walba oo ku aadan siyaasadeena si aan uga korno dib-ugu noqoashada dhibaatooyinki horay noo soo maray oo aan iyada filayo in aan ka qaadanay waayo aragnimo nagu filan.

“Dherigi fara badiyo waa fuud xaraareeyaa” Somalida ayaa tiraahdo ,Su’aaladahaas kore oo dhan waxay ku soo idlaanayaan sidi aan ula dhaqano xaalada uu hadda ku jiro waddankeena . dadkeena weliba akhyaartooda waxaa laga rabaa sidi ay meel isugu keeni lahaayeen sidi looga maarmi lahaa Road map-ka uu wato Mahiga iyo kooxdiisa iyo sidi looga gudbi lahaa xaalada ku meel gaarka ah iyada oo aan laga tilaabsanayn wada shaqeynta beesha caalamka iyo danaha ummaddeena oo meel la isugu keeno, iyada oo la tixgeliyo xuquuqda ummaddeena ay u leeyihiin ka qeyb-galka dharaandhirinta qaabka looga gudbiyo siyaasada cakiran ee waddankeena ka jirto weliba iyada oo meesha laga saarayo wax la yiraa 4.5.

Road-map-ka ay Mahiga iyo asxaabtiisa hor-boodayaan waa tub qaloocan oo aan looga gudbi Karin xaalada ku meel gaar-ka ah . dadkeena waa ka dgeragsan-yihiin gaabnida muddada u hartay dowladaan iyo qaabka xun ee wax u socdaan , haddaba sidaas darteed waxaan rabaa in aan farta isugu fiiqno in aan heysano Xamar oo nabad ah ,Somali oo aynan ka dhaxayn colaad lagu kala tegay mark laga reebo siyaasiyiin danahooda u maro isku dirka ummaddeena, odayaashi dhaqanka Somaliyeed oo aynan ku jirin odayaashi ku soo baxay cabida dhiiga ummaddooda , dowlado daacad ka ah dib usoo noolaynta dowlad Somaliyeed oo shaqayso sidi Turkiyo, Qadar ,qaar ka mid dowladaha reer galbeedka iwm, sidaas darteed wax-galka ummadaan waa in ay la yimaadaan sida ay uga faa’ideysan lahaayeen fursadan gacanta ugu jirto oo ay uga gudbi karaan fitnada ay wadaan Mahiga iyo kooxaha la shaqeeyo si xeeladaysan oo caalamkana soo dhoweyn karo si looga karo in aan dib ugu noqono dhibaatadi aan ku jirnay mudda 22 sano ah. Somaliya waxaa nooleeyo shirweyne ay ka soo qeybgalaan inta badan ee diyaarka u ah ka gudbida dowlad faashil ah . arrintan waxay ku imaan kartaa ilaa iyo intee ayaan annaga daacad ka nahay in aan u istaagno dib-u-dhisida dalkeena iyo dadkeena ,waxay ku imaan kartaa taa hore haddii la helo in aan la tashi kala sameyno shirweyne Somaliweyn ka soo qeybgasho dowladahan aan kor ku soo xusnay oo diyaar iyaga ula ah dhaqaalaha ku baxayo arrin noocaan ah oo ay ka maran-tahay hagardaamo iyo mansab ku hel. 03/12/2011.

Abdallah Moallim Mahamud
Abdullahi Siyaasi
Moallem!0@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Roadmap Waa Xabashi Iyo Kenya Waana Tub Qaloocan. "

  1. xasan says:

    marka hore alaah ayaamahad leh.n.n.nabimuxed korkiisa ha ahaato.intaa kadib waad mahadsantihiin somalitalk.waxaan anigu ray yigayga aan kucabirayaa inmaanta danta somaaliya helid dowlad nimo aykujirtaa kitaab alaah