Home » News »

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo qado sharaf lagu sagootiyey Denmark.

Waxaa maanta oo ay tahay 27.11. 2011. Ay jaaliyadda Puntland qado sharaf u sameeyeen wasiirka caafimaadka ee Dowlad Goboleelka Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo dhawaan booqasho shaqo ku yimid wadankaan Denmark. Intii ay qadado socotay waxay Jaaliyadda Puntland ee Denmark u soo gudbisey wasiirka warbixinno iyo macluumaad ku saabsan qurbajoogta Jaaliyadda Puntland ee dalkaan Denmark.

Dhinaca kale, wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cali wuxuu isna dhankiisa u soo jeediyey hadalo isugu jira warbixin dalkii ku saabsan iyo dardaaran. Waxaa xusid mudan in wasiirka kula dardaarmey, isagoo waliba hoosta ka xariiqay, muhiimadda ay leedahay in ay dalka yimaadaan oo ay xaalka dalku ku sugan yahay arkaan, taasoo ka caawin doonta qurbajoogta ogaanshaha iyo.
Wax ka qabashada baahida dalka iyo qaabka, goorta iyo sidii wax looga qaban lahaa.
Wasiirka caafimaadka Puntland waxuu ku amaaney jaaliyadda Puntland – Denmark dadaalka iyo isku duubnida ka muuqada.
Ugu dambeyntii wasiirku waxuu casuumad u fidiyey jaaliyadda Puntland – Denmark oo ay booqasho ku yimaadaan Dawlad Goboleedka Puntland.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah
Qabanqaabinta qado sharafta ;
Cabdisalaan Cali Askar Guddoomiyaha Jaaliyadda Puntland – Denmark
Maxamed Axmed Sooyaan Guddoomiye ku xigaanka Jaaliyadda Puntland – Denmark
Maxamed Maxamuud Jaamac MMJ Guddoomiyaha Jaaliyadda F.
Cabdi Shiil
Farah Yassin Osman
Cumar Axmed Maxamed Shirwac Xisaabiyaha guud Jaaliyadda Puntland – Denmark
Maxamed Xujaale Guddoomiyaha Jubooyinka
Cabdirashiid Maxamed Shirwac
Liisa

Waxaa soo diyaariyey ;
Farah Yassin Osman

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.