Home » Faallo »

HIBO LA HILMAANSAN-YAHAY

Eebaha boqorka ah wuxuu aadanaha ku galladeystey nicmado aanan tiro lagu koobi karin. Waxay isugu jiraan muuqato iyo ma-muuqato. Wax-kasta oo nolosha inoo hagaajinaya ayuu inoo unkey. Dabadeed wax kasta wuxuu inoo dhigey meeshii ay ugu habooneyd. In badan oo nicmadahaas kamid ah waa ay ka maqan yihiin garashada aadamiga oo maahan arimo aan ka daba-tegi karno. Intooda wax laga ogaadey, kuwooda ugu hilan culus uguna tayada wayn waxaa kamid ah Goorta. Sidaasna waxaa inoo sheegey suubahihii Maxamad ahaa (shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaate). Isagu wuxuu ka tegey ooraah uu ka wariyay ina-adeerkiis Cabdullaahi ina Cabbaas (Eebe ha ka raali noqdo isaga iyo aabihiis). Oraahdu waxay tahay sidan:

(نِعْمَتَانِ مَغْبُونٌ فِيهِمَا كَثِيرٌ مِنْ النَّاسِ الصِّحَّةُ وَالْفَرَاغُ)

(Laba nicmadood, dad badan waa ay dhayalsadaan. Waa caafimaadka iyo goorta bannaan)

Diin ay tusmadeedu dhameystiran tahay ayuu ereyadaas kaga dhex tegey. Haddaba haddii aanu marka hore ka falanqeyno nicmaddaas gooreysada ah, waxaanu heleynaa in ayan ahayn wax ogaanshaheeda aanan lagu haleeli karin qeexid aqooneed. Mana ahan wax si buuxda loo macneyn karo. Sidaa darteed, aqoonyahannada u kuur-gala gooreysada,  illaa iyo hadda ma hayaan qeexid lagu qanacsan yahay oo gooreysada la siiyo. Waxaa jidha ooraah dheheysa:

“ Gooreysadu waa wax haddii leys weydiiyo aanan la garanayn. Haddiise aanan leys weydiin la garanayo “.

Taasi macnaheedu wuxuu yahay, waa la wada-garanayaa waxa ay tahay, laakiin maahan mid la qeexi karo. Waxaa jira oo la tilmaamaa in gooreysadu ay ka dhalato raad ay dhulka ku reebaan jurmiyada waawayn ee dusheena heehaabaya. Geeddi-socodka qorraxda, dayaxa iyo xiddigaha ayaa wuxuu yahay midka curiya gooreysada aanu dhulka ku xisaabsanno. Markaas ayaa waxaa lagu gartaa gooraha aanu tirsano ee kala ah daqiiqadaha (minutes), saacadaha (houres), ayaamaha (days), toddobaadyada (weeks), bilaha (months), xilliyada (seasons), sanadaha (years), tobaneeyada sano (decades), qarniyada (centuries) iyo kun-sanadeedyada (milleniums). Sida ay masaafadu u tahay cabbir lagaga beeg-qaato laba waxyaabood ee kala yaal laba goobood, ayaa gooreysaduna ay u tahay cabbir lagaga beeg-qaato laba fal oo dhacay laba xilli.

Gooreysada marka ay bilaabatay waa marka uu uunku bilowdey. Iyadu waxay kamid tahay uunka, waxayna la dhamaaneysa dhamaadka uunka. Aragtida ah Qaraxii Waynaa (The Big Bang) oo lagu sheego in uunku ka bilowdey ayaa culimada Islaamkuna ay muujiyeen ooraahyo diini ah ee fahamkaas waafaqsan. Isla-aragtidaas ayaa waxaa laga fahmayaa in uunku uu ku dhamaanayo qarax, taas oo qudheedu uu Islaamku ku hor-maray. Hayaanka gooreysaduna wuxuu dhex heehaabayaa labadaas qarax dhexdooda. Wax badan ayay isla soo mareen aadanaha iyo gooreysada. Goor hore ayaa dadku ay ku baraarugeen in ay u kuur-galaan ogaallada la xiriiras goorta. Daba-gal badan ayay sameeyeen si loo xasiliyo arintaas. Filosofiintii hore waxay ku jah wareereen, wixii ay ku tilmaami lahaayeen gooreysada. Su’aalaha maskaxdoodii wareerisey waxaa kamid ahaa kuwan:

Gooreysadu ma wax sidii roobka shuuxa ah oo kale inagu da’aaya ?. Mase waa wax dusha inaga huwan oo aynu hoos joogno ?. Ma wax ina sita oo aynaan ka hari kareynin baa ?. Mase waa wax ina riixaya oo geeddigiisu horey inoola hayaamayaa ?. Su’aalahan iyo kuwo kale oo badan, filosofiintii dunida soo marey ee xiisaha u qaadey aqoonta gooreysada, uma ayan helin wax jawaab ah oo ay kaga qancaan. Waxaanse shaki ku jirin in gooreysadu ay tahay mid si caddaalad ku dhisan u mareysa nolosha iyo noolaleyda ku dul dhaqan dunida. Raadka ugu da’da wayn ee laga hayo xiriirka aadamiga iyo aqoonta gooreysada, wuxuu ka soo jeedaa dhagxan ka haray xilliga la yiraahdo Palaeolithic period. Xilligaas wuxuu ku began goor laga joogo 12.000 oo sano horteed. Dadku goorta kaga beeg-qaadan jireen hayaanka dayaxa. Xilligaas ayuu ka soo jeedaa fahamka sanad-dayaxeedka (Lunar Calender). Kaas oo bilihiisu ay ku xisaabin jireen 12 bilood (354 maalmood) iyo 13 bilood (384 maalmood).

Waxaa xigey bulshooyinkii curiyay il-baxnimadii reer Fircoon. Iyagu waxay reebeen raadkii ugu hilan cuslaa ee dhankaas loo qaado. Muddo laga joogo 1.300 ch. ayaa dadkaasi waxay garteen, maalinta iyo habeenka in ay u qeybiyaan gooro is-le’eg. Iyaga oo adeegsanaya harka, ayay ayaantii ka yeeleen 12 saacadood (6 maalintii ah iyo 6 habeenkii ah). Waxaa xusid mudan in saacaddoodu ay ahayd laba saac oo ah midda manta la adeegsado. Muddadii ay il-baxnimadaasi jirtay, xilliyadeedii danbe, waxay garteen in ay saacadihii badiyeen oo ay ka dhigaan mid walba 12 saacadood. Isla bulshaooyinkii reer Fircoon, waxaa kaloo ay dareemeen, is-beddelka ka dhaca cimilada sanadka gudihiisa. Wixii u horeeyey oo ay dareemaan wuxuu ahaa is-beddelka ku yimaada qul-qulka biyaha webiga Niil. Kaas oo biyihiisu ay yaraadaan xilliyo go’an oo sanadka ah. Xilliyo kalena waa ay soo fatahaan. Waxaa halkaas ka dhashay garasho la xiriirta xilli sanadeedyada. Sidaa darteed, xilliyada fatahaadda waa ay ka gaashaaman jireen inteeyan biyuhu soo rogman.

Bulshadaasi, arinta ay sida wanaagsan ugu guuleysteen waxay ahayd in si isku jaan-go’an loo xisaabiyo saacadaha gooreysada. Reerka bilaabay howshaas waxay ahaayeen bulshadii ay u talinayeen qoyskii la oran jiray Amenxuut III-aad (1417-1379). Xilligaas waxaa la hal-abuurey agab lagu xisaabiyo saacadaha. Waxay ahaayeen laba aashuun oo is dul-saaran. Midka kore ayay ciid ku shubeen. Duleel yar oo u dhexeeya ayay ciiddu si tartiib ah kaga shubmeysaa oo aashuunka hoose ayay u gudbeysaa. Ciidda hoos ku daadata ayaa u xisaabsan oo ay saacadba heerka ay gaadho ka ogaanayeen inta gooreysadu tahay. Griiggii iyo Hindidii goor danbe ayay saacaddii ciidda waxay u beddeleen mid biyo ah, labadii aashuunna quraarado ayay ka dhigeen.

Gaius Julius Caesar oo ah ninkii asaasey boqortooyadii Roomanka (100 san ch.), ayaa lagu sheegaa in uu ahaa qofkii ugu horeeyey oo hirgeliya in goorta loo adeegsado geeddiga qoraxda. Hannaankaas oo la yiraahdo qorax-sanadeed (Solar-calender) ayuu wuxuu ka hirgeliyay maamulkiisii sanadkii 45 ch. Waxaa halkaas ku shiiqey hannaankii qarniyada badan loo adeegsanayay gooreysada ee ahaa dayax-sanadeedka (Lunar-calander).

Diinta Islaamka markii ay soo if-baxdey, waxaa kor u kacay xiriirkii u dhexeeyey dadka iyo gooreysada. Qof kasta oo muslim ah waxaa waajib ku noqdey in uu wakhtiga ku dhowaado isaga oo dhowraya cibaadooyinka laga doonayo. Kuwaas oo laga rabo goor xaddidan oo ama maalintii ah, ama habeenkii ah (salaadaha), ama bilihii qaarkood ah (sakada), ama sanadkiiba mar ah (xajka). Waxaa intaas u dheer aayadaha quraanka ah ee tirada badan oo bulshada Islaamka ah ku baraarujinaya in ay dhug u lahaadaan is rog-rogga goorta iyo calaamadaha ay cimilada ka muujiso. Aayadda 12-aad, suuradda Al-Israa waxay inoo sheegeysaa sidaan:

(وَجَعَلْنَا اللَّيْلَ وَالنَّهَارَ آيَتَيْنِ فَمَحَوْنَا آيَةَ اللَّيْلِ وَجَعَلْنَا آيَةَ النَّهَارِ مُبْصِرَةً لِتَبْتَغُوا فَضْلًا مِنْ رَبِّكُمْ وَلِتَعْلَمُوا عَدَدَ السِّنِينَ وَالْحِسَابَ وَكُلَّ شَيْءٍ فَصَّلْنَاهُ تَفْصِيلً)

Aragtida ugu hilanka culus oo Islaamku uu soo kordhiyay waxay tahay in goortu ay tahay nicmad leysa siiyay middeeda ugu wayn. Sidaa darteed wuxuu dhiiri-geliyay in lagu fara adeygo oo aanan dayac lagu bixin. Fahamkaas mugga wayn ee qiimiga ku fadhiya ka sokow, wax-qabad xooggan ayay culimadii Islaamka ku darsadeen oo ay ku hal-abuuraan agab loo adeegsado xisaabinta saacadaha goorta. Ninka wax-qabadkiisu uu ugu hilan cuslaa wuxuu yahay Ibnu Al-Razaaz Al-Jazari (1136-1206). Isagu wuxuu farsamo ku kordhiyay saacadihii biyaha ee lagu xisaabinayay saacadaha maalinta iyo habeenka. Saacadda lagu xasuusto wax-qabadkiisii waxay tahay saacadda loo yaqaan Maroodiga ee matxafka Dubai taal. Taas oo uu astaan uga dhigey maamul-wanaag, berya-samaad iyo aqoon ay bulshada Islaamka ah ku sugneyd xilligiisii.

Qarnigii 11-aad, injineero u dhashay dalka Shiinaha ayaa waxay ku guuleysteen, markii ugu horeysey hal-abuur saacad ku shaqeysa makiinad. Iyagu waxay markaas u adeegsanayeen in ay ku hagaan socdaalka maraakiibta. Saacadaha la adeegsado xilliga casriga ah, ninkii ugu horeeyey oo farsamadeeda ku guuleysta wuxuu Eli Terry (1772-1852). Ninkaas oo u dhashay Mareekan ayaa wuxuu hal-abuurey saacad u muuqaal eg kuwa gidaarada la suro. Wixii ka danbeeyey farsamada saacaduhu meel wayn ayay ka galeen hal-abuurka iyo ka faa’iideysiga labadaba. Dabadeed waxaa bilaabatay in il-biriqsigii la qiimeeyo oo lagu daro gooreysada. Sidaasna saacadihii ay yeeshaan qalab ku rakiban oo il-biriqsiga xisaabiya.

Hal-beegga gooreysada ee noloshan casriga ah, aadamigu wuxuu u adeegsadaa il-biriqsiga second. Fadhi ka dhacay degmada Sevres ee dalka Faransa, sanadkii 1875-kii, ayaa waxaa lagu dhisey gole lagu magacaabey (BIPM – Bureau international des poids et mesures). Kaasi wuxuu ahaa gole caalami ah ee qiimeeya beegga iyo cabbirka. Golahaas ayaa soo bandhigey il-biriqsiga in uu yahay beegga saldhigga u ah gooreysada. Il-biriqsigu wuxuu kamid ayahay toddobada hal-beeg ee aadamigu u adeegsado cabbirka. Toddobadaas ayaa waxay yihiin meter (oo lagu cabbiro masaafada), kilo-gram (oo lagu cabbiro culeyska), ampere (oo lagu cabbiro qul-qulka korontada), kelvin (oo lagu cabbiro kuleylka), candela (oo lagu cabbiro ifka), mol (oo lagu cabbiro walaxda) iyo second (oo lagu cabbiro goorta) Il-biriqisiga qudhiisu wuxuu u sii kala jabaa 1000 ms. (milli-second). Lixdankiisuna wuxuu yahay hal daqiiqad. Isla-markaas il-biriqsigu wuxuu saacadda ka yahay 3.600 oo gabal oo il-biriqsi ah. Maanta waxaa si wanaagsan loo ogaadey qaabka ay gooreysadu u curato. Geeddiga uu dhulku ku laba meereysto (rotations) iyo xagasha uu sameeyo (axial tilt) ayay gooreysadu ka dhalataa. Fahamkaasi wuxuu ku siinayaa nicmaddaas qiimiga badan iyo sida ay ciriiri u tahay inaad maal-gashato. Sida ay u kooban tahay waxaanu ka fahmeynaa markaanu eegno, qofka 40 jirka ah, in cimrigiisu yahay afartan jeer oo dhulku uu qorraxdu ku soo wareegto. Haddii si kale loo xisaabiyo, qofka 40 (sano) jirka ah, wuxuu nool yahay 480 bilood, ama 14.400 oo maalmood, ama 345.600 oo saacadood, ama 20.736000 oo il-biriqsi.

  • 40 X 12 = 480 bilood
  • 480 X 30 = 14.400  maalmood
  • 14400 X 24 = 345.600 saacadood
  • 345600 X 60 = 20736000 daqiiqadood
  • 20736000 X 60 = 1244160000 il-biriqsi

Waxaa halkaas inooga muuqanaya, goortan aanu tirsaneyno in ay tahay mid aanan sidaas u cayilleyn oo qiimaheeda iyo koobnaanteeda ay kala dheer yihiin. Misana waxaa taas ka sii yaab badan markii leys bar-bar dhigo gooreysadeena iyo qaar kamid ah gooraha uunka ka jira. Tusaale-dhig waxaa ah, halka dhulkeenu ku soo meereysto qorraxda mar qura (365-66 maalmood) uu sanad inoo buuxsamayo, xiddigga nala bahda ah ee la yiraahdo Neptune, wuxuu qoraxda ku meereystaa hal mar oo muddadeedu dhan tahay 165 sano (60.390 maalmood) oo xaggeena ah. Taas oo macnaheedu tahay, ilmaha xiddiggaas ku dhasha, marka goortiisu uu sanad jir yahay, goorteenu ilmahaasi wuxuu jiraa 165 sano. Aragtidaas is babar-dhigga gooreysada oo aadamigu uu ku fahmay aragtidii ahayd Relativity ee qarnigii tegey bilowgiisii la heley, ayaa quraanku uu qarniyo badan kaga hor-maray in uu fahamsiiyo aadamiga.

Iyada oo leynoo tilmaamaya jiritaanka Eebe (kor ahaaye), ayaa quraanku uu mar walba wuxuu inoo tilmaamaa uunka. Gaar ahaan goor-meeleedka (Time and Space). Keydkaas aqooneed ee qiimiga badan ayuu quraanku wuxuu inoogu daadihinayaa in caqiidadu inoo hagaagto. Lixda maalmood oo lagu xusey quraanka oo Eebe (kor ahaaye) uu ku uumey uunka ayaa tusaale inooga filan aragtida gooreysada kala duwan (Relative Time). Suuradda Fusilat, aayadaheeda 9 – 12 waxay inoo soo tebinayaan aragtidan.

(قُلْ أَئِنَّكُمْ لَتَكْفُرُونَ بِالَّذِي خَلَقَ الْأَرْضَ فِي يَوْمَيْنِ وَتَجْعَلُونَ لَهُ أَندَادًا ذَلِكَ رَبُّ الْعَالَمِينَ(9) وَجَعَلَ فِيهَا رَوَاسِيَ مِنْ فَوْقِهَا وَبَارَكَ فِيهَا وَقَدَّرَ فِيهَا أَقْوَاتَهَا فِي أَرْبَعَةِ أَيَّامٍ سَوَاءً لِلسَّائِلِينَ(10) ثُمَّ اسْتَوَى إِلَى السَّمَاءِ وَهِيَ دُخَانٌ فَقَالَ لَهَا وَلِلْأَرْضِ اِئْتِيَا طَوْعًا أَوْ كَرْهًا قَالَتَا أَتَيْنَا طَائِعِينَ (11) فَقَضَاهُنَّ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ فِي يَوْمَيْنِ وَأَوْحَى فِي كُلِّ سَمَاءٍ أَمْرَهَا وَزَيَّنَّا السَّمَاءَ الدُّنْيَا بِمَصَابِيحَ وَحِفْظًا ذَلِكَ تَقْدِيرُ الْعَزِيزِ الْعَلِيمِ(12)).

Gooreysada aanu hibada u helney waa midd kooban oo aanu dhulka oogadiisa ku intifaacsanno. Iyaduna saddex weji ayay leedahay. Mid waa tagtada oo waa weji ina dhaafey, waa danbena aynaan is-haleeleyn. Midna waa timaaddada oo waa humaag aanan inoo qabsoomeyn, waxna aynaan ku lahayn. Wejiga saddexaad waa midda sidii hadiyad qiimi badan leynoo siiyay oo waa midda aad xilligeeda heyso. Waxaa jira ooraah sheegeysa in tagtadu ay lamid tahay waraaq lacag ah oo gubatey, timaaddaduna ay tahay waraaq lacag ah oo laguu yaboohey, xilliga aad joogtona ay tahay waraaq lacag ah oo gacanta kuugu jirta loona baahan yahay inaad si haboon u sarrifato. Qof kasta oo nolosha ku guuleysta iyo qof kasta oo nolosha ku guul-dareysta, waa natiijo ka dhalatey falalka iyo dadaalka uu ula yimid gooreysada wejigeeda joogtada ah. Sidaas si lamid ah ayaa waxaan shaki ku jirin, kala horeynta bulshooyinka dunida in ay sabab u tahay ka faa’iideysiga gooreysada joogtada ah. Xaaji Aadan Aw-Axmad (Af-qallooc) oo arintaas inoo tilmaamaya wuxuu yiri:

  • Saban tigey mid weli soo-socdiyo saaka wax jooga
  • Saddexdaas siyood yaa xaal adduun lagu sifeeyaaye
  • Soo noqod ma-jiro shaley wixii saaduf oo tegeye
  • Midka soo-socdiyo saaddanbena waa su’aal maqane
  • Ogow taladu waxay suuban tahay saaka waxa jooga
    (Xaaji Aadan – Af-qallooc)

Diinta Islaamka oo ah diin lagu dhameystirey ilaalada danaha aadamiga, waxay dadka bartay aqoonta gooreysada iyo in ay tahay nicmad qaali ah. Is-lamarkaas waxay fartay in qofku qiimeysto gooreysadiisa oo uusan ku dayacin wax aanan faa’iido uga soo noqoneyn. Meelaha ay goortu ku dayacanto waxaa kamid ah sheekada badan, TV-daawashada badan, internet-fariisiga badan, socdaalka aanan danta ku jirin, booqashada badan, wargeys-akhriska badan, heeso dhegeysiga, doodaha fadhi ku-dirirka.

Hayaanka gooreysadu, si isku-mid ah ayuu u maraa aadamiga. Geeddigaas ayaa wuxuu u muuqaal eg-yahay khad xariiqan. Waxaa sidaas ku tilmaamay Arthur Eddington (1882 – 1944) oo ah aqoonyahan barashadiisu tahay astrophysicis. Wuxuu dejiyay aragtidan oo uu ku sheegey in gooreysadu ay lamid tahay khad dheer oo horey u socota, taas oo aanan gadaal u soo gaddoomeyn. Inkasta oo khaddaasi ay tahay mid toosan, misana waxay leedahay qeybo isu dheelli-tiran oo aadanuhu ku xisaabtamo. Hayaankaas dhexdiisa ayaa cimilada iyo facuhuba ay isku beddelaan.  Casharka is-beddelkaasi laga akhristo wuxuu yahay wax walba in ay xurtaan, koraan, ubaxeeyaan, xoogsadaan, gaboobaan, dabadeed ay dhintaan. Iyada oo gooreysada ay tahay hadiyad leysa siiyay tii ugu qiimiga badnay, ayaa misana waxaa ayaan-darro ah in hadiyaddaas qaaliga ah ay si deg-deg badan kuu gudbeyso. Taas waxaa ka sii daran, haddii ay ku gudubto, in ayan weligaa danbe kugu soo laabanayn.

Qofkii doonaya in uu ogaado sanad dayacmay qiimihiisa, ha eego ardey jaamacad dhigta, kaas oo markuu sanad wax baranayay, ku dhacay imtixaankii. Qofkii doonaya bil dayacantay qiimaheeda in uu ogaado, ha eego hooyo dhallaan heysata, taas oo caanihii naaska ka joojisey bil ka hor xilligii laga gurin lahaa. Qofkii doonaya in uu ogaado toddobaad dayacmay qiimihiisa, ha eego wariye soo saara wargeys toddobaadle ah, kaas oo markuu diyaariyay kahabrkii, maantii uu soo bixi lahaa ay madbacaddii ka fariisatay. Qofkii doonaya in uu ogaado maalin dayacantay qiimaheed, ha eego shaqaale mushahar ku qaata howl maalmeed, kaas oo markuu shaqadii uu qabtay dhameeyey, loo diidey mushaharkii. Qofkii doonaya in uu ogaado saacad dayacanta qiimaheeda, ha eego wiil dhallinyaro ah oo la ballamay gabar uu caashaqay, kaas oo gabadhii ay saacad ka soo daahday ballantii. Qofkii doonaya in uu ogaado daqiiqad dayacantay qiimaheed, ha eego qof dhoofayay, oo dayuuraddii uu raaci ay kaga tagtay daqiiqad uu daahay. Qofkii doonaya in uu ogaado il-biriqsi dayacmay qiimihiisa, ha eego nin u soo safety tartan orod ah oo caalami ah, kaas oo medaalyadii I-aad (world champion) ku waayay hal il-biriqsi oo lugta laga hor geliyay xariiqdii loo tartamayay.

  • Adduunyada cawiyo maalin weys ciribinaayaane
  • Cabbaarkii yare e kaa tagaa waa cad kaa go’ane
  • Cimrigaan gabaabsiga noqdeye sii ciriiri-yoobey
  • Camalfalasho wixii aan ahayn kagama ciil beeshid
    (Cismaan Yuusuf Keenadiid).

Qore: Dr. Saadiq Enow
Saadiq.enow@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " HIBO LA HILMAANSAN-YAHAY "

  1. Dhammaan waan salaamayaa bahda Somalitalk.com oo ku caanbaxday soo gudbinta Maqaallo ahmiyad gaar ah u leh dhammaan inta afka Soomaaliga wax ku akhriya.
    Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa Dr. Saadiq Eenow Faalada uu ka bixiyay qiimaha ay leedahay gooraysada (Waqtiga). ugu horeyn, waxaan la yaabay aray bixinta u sameeyay (Goorayso), waa cajiib, qoraallo badan oo ka hadlaya Gooraysada oo ku qoran afka Carabiga & Englishka wax ayaan ka akhriyay, balse waa markii iigu horeysay oo aan maqlo aray bixintaan.
    Waxaan ka rajaynaynaa Dr in maqaalada noocaan ah uu inoogu faa’iideeyo.
    Mahadsanidiin.

  2. Cabdullaahi says:

    Asc ww, runtii waa qoraal aad u qiimo badan Allah ajir badan hakaa siiyo walaal, dadaalka sii wad insha Allah.

  3. sharma'arke says:

    kheeyr badan alaah ha siiyo diktoor saadiq eenoow runtii qoraalada faraha badan qiimaha alaah ha kaa abaal mariyo
    halkaas noo ga wada kheyr badan alaah ha kisooyo miisaanka xasanadkana alaah hakuugu daro alaah haku xifdiyo

  4. cabdullahi says:

    Asc, jizakumulahu kheyr, walalka, faaladan qiimaha badan noo soo qoray,iyo mareegta cilmiga ee Somalaltalk.com.