Home » News »

Soomaaliya ma la curyaamin mise waa la caymin?

Caalamka iyo cid walba oo daneyneysa ama u dhuun daloosha la socodka dhibaatada Soomaaliya ka aloosan muddada dheer, waxaa ay ka war hayaan, in jirrada dhulka dhigatay Soomaaliya 21-kii sano ee la soo dhaafay, walina ay la il darantahay, ay asal iyo faracba uga timid nabaro ay ku dhufteen Soomaaliya wadamadda dariska la ah, gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya, haba kala yad xooganaadeene.

Akhristoow haddaba, waxaa la yaab ah caqliga saliimka ahna aqbali karin in maanta la yiraahdo waxaa Soomaaliya dabiibayo, wadamaddii dhibka jira beeray iyo wadamo naftooda u buka siyaasiyan, baahanna dhaqaalo ahaan, xagga amniga iyo amaanadana aanan waxar jaban lagu haleysan karin, sida Ruwaanda iyo Ugaanda oo kale.

Intaa waxaaa dheer, shacabka Soomaaliyeed iyo wadamadaan Itoobiya iyo Kenya, waxaa na soo dhax maray colaaddo qaraar, walina furan oo wiil ka, wiilkiis ogyahay, marka Shacabka Soomaaliyeed wadaad iyo waranle, cid u meerin karta ama ka gadi karto ma jirto kheyr ayaa ka imaan dhanka labadaan waddan iyo kuwa la jaalka ahba, labada waddanna waa ogsoon yihiin in shacabka Soomaaliyeed aysan kheyr u turjumaneyn soo galitaankooda.

Soo galitaankooda waxaa lagu fasiri karaa oo kaliya hal shey oo laba ujeedda leh, dib u celin guulaha ay dowladdu ka gaartay Muqdisho iyo dib u naaxinta Al-shabaab.

Waxaa muuqda oo aanan daah saarneyn inaan Soomaaliya xal lala dooneyn dhanka beesha caalamka, marka la fiiriyo, balse lasii curyaaminayo, haddii xal lala doonayo, waxaa loo dhisi lahaa ciidan qaran oo howsha kala wareega Amisom, waxaa la xayiri lahaa dagaal oogayaasha iyo cid walba oo ka hortimaado habka lagu nabadeynayo Soomaaliya, waxaana arimaas oo dhan loo mari lahaa wadamadda aysan xisaasiyadda ka qabin Soomaalidu, gaar ahaan wadamada ka tirsan dunida islaamka, laakiin Soomaali ayaan wax fahmeynine xaalku waa jug jug meeshaada joog, wallaahul-mustacaan.

Ahmed-haadi Muhumad Ahmed
haadi30@hotmail.com
Odense Denmark

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.