Home » Warar »

Xukuumadda Ingiriiska Shirka Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed ee ay ku Dhawaaqdey ma yahay mid daba Socda Shir Hore uga Dhacay Magaaladda London.

Wasiirka arrimaha Dibadda ee dalka Ingiriiska Mr William Hague ayaa sheegey in shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ka dhici doono Dalka Ingiriiska Bisha Febraayo ee kal dambe kaasoo uu sheegey in lagu martiqaadi doono dhamaan qaybaha Kala duwan ee Bulshadda

Wasiirka oo la hadlayay Wakaaladaha Wararka caalamiga ayaa sheegey in hore arrintaa uu u sheegay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Ingiriiska Mr David Cameron , hase yeeshee xilgaas ma shaacin Cida loo qabanayo shirkaas hase yeeshee warar baa sheegaya in Dowladda Ingiriiska ay Tartan kula jirto qaar ka mid ah Dowladda Caalamka oo Dano gaar ahaaneed ka leh Soomaaliya oo ay ugu horeyso Dowladda Turkiga

Mr Cameron ayaa sheegey in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay Fashilan tay sidaa darteed la qabanayo kulan looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu Eedeeyay in ay wax ka qaban weydey arrimo ay ka mid yihiin Burcad badeedda iyo ku soo dabbaalidda Dalka Nabad taasoo noqotay ayaa la yiri mid fashilantay.

Mr William Hague ayaa hoosta ka xarriiqay in shirka lagu qabanayo magaalada London ee Dalka Ingiriiska looga hadlayo arrimaha ammaanka Soomaaliya iyo sida wax looga qabanayo wuxuuna dhawaaqaan ka soo yeerey Dowladda Ingiriiska uu daba joogaa shir 31 Oktoobar ka dhacay Magaalada London kaasoo lagu lafa gurey Arimaha amaanka ka dib markii lagu marti qaadey Shaqsiyaad isugu jira Soomaali iyo Ajnabi waxaana ka mid ahaa Maxamed Cabdulaahi Oomaar , Generaal Maxamed Geelle Kaahiye , Cabdiraxmaan Yariisow iyo Xubno kale Waxaana shirka lagu tilmaamey mid la doonayo in soomaaliya lagu qayb qaybiyo.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Britain ayaa sheegey in Soomaaliya ay ku jirtay in ka badan labaatan sano oo dagaal sokeeya ah isla markaana dagaaladaasu ay sababeen falal ay ka mid yihiin Burcad badeenimada oo maanta gaartay dhibaatadeeda Caalamka oo dhan Balse warar aan helney ayaa sheegaya in Dowladda Ingiriiska ay doonayso in iyada looga dambeeyo Xeebaha soomaaliya maadaama Khayraadka ku jira ay ku tartamayaan Dowlado fara badan sidoo kale waxay qorsheyneysaa in tababarto Ciidamo fara badan oo soomaali ah iyadoo Dowlada Ingrisiiska ay ka cabsi qabto in Xeebaha soomaaliya ay la wareegeen Dhaqdhaqaayada Islaamiga ee ka jira Soomaaliya .

Shacabka soomaaliyeed ayey layaab ku noqotey Hadalka ka soo yeerey Dowladda Ingiriiska ee ah in Shir Dib u heshiisiineed ay u qabaneyso dadka Soomaaliyeed waxaana Dowladda Ingiriiska soo gaaraya in Qoraalo ay dadka Soomaaliyeed oo Dowladda Ingiriiska lagaga Codsanyo ka qaybgalka Shirkaas hase yeeshee shirarkaas ayaa la sheegey in ay ka qaybgalayaan dadka haysta Dhalashada reer yurub ee soomaaliyeed ee qurbaha ku nool waxayna dadka Siyaasda odorosa ay leeyhiin waa mid ka mid Fereglinta dibadaha ee lagu hayo Dalka Soomaaliya iyadoo Dalkaan waqtigaan aad Moodo in Dowlado Farabadan ay u soo Hanqal taagayaan oo ay ugu horeeyaan Dowladdaha Deriska la ah Soomaaliya balse Fargelintoodu tahay mid ay gadaal ka riixayaan Dowlado ka mid ah Yurub iyo Mareykanka oo dano gaar ah leh .

Waa markii ugu horeysey oo ay xukuumadda Ingiriisku sheegto in ay marti gelinayso Kulan looga hadlayo arrimaha Soomaaliya kulankaas ka hor shirarka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya uu ka dhici jiray ama lagu qaban jiray Wadamada Afrika sidoo kale waxa Hadalka ka soo yeerey Dowladda Ingiriiska uu ku soo beegemey Xili qarabada midoobey ay ku Howlan tahay Shir dib u heshiisiineed kaasoo la filayo in la aabto Sannadka soo socda bisha Ogoosto oo lagu dooran doono Mdaxweyne iyo Gudoomiye Baarlamaan ..

Si kastaba arrintaa waxaan weli ka hadlin Dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu Ingiriisku ku sheegay in ay tahay mid ku fashilantay wax ka qabashada dhibaatooyinka ka jira Dalka gaar ahaana arrimaha Bur cad badeedda iyo Amaanka oo si weyn Caalamku uga qayliyay

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Xukuumadda Ingiriiska Shirka Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed ee ay ku Dhawaaqdey ma yahay mid daba Socda Shir Hore uga Dhacay Magaaladda London. "

  1. Sharmarke says:

    Markii dowladdu Turkiga ay Soomaali faraha lagashay – waxay u egtahay dowladahii kale ee indhaha iska tirayay Soomaaliya hadda ayay ku tartamayaa iney qas-iyo-burbur kow bilaabayaa, Haddii Dowlada Ingiriisku rabto danta Soomaaliya mey udeyso Turkiga?

  2. mahad says:

    ingriisku sow kii somali kala jar jaray ma ahan hadana ma intii isku soo hadhay ee rafaadsanayd buu sii kala jar jari rabaa illaahow umuuraha sahal

  3. c/weli says:

    waqtigan aan ku jirno soomaali ugama baahno ingiriiska inuu shir u qabto umada soomaaliyeed, soomaali waa inay isu tanaashuso oo maslaxadeeda garato.