Home » Warar »

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday UN-ka oo uu hogaaminayay Mack Bowden.

Waxaa maanta kulan isugu yimid qeybaha Hayadaha UN-ka oo u hogaaminayay xiriiriyaha dhanka Bani?aadanimada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalda Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Kulankan aya waxaa kasoo qeyb galay madax ka kala socotay qeybaha hayadda UN-ka oo uu sidoo kale ka mid ahaa Alvaro Rodrigues (Head of UNDP Somalia), waxaana ay kawada hadleen guddomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho iyo xubnaha wafiga UN-ka horumarinta magaalada Muqdisho.

Wafdiga ka socda qeybaha kala gadisan ee UN-ka ayaa sidoo kale ka codsaday duqa magaalada Muqdisho in ay xafiis ka furtaan gudaha xarunta maamulka Gobolka Banaadir, si beey yiraahdeen aanu u daboolno ama u hirgelino , Human Security, iyo shaqo u abuurista dhalinyarada magaalada Muqdisho.

Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweeyay qorshe yaasha cusub ee hayadaha Qaramada midoobay ee ku aaddan shaqo u abuurista da?yarta Muqdisho , iyo sugidda amniga caasimadda, wuxuna ugu baaqay iney ka dhabeeyaan in shaqo loo abuuro dhalinyarada magaalada Muqdisho ku dhaqan.

?Waa Arrin aan soo dhoweyneyno shaqo abuurista dhalinyarada Muqdisho, waxeyna qeyb ka qaadan kartaa amaanka magaalada, waxaana yaraan doona fal dambiyeedyada dhaca haddii dhalinyarada shaqo hesho sidoo kale tacliinta ayaa sare u kici doonta?

Hayadaha Qaramada midoobay ee uu hogaaminayay xiriiryaha Bani?aadanimada mr Mack Bowden oo maanta kulan xafiiskisia kula qaatay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen iney hirgelin doonaan mashaariicda kahor ciidda miilaadiga.

Sidoo kale duqa magaalada Muqdisho ayaa waxa uu u gudbiyay baahiyaha magaalada Muqdisho ay qabto, waxaana mr Mack Bowden uu dhankiisa balan qaaday iney u gudbin doonaan hayadaha deeqaha baxsha.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Waxaana kulanka maanta uu kusoo idlaaday jawi gadan, waxaana dhinacyadii kulankaasi qaatay ay isku afgarteen waxyaabihi ay kawada hadleen.

Mohamed Yusuf
Press Officer office of the Mogadishu Mayor,
Tel: +252 699 407 191, +252 615 182 797.
Mogadishu-Somalia.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.