Home » Maqaallo »

SHIRWEYNIHII SADDEXAAD EE BEESHA CALI iBRAHIM (BICIID YAHAN) AYAA LAGU SOO GABAGABEYEY GOBALKA MINNESO,TA MINNEAPOLIS

Waxaa lagu soo gabagabeyey shirweynihii Saddexaad ee Cali Ibrahim(Reer biciidyan)
oo Sannadkiiba mar laqabto Taaso looga hadlo xaaladda guud iyo mid gar ahaaneed.

shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dadweyne aad u fara badan oo kakala yimid daafaha
adduunka islamarkaasna kaga qeybqaatay Khadka Telephonka waxaana ka mid ahaa
Xilbibaan ka Tirsan Norweyn oo degan Gobolka lagu magacaabo STANGE HEDMARK
ee dalka Norweyn.

halkaas oo uu Xildhibaan ka yahay laguna Magcaabo Prof.Abdirasaaq Xasan Cali (Cabdirisaq Cali Sanweyne) iyo Al-Xaaji Xasan Bayaxow oo asaguna ka soo galay khadka Telephonka Dalka Austaralia labadaas masuul oo aad iyo aad ugu dheraaday waxa ay tahay midnimadu iyo horumarinta iyo siddii umadaha degaanka nala degan nabad loogu wada noo lahaa.

Waxaa kale oo xusud muda Prof.Abdirisaq Janagale oo asna degan dalka maraynaka kana soo qeybgalay oo waliba asagu shirka daadihinayey isla markaasna ah maskaxdii shirkaan.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah
Hadaba shirkaan waxaa ka soo baxay qodobo dhowr ah waxaana ka mid ahaa:-
1-In Shirkaan Sanadkasta meel loo cayimay lagu qabto.

2-In Beeshu u diyaar garowdo wax qabad dhab ah iyo horu marinta dalka.

3-Beeshu waxay Baaq Nabadeed ka soo saartay dagaalada ka socda Gobolada Puntland islamarkaasna waxay ugu baqday Mamulka Puntland iyo dadka walalah ah ee dagalamya in ay labaduba Xil iskasaraan joojinta dagaladaas.

4-Beeshu waxay ugu baqday Maamulka Puntland in si deg deg ay ay u furto wada hadadal iyo dib u heeshiisiin.

5-Beeeeshu waxay ugu baqaysaa dhamaan Ismid iyo wax garadka Puntland in si deg deg ah ay u soo faragaliyaan arimaha aan dhamadka lahayn oo ka socda gobolka mudug xal deg deg ahna laga gaaro.

6-Beeshu waxay kale oo ay baaq u dirtay ismamulka Degaanka somlida Ethiopia In dadka deganadaas degan laga ilaayo wax kasta oo nabadgalyo Xumo keenaya laguna dadaalo sidii nabad iyo horumarin iyo cafimaad iyo waxbarasho loo gaarsiin laha.

iyo qodobo kale oo faro badan

wixii khabaar ah kal soo xiriira
immigrationtfgs@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.