Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo la Kulmay Amiirka Kuwait

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa u qornaa sidan:

Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta soo gaaray dalka Kuwait ayaa kulan dheer la qaatay Amiirka Dalka Kuwait Amiir Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal ee Kuwait iyo Somalia, arrimaha Soomaaliya sida amniga, gar-gaarka bani’aadanimo iyo qorsheyaal fara badan oo uu Ra’iisul Wasaare Abdiweli u gudbiyey dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Dalka Kuwait Sheikh Jaber Al-Mubarak Al-Hamad Al-Sabah.

Ra’iisul Wasaare Prof Abdiweli ayaa siiyey warbixin dhameystiran Amiirka Kuwait ee la xiriirta xaaladda dalka Soomaaliya, horumarka baaxadda leh ee ay Xukuumadda Abdiweli ku tallaabsatay 5tii bilood ee la soo dhaafay sida amniga, maamul wanaaga, gar-gaarka bani’aadanimo iyo dib-u-heshiisiinta iyo xiriirka maamulada iyo Dowladda dhexe. Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa Amirka u sheegay in qorsheyaal fara badan oo anfacaya shacabka soomaaliyeed ahna mashaariic nolol loogu raadinayo dhalinyarada Soomaaliyeed iyo kuwa dib-loogu celinayo barakacayaasha iyo mashaariic kale hor dhigay Ra’iisul Wasaaraha Kuwait iyo Hay’ada Kuwait Fund.

Amiirka Kuwait ayaa sheegay inuu aad iyo aad ugu faraxsanyahay wafdiga Ra’iisul Wasaare Prof Abdiweli isla markaana sheegay inuu isagu yahay Soomaali oo uu deegaan ku leeyahay Soomaaliya, waxuuna sheegay inuu marwalba diyaar u yahay is-garab istaaga shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Amiirka iyo Dowladda Kuwait uga mahadceliyey sida dhaqsida leh ee ay ugu soo gurmadeen shacabka Soomaaliyeed markii macluusha iyo abaaraha ka dilaaceen Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa qado sharaf waxaa u sameeyey Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kuwait iyo golaha Wasiirada.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale kulan dheer la qaatay Mas’uulka Kuwait Fund Abdiwahab Al-Badr, kana wada hadleen sidii Soomaaliya looga fulin lahaa mashaariic horumarineed. Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa lagu wadaa inuu la kulmo mas’uuliyiinta Kuwait ee qeybaha kala duwan sida ganacsatada Kuwait iyo hay’adaha gar-gaarka ee Kuwait inta uu joogo dalka Kuwait. Sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu la yeelan doono kulan jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kuwait.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.