Home » Maqaallo »

SAADAALIN MUSTAQBALKA SOMAALIAYA

Xalay goor saqdii dhaxe ah ayaa nin walaalaha kamidah la tusay riyo uu ku arkay nin kamid ahaa ragii xaadiray shirarka dibindaabayada soomaaliaya isagoo oranhaya hadalkaan:

“war kagaara wadanka kuwaa gacma hoorsadka ah”

Ninka qeeyla dhaantan latusay waxuu horay u arkay riyo inteeysan dhicin duulaankii Ethopia kuqaaday Soomaali 2006 aakhirkii, kaasi oo la tusay ciidanka Ethopia oo weerar kusooqaaday dalka kana soobilaabay gobalada dhexe, ciidankii ugu horeeyayna waxeey soogaleen magaalada Goldogab habeenkii rayada latusay.

Waxaa sidookale latusay markeey mas uuliyiintii maxaakita galeen duurka shariif oo kasoobaxay hoowdka laguna fariisiyay kursigii abdulaahi yuusuf isla riyadii dhaxdeeda ayaa lagu tusay shriifka oo cimaadii kubadalay koofiyad food dheer kuna fariistay kursigii isagoo akligiis ah kana katagay asaxaabtiisii cabsidarteedna gaaardaymoonayo.

Dib hadaan ugu noqono riyadii ninka hadalkaa yiri oon Somali udhalan kana qeeybgalay shirqoolada lala damacsanyahay somalida ayaa markuu la yaabay sideey wax usocdaan iyo hagardaamada lagu hayo wadanka soomaaliya iyo dhanka kale garaad xumada ama garasho la’aanta kuwa matalaya soomaali , ayuu isgoo fajacsan aadna ugutiiraaanyeesan falkaasi waxuuyiri:

(soomaliya maanta waxeey u’egtahay jazeerada malta , waxuuna raaciyay- war ka gaara wadanka kuwaa gacma hoorsadka ah).

Jazeerada maalta maxaa loogu shabahay soomaaliya? markaan fiiriyay maalta waa doowlada ugudhulyar aduunka, soomaaliya manta waxaa laga sooreebayaa intaasi ookale hadaan lagaqaban kuwaan qalinka kuduugayo waxkastoo lahordhigo.

Waxuu ninkaasi qeeyladhaanta gaarsiinayaa ninkastoo damiir leh in laga gaara wadanka kuwan aana kafikireeyn cawaaqibta ka imanayso waxa eey sameeynayaan, waxaad moodaa niman dhaga xiran aqoontooduna yartahay.

waayaabe aaway aqoonyahnkii , waxgaradkii, ragii ku abtirsanayay SYL ragii soomaaliya xornimada gaarsiiyay markeey afrika oodhan gumeeysiga ku jirtay, iskuna dayay ineey xornima gaarsiiyaan afrikada kale una alifayay heesaha sida heestii aheyd

hoo hooy afrikaay hurudooy

Halyeeyadii hurudooy

Haadbaa cunayoo hurudooy

Haamaa lasaaraa hurudooy

Soomaalida ayaa hore kumaahmaahday mas baa xuubdhala taasi ood fahmikartaan waxaan uga gol leeyahay, layaabmaleh in madaxweeynihii carashiid ee sharafta lahaa uu dhalay nin warqadii lookeena saxiixa oo aan difaaceeyndalkiisa.

soomalidu maanta waxeey mareeysaa marxalad kala guur ah, ma bad-baadinkaro wadankani wadaad kaligiis awood isbiday taladana kadiiday culumadii wax soobartay isaga, maqli waayay waxgaradkii talada loocelinjiray ee waayo araga ahaa .

sidookale waxaan badbaada lagasugayn doowlad eey soodhoo-dhoobeen dowladaha dariska ee aanqarsaneeyn damacooda fooshaxun ee aan geedka loogusoogaban.

maxuu natusineeysaa hadalka Gudoomiya kuxigeenka baarlamaanka Faarx Dawaara( kulboyow laagama talinkaro xamar)

Waxaa lagu fasirikaraa damaca dowlada Kenya kujiro ha ahaado mid dhuleed ama dhaqaale,ama kan ugusahlan oo noqonkaro maamulka Azaniya ee qeeybka ah kala goo-gooynta wadanka soomaaliya kaasi oo qorshihiisa ladajiyay 1992 waqtigaasi oo lashaaciyay in soomaliya laga rabo in looqeeybiyo shangobal.

Waxaa lagaga hortagi karaa laguna badbaadinkaraa wadankaan in lahelo dadwadiniyiin ah, diinleh, aqoonleh , taasi oo kuqotanta xikmad iyo caqlisaliim ah ooy kudhisikaraan dalkooda kufahmikaraan wadcigeeykujiraan midgoboleed iyo mid kalaba.

waana ineey isutagaan inta damiirrka leh aas-aasaana urur badbaadiya wadankaan haduujirana waa in boodhka iskajafaan hurdada kakiciyaan umadan.

Runtii ninka layiraahdo Farmaajo waxaa iiga muuqatay dhiig soomaalinimo qofka shaqsiyadiisu waxaa lagu qiimeeyaa in uu waxna inkiro oo yiraahdo maya waxna aqbalo, laakiin in aad ahato nacamleeye aana waxdiidin waxeey tusineeysaa maangaabnimo .

laakiin shariifka iyo jamaacadiisa marna maana kamaqal amisom hakadeeyso madaafiicda shacabka sida arxandarada ah eey uduqeeyneeysay.shariifku maalin buu hadal dahab ahaa kuhadlay kadibna boolaxooftadii hore eekeeyaatiga ayaadidisay,somaalaa hore uteri fulow guuli kuudhaweeydaa xogaa inuu adkeeystaa dhaaftay.

karazaayga afqaanistaan waxuu kahadlaa waxkastoo shacabkiisa waxudhamayo ama cidkastoo faragalinkuheeysa, waxuu naqdiyaa dowlado owoodleh oo waxlagabaqayo lagacabsani lahaa isagana waxuu hadalgeesinimo leh dhihi waayay African waxuush ah ee aan aqoon insaaniyad waxeeytahay.

Runtii cidina kama qarsoono ineey wadamada dariska ah iyo awooda kale oo waa weyn soomaaliya ladacsanyihiin ajende qarsoon oo soocday laga soobilaabo dowladii cadulaahi yuusf ee kenya lagu aas aasay, ilaa midan hada jirta mar kastana la iskudayayo in wax lamarsiiyo sida maamula falstiiniyiinka ee maqaarsaarka.

Waxaan ku soogaba gabeeynayaa hadalkeeyga in wadankaan lookaco lana badbaadiyo inteey goori-goortahay .Waxaana gaarsiinaynaa shacabka soomaaliyeed, dhamaan aqoonyahanada,culumadiinka, waxgaradka, hooyinka, dhalinyarada Ineey soomaliya ukacaan kana bad baadiyaan dibindaadyada lala damacsanyahay, kala qeeybinta inta harsan.

waxaan isweeydiiyaa maxaa dadkii kudhacay ooy lahalilaayihhin maxeey labanaanbixi laayihiiin faragalintan wadaka lagusameeynayo ma cidkalaa umaqan?. somaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsada, hadba kiina taagdaran, taageera waligiin. somaaliya hanoolooto ayaan leeyahay cadowgeedana hajabo hajabo hajabo.

Qore:salah mahamud
dakhare29@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " SAADAALIN MUSTAQBALKA SOMAALIAYA "

  1. saaaaaad says: