Home » Warar »

Warar Dheeraad ah oo ku saabsan Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo Duqeyn u Geystey Markii labaad Xero ay Degenaayeen Dad Barakacayaal ah

iyo Maamulka Idaacadda Banadir Oo Ku Baaqay in Xabsiga Laga Sii Daayo Wariyaal U Xiran Dawladda Ku Meel Gaarka Soomaliya….

Diyaaradaha Kenya oo Duqeeyey Xero Barakacayaal

Degaanka Ceel Cadde ee hoos yimaada Magaalada Baar dheere ee Gobolka Gedo ayaa saaka lagu soo waramayaa in xaalad deganaansha ahi ay ka jirto ka gadaal markii shalay gelinkii danbe ay halkaa duqeyn ka gaysteen Diyaarado dagaal ee Wadanka Kenya.

Duqeyntaas shalay diyaaradaha dagaalku ay ku qaadeen Degaankaas ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhimatay illaa sedax qof oo la sheegey in ay Rayid ahaayeen halka Lix kalena ay ku dhaawacmeen oo ahaa dadkii ku jirey Xero Barakacayaal ah.

Duqeyntii shalay halkaa ka dhacday kaddib ayaa waxaa halkaa ka cararay Dad aad u fara badan oo badankooda la sheegey in ay ahaayeen dad reer Baadiye ah oo halkaa u soo Dukaameysi tegay halka qaarkoodna bara kacayaal ahaayeen sida ay xaqiijiyeen Dad goobtaa ku sugnaa oo war baahinta la hadlay.

Dadkan goob joogga ah ayaa sheegey in diyaaradahaasu ay ka yimaadeen dhinaca Dalka Kiinya isla markaana dhowr mar ay dul xawaareeyeen iyadoo ugu danabayntiina Illaa Seddax Bum ku tuuray goob ay sheegeen in ay ku sugnaayeen Dad Rayid ah.

Xarakadda Al Shabaab ayaa sheegetey in Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya ay Duqeeyeen Xero ay degenaayeen dad Barakacayaal ah oo markii horeba ku waxyeeloobey Abaarhii iyadoo dadka halkaa ku dhintey ay gaarayaa 4 qofood oo ahaa dadkii degenaa Xeradaas iyadoo ay sheegeen In Xarakadda Al Shabaab in ay u aari doonaan dadkaas lagu duqeeyey Diyaaradaha Kenyan ay ka shaleyn doonto, waana Duqueyntii labaad oo loo geysto Dada Rayid ah iyadoo tii ka horeysey ay ahayd tii Ka dhacadey Yaaqle oo Diyaaradaha Kenya ay ku laayeen Xoolo fara badan oo markaa ka cabayey War halkaa ku tiiley.

Duqeeyntii shalay ka dhacday Degaankaas ayaa ahayd middii labaad ee ugu khasaaraha badneyd Duqeynta ay ciidamada kiinyaanku ka gaysteen Gobolada Gedo iyo Jubada dhexe iyadoona dhawaan Duqeyntii ka dhacday Magaalada Jilib ay ahayd tii ugu khasaaraha badneed ee Ciidamada kiinyaanku ay gaystaan.tasoo Waxyeelo ka soo gaartey dada Rayid oo aan waxba galabasan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Xasuuqii Wagalla, February 10, 1984

Wagalla Massacre – over 5000 “Kenyan” Somalis Slaughtered by Kenyan Military – February 10, 1984,


Maamulka Idaacadda Banadir Oo Ku Baaqay in Xabsiga Laga Sii Daayo Wariyaal U Xiran Dawladda Ku Meel Gaarka Soomaliya.

Iyadoo dhawaan Ciidamada Dawladda ay Xabsiga u taxabeen Wariyayaal u shaqaynayay Idaacadda Banadir ee Magalada Muqdisho ayaa waxa arrinta ka hadlay Aga asime Ku Xigeenka Mamulka daacadda Banadir Cali Maxamed Aadan Cali Madoobe iasagoo Agaasime ku xigeenka tafasiil ka bixiyay wariyayaashaas iyo qaabkii ay ciidamada Dawladda u qabteen.

Wariye Xasan Laki oo ka mid ah shaqaalaha Radiyo Banadir oo ku dhawaad Xabsiga ku jira Afar Casho ayuu sheegey agasime ku xigeenku in isagoo waajibkiisa gudanaya ay Ciidamada dawladda qabteen iyadoona la sheegey waa siduu hadalka u dhigaye inuu la shaqaynayay Xarakada Shabab.

Labada wariye ee kale Tifow iyo Wiil farsama yaqaan ah ayuu agAasimime ku xigeenku sheegey in iyaguna laga qabtay xilli ay ku sugnaayeen degmada Shibis ee magaalada Muqdisho isagoona intaa raaciyay in an la garanayn sababta dhabta ah ee ay wariyayaashasi ku xiran yihiin.

Xariggan loo gaystey wariyayashasi ayuu Maamulka Idaacadda Banadir ku sheegey in ay ka mid tahay Tacadiyadii Wariyayaasha loo gaysanayay labaatankii sano ee la soo dhaafay isagoona ka codsaday Dawladda Federaalka Soomaliya in Saxafiyiintasi Xuriyadooda dib loo siiyo.

Ugu danabayntii ayuu Mamulka Radiyo Banadir ka codsaday DawladdaFderalka in wariyayashaasi Xabsiga laga sii daayo madama aysan jirin wax denbi ah oo lagu hayo maalmaha ayaa Dowlada Federaalka waxay wadey Olole lagu qab qabanayo dad ka dib marka lagu eedeeyo in ay Xiriir la leeyihin Xarakadda Al Shabaab waxayna dadka qaar ay leeyihiin in qabashadaan ay keeni karto Bulshada ay garawaayaan meel ay Naftooda ku aaminaan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.