Home » News »

Casho Sharaf Loo Sameeyey Marwo: Ashura Duale

Cahso sharaf si qurux badan loosoo agaasimay ayaa ka dhacday badhtamaha magaaalda Minneapolis, Minnesota habeenimadii xalay. Cahso sharaftan ayaa lagu sharfay Ashura Duale oo ah Marwo Dr. Cilmi, wakiilka u fadhiya United Nation Soomaaliya, mar ay soo booqatay magaalada Minneaoolis, Minnesota.

Casho sharaftan ayaa waxa soo qaban qaabiyey ururka Somali Civil War Survivals, ee xaruntiisu tahay magaalada Minneapolis, Minnesota. Cashadan ayaa waxa ka soo qayb galay mas’uuliyiin badan oo isugu jira siyaasiyiin, culimo, hooyooyin, arday, abwaano, fanaaniin, iyo suxufiyiin. Cashadan ayaa waxa looga hadlay muhiimka ay nabadu leedahay iyo sida mas’uulka u fadhiya Soomaaliya ay mihiim u tahay in uu la yimaado dadaal dheer iyo barnaamijyo ku qotoma nabada.

Ugudanbeyntii ayaa waxa xaflada ka hadlay Marwo Ashura Dual, oo ereyo kooban kaga hadashay dhibka ka jira Soomaaliya iyo sida ugu haboon ee looga saari karo, waxayna ku tilmaantay dhibka in looga bixi karo wadajir iyo iskaashi iyo iyadoo gacmaha la isqabsado. Cashada waxa soo gabagabeysey Dr. Luul Xasan Laari oo ku tilmaantay Marwo Ashura gabadh qaaliya oo runtii marwalba u hadasha Soomalida, una dooda xuquuqdooda.

Dr. Luul, ayaa sii fartay fariin muhiim ah Marwo Ashura oo ku tiri ha ilaawin xuquuqda dumarka Soomaaliyeed in aad kor u qaado, si ay gabdhaha Soomaliyeed wax ula qabsadaan gabdhaha caalamaka.

Somali Media
Abdimalik Askar
aabdimalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.