Maanta oo ku beegen 1- December 2011 oo ah maalin loo asteeyey Cudurka HIV/AIDS ayaa Xaflad si heer Sare ah loo soo agaasimey waxay ka dhacadey Hotelka Ambasadoor ee Magaaladda Muqdisho waxaana soo qaban qaabiyey South Central Aids Commission (Guddiga Ka hortaga Cudurka AIDS-ka ee Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxaana ka qaybgaley Masuuliyiin ka socotey ururada Bulshada , Dowladda Federaalka,Hayadaha Caalamiga iyo kuwa Maxaliga ah , Culuma’udiin , Dadka la nool Cudurka HIV ,Ururada ka mid ah Ururka SCAC , Haween iyo Mari sharaf kale.
Ugu horeyn waxaa halkaa ka Hadley Gudoomiyaha Ururka Somali South Central Aids Commission ee Marka la soo gaabiyo loo yaqaan SCAC Axmed Maxamed Jimcaale waxaana markiiba uu u mahadceliyey intii gacanta ku siisey qabashada Munaasabadaan oo uu sheegey in ay tahay maalin la doonayo in dadka lagu Baraarujiyo Cudurkaas iyo sida loogu baahan yahay in Bulshada uga war qabto dadkaas Cudurkaasa qaba
Mudane Jimcaale waxaa uu sheegey in sanadka marka la gaaro 2015 inta ka horeysa waxaa hal ku dhigu uu yahay In la Waayo dad Cusub oo qaba Cudurka HIV , in la waayo Faquuqid iyo Takoor iyo in la waayo Dad u dhinta Cudurka AIDS , isagoo sheegey in waqtigaan loo baahan yahay in Bulshadu u guntatu ku Howlgelida hal ku dhigyadaas si Bulshadu ay u noqoto Bulsho Caafimaad qabta.
Halkan kadaawo masawiro dheeri ah
Waxaaa kaloo Munaasabadaas ka haley Canab Xasan Cilmi oo ku hadleysaey Regional Working Group oo halkaas ka cadeysey in South Central Aids Commission (SCAC) uu wax weyn u qabtey Dadka la nool Cudurka HIV balse loo baahan yahay in Dowladda Federraalka in ay iyana ka soo dhalaasho Kaalintii looga baahnaa ee ah wax u qabashada Dadka la nool Cudurka sidoo kale waxay ugu baaqdey qaybaha Bulshada in ay gacan siiyaan dadka la nool Cudurka HIV
Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Cabdi Nuur Cismaan Wehliye oo ku hadlayey Magaca Bulshada Rayidka isagoo sheegey in ururka SCAC mudadii ay jireen ay qabteen Barnaamijyo Bulshada looga wacyi gelinayo Cudurka HIV sidoo kale wuxuu sheegey in ururka SCAC uu uga mahadceliyey markii uu Dalad u sameeyey Dadka la nool Cudurka HIV ee loo yaqaan PLHIV Taasoo uu sheegey in ay fududeysey in Dadka qaba Cudurkaas ay ka baxaan Faquuqii lagu hayey wuxuuna a Baaq u direy Hayadaha Samafalka , Dowladda Federaalka iyo Qaybaha Bulshada kaasoo ku aadan sidoo gacan loo siin lahaa dadka qaba Cudurkaas
Waxaa kaloo Munaasbadaas ka haley Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Mudane Ducaale oo u Mahadceliyey Ururka SCAC oo uu sheegey in wax weyn u qabteen dadka qaba Cudurka HIV isla markaana wuxuu sheegey in ay bulshada ku baraarujiyeen sidii Cudurkaas looga hortagi lahaa wuxuuna ugu baaqey in ay halkaas ka sii wadaan wacyi gelintooda maadaama dadka soomaaliyeed ay weli ku jraan dibaatooyin dhinacyo badan leh
Munaasabadaas waxaa kaloo ka Hadley Maxamuud Axmed Maxamed oo ka mid ah dadka la nool Cudurka HIV wuxuuna sheegey in Daladda ay ka tirsan yihiin ee PLHIV ay aas aaskeeda ay lahayd ururka SCAC taasoo Bulshada la nool Cudurkaas ay uga Mahadcelinayaan sidii ay ururisey Dadkaas maantana looga baahan yahay in ay halkaa ka sii wado ururka PLHIV ay ku soo rido wadada toosan maadama ay inta badan ay ka cabanayaan dadka la nool Cudurkaas maamulka haatan haya Daladaas.
Wxaana soo gabagabeeyey Xafladaas Xildhibaan Muuse Mayrane oo isna u mahad celiyey Uurka SCAC oo u jeediyey in uu u guntadu ka mara dhalinta Yoolka 2015 ee ah in la waayo dad cusub oo qaba Cudurka HIV , in la waayo dad la faquuqo iyo in la waayo dad u dhinta Cudurka AIDS-ka taasoo uu sheegey in ay soo nooleyn karto yadadiilada in la daawo loo helo Cudurkaas
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.