Home » Faallo »

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeed | Casharkii XVI-aad

Soddonkii sano ee ugu horeeyey qarnigii tegey, dhaawac xooggan ayaa ummadda Soomaaliyeed ka soo gaaray dagaalladii iska-caabinta gumeysiga. Dagaalladaasi waxay bulshada ku reebeen naafo iyo saboolnimo ay madaxa la qaadi-waayaan. Dhallinyarada badan ee kaga dhintey kasokow, dhaawaca guryaha buuxiyay iyo aafada saboolnimo ay nolosha ku reebtey ayaa duddooyin badani ay la jilba-dhigateen. Arintaasi waxay sahashay in laga daneysto degaanka iyo dadkiisii. Bulsha-wayntii Soomaaliyeed waxay noqotey kuwo ay taladii ka anfiriirtey. Tookhii iyo isla-waynidii dhaqanka ahaa, waxaa u beddeley tun ka-rarasho iyo turuqya-xirid. Waxay madaxa la galeen mugdi iyo maalmo madow. Laakiin Soomaalidu marna kuma ayan qataneyn in ay ka gablanto dircyo u kaca oo diirradeeya shucaaca xoriyadda. Meel kastaba ha kula kufaane, sidii hirka badaha oo kale ayaa bulshada dhexdeeda waxaa mar-walba ka soo butaacayay halyeeyo hoggaanka u jiida aragtida qowmiyadeed ee gumeysi-diidka ah.

Xaaji Faarax Oomaar Ileeye (1879 – 1948) ayuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee nolosha gumeysiga si guud uga gilgishey. Sanadihii 1920-aadkii, wuxuu keli ahaan ku luley calan cinwaankiisu yahay dareenka qowmiyadeed. Isagu wuxuu markaas u joogsadey in uu maxfallada dowladaha waawayn ka dacwiyo falaad xumida maamulladii gumeysiga ay kula kacayeen dad-waynaha Soomaaliyeed ee sidii maatida, ay u taliyaan.

Faarax Oomaar wuxuu kamid ahaa Soomaalidii tirada yareyd ee fursadda u heshey in ay wax-bartaan. Yaraantiisii wuxuu wax ku bartey dugsi ay dhsitey kaniisaddii Berbera. Dabadeed maamulkii Ingiriiska ayuu xafiis-haye u noqdey. Muddadii uu la shaqeynayay Ingiriiska wuxuu arkey wax badan oo qofkii damiirku u nool yahay uu dhibsado. Gaar ahaan markii loo soo beddeley in uu ka shaqeeyo gobollada bariga ee maxmiyadda, halkaas oo markaas uu ka dhisnaa maamul ciidameed (Milleteri Adminstration). Maamulkaasi wuxuu mid dadka lagu ciqaabo. Waa uu ka qallafsanaa maamulkii madaniga ahaa oo maxmiyadda uga dhisnaa gobollada kale. Taariikhyahan Mareekan ah oo la yiraahdo S. Touvali, mar uu xusey Faarax wuxuu tilmaamay sidan:

“ Mid kamid ah siyaasiyiinta casriga ee ka soo if-baxay maxmiyadda wuxuu ahaa howl-wadeen rayid ah oo lagu magacaabo Xaaji Faarax Oomaar. Kaas oo sanadihii 20-aadkii noqdey nin fir-fircoon “.(Saadia Touvali. Somali Nationalism. 1963. Harvard University Press. p. 62. New York – USA).

Faarax Oomaar wuxuu ka biya-diidey falalkii guracnaa oo maamulka Ingiriisku uu ku kacayay. Dabadeed wuxuu arinkii ka sameeyey gadood fal-celis ah oo ay dhibsadeen saraakiishii Ingiriiska ahaa ee uu la shaqeynayay. Iyagu markaas kama ayan maarmin shakhsiyadda Faarax Oomaar. Waxay u arkeen kaadir diyaarsan, islamarkaana ah nin xikmad badan oo dadku ay u joogsanayaan. Sidaa darteed waxay isku deyeen in ay dhaqaale iyo darajo u kordhiyaan oo ay kaga beddeshaan in uu si daacad ah ula shaqeeyo maamulka. Sarkaalkii degaanka ka odeyga ahaa oo ay wada-hadleen ayuu wuxuu ku yiri ooraahdiisii hana-qaadey ee ahayd:

“ Waxa i qanciya maahan dhaqaale iyo darajo ley-kordhiyo. Bal waxaa i qanciya wixii adiga ku qanciya oo ah inaan xor ahaado “.(Wareysi aanu la yeelanay Danjire Cabdullaahi Xasan Maxamuud. 10/ 12- 2007. Qaahira – Masar).

Qore: Dr. Saadiq Enow / saadiq.enow@gmail.com

Kadib markii hadalkaas laga maqley, Oomaar shaqadii uu hayay waa laga fariisiyay. Isagiina wuxuu u wareegey degmada Ber-bera. Wuxuu markaas bilaabay in uu ururiyo sheekooyinka la xiriira falaad xumida gumeysiga iyo dhacdooyinka xanuunka badan oo Soomaalidu ay kala kulmaan. Si uu caalamka u gaarsiiyo arimahaas, Faarax Oomaar wuxuu raadiyay lambar tellegaram ah oo uu kula xiriiro wasaaradihii dowladda Ingiriiska. Gaar ahaan wasaaraddii dibadda iyo wasaaraddii mustacmaraadka. Markuu heley buu qoraal u direy uu af-soomaali ku qorey. Danjire Cabdullaahi Xasan oo aan arintan ka wariney wuxuu sheegey, qoraalkii ugu horeeyey oo uu Faarax Oomaar direy in uu ka koobnaa saddex erey oo ah:

“ Hayaay, hayaay, hayaa “. (Wareysi aanu la yeelanay Danjire Cabdullaahi Xasan Maxamuud. 10/ 12- 2007. Qaahira – Masar).

Tellegaramkii markii uu gaarey labadii wasaaradood, waxay garan waayeen wax ay ku fasiraan. Maadaama fariintu ay ka timid Ber-bera, waxay raadiyeen qof Soomaali ah oo u turjuma qoraalkii tellegaramka. Waxaa jiray nin dhallinyar oo Soomaali ah, kaas oo xilligaas ku dhaqnaa magaalada London, isla-markaana ay u dhaxdey haweeney Ingiriis ah. Ninkaasi wuxuu ahaa Caabi Faarax. Isaga ayaa looga yeerey wasaaraddii arimaha dibadda. Waxaa la weydiiyey waxa uu ku fasirayo ereyada ah (hayaay, hayaay, hayaah) ee ku qoran tellegaramka uga yimid Bere-bera. Wuxuu ku fasirey sidaan:

“ Idinka oo koox geel-jire ah oo uu gabbalku idiin kugu dhacay meel keyn ah. Goor ay saqdii dhexe tahay oo aad hurudaan, cirkuna uu madow yahay. Roob mihiigaan ahna uu dushiina ku da’yo. Libaax baahan oo idiin soo dhacay, dabadeed nin idin kamid ah bowdyadiisii la-heley mciyaha. Markaasna la boodey. Ninka xaaladdaas ku sugan kama gaaro in uu yiraahdo: War iga dhigaay, ee wuxuu yiraahdaa Hayaay, hayaay, hayaay “. (Wareysi aanu la yeelanay Danjire Cabdullaahi Xasan Maxamuud. 10/ 12- 2007. Qaahira – Masar).

Qoraalkii Xaaji Faarax Oomaar wuxuu khasbey in dowladdii Ingiriiska ay ka fariisato oo maxmiyaddii waqooyi loo soo diro wafdi. Xilligaas gobollada Soomaaliyeed ee Ingiriisku gumeysanayay waxaa xaakim ka ahaa Sir. Harold Baxter. Wafdigii waa ay yimaadeen, laakiin maamul gumeysi ayaa degaanka ka jiray oo wax wayn isma-beddelin. Bal arin keliya ayay soo kordhisey oo ahayd, markey laabteen in Faarax Oomaar loo dhoofiyo dalka dibaddiisa. Magaalada Cadan ayuu Faarax markaas degey.

“ Kacdoonkii siyaasadeed ee uu la yimid (Faarax Oomaar), soo dhoweyn kama uusan helin dhanka maamulkii (Ingiriiska). Sidaa darteed Waxaa loo dhoofiyay Cadan “. (Saadia Touvali. Somali Nationalism. 1963. Harvard University Press. p. 65. New York – USA).

Faarax Oomaar markii uu tegey magaalada Cadan, ma uusan joojin dhaqdhaqaaqiisii gumeysi diidka ahaa. Isagu wuxuu ka qeyb-qaatay hal-abuur dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ay ku bahoobeen rag Soomaali ah oo Cadan ku dhaqnaa. Raggaasi waxay isugu jireen ganacsato iyo shaqaalihii Ingiriiska. Iyagu waxay xoogga saareen in ay marka hore ka shaqeeyaan dhanka hor u-marka gobollada ay ka yimaadeen oo ahaa kuwa uu Ingiriisku gumeysanayay. Ururkaasi waxaa la oran jiray Is-bahaysiga Islaamka ee Soomaaliyeed (Somali Islamic Association). Xaaji Faarax, inkasta oo uu xubin ka ahaa dhaqdhaqaaqan, misana wuxuu ka door bidey in uu wado howlihii u gaarka ahaa oo looga soo eryey Ber-bera. Xog-raadin xaaladda Soomaaliya iyo dacweyn maamullada gumeysiga kala duwan ee ka dhisan gobollada Soomaaliyeed ayuu wakhtigiisii ku bixiyay. Ujeeddadiisuna waxay ahayd in uu guud ahaan u adeego qadiyadda qowmiyadeed. S. Tuvali oo ka waramaya dhaqdhaqaaqii Faarax Oomaar iyo howlihiisii wuxuu qorey sidaan:

“ Howlahaasi xooggooda waxay ku wajahnaayeen ururinta ogaallo la xiriira arimaha Soomaaliya. Iyo arimaha guracan, kuwaas oo inta la qoro lagu baahiyo wargeysyada Ingiriiska iyo (in la gaarsiiyo) xubnaha barlamaanka (Ingiriiska). Si xooggan ayay u muuqatey in isagu uusan ku koobin dhaqdhaqaaqiisa, arimaha khuseeya gobollada Soomaalida-Ingiriiska. Laakiin wuxuu qaatay xiiso (dareen) ballaaran (oo gaarsiisan) arimaha Soomaalida ee ka baxsan maxmiyadda “. (Saadia Touvali. Somali Nationalism. 1963. Harvard University Press. p. 65. New York – USA).

Faarax Oomaar, muddadii uu musaafuriska ahaa wuxuu gaarey dalka Hindiya. Xilligaas waxaa halkaas ka socdey dhaqdhaqaaqii gobanimo-doonka ahaa ee Hindiya (1916 – 1945). Mahat Magandhi oo ahaa odeygii dhaqdhaqaaqaas ayaa wuxuu ahaa ninka lahaa aragtida aanan rabshadaha lahayn ee lagu doonto xaq kaa maqan (Nonviolence Struggle). Faarax Oomaar, isaga oo aqoon iyo khibrad u soo kordheen ayuu sanadkii 1939-kii ku soo laabtey Cadan. Xilligaas waxaa bilowdey dagaal-waynihii II-aad ee dunida. Faarax Oomaar wuxuu markaan bilaabay in uu dad-waynaha ku dhex-dhaco si uu u baraarujiyo. Wuxuu uga warami jiray dhaqdhaqaaqa gobanimo-doonka ah ee Hindiya. Laakiin wacyiga siyaasadeed ee bulshadu aad ayuu u hooseeyey. Taasina waxay dabar ku noqotey in aragtidiisii ay hanaqaad noqoto.

Muddadaas uu ku howlanaa in uu kobciyo wacyiga dadka, kama uusan harin qoraalladii uu ka gudbin jiray xaaladda bulshada Soomaaliyeed. Taasi waxay gaarsiisey in barlamaanka Ingiriiska lagaga dodo, in Faarax Oomaar loo aqoonsado nin u dooda qadiyadda bulsha-waynta Soomaaliyeed. Taasina waxay dhacdey markii ay qaar kamid ah barlamaanka Ingiriiska ay la caadifoodeen qoraallada Faarax Oomaar. Laakiin raagii arintaan watay waa laga adkaadey oo waa lagu diidey. Sababtuna waxay tahay, bulsho iyadiiba huruda, cidna hoos u jiidimeyso.

“ Dowladda Ingiriiska ayaa qudheeda waxay aragtay in Faarax Oomaar uu xaq u leeyahay (loona aqoonsado) in uu u hadlo dad-waynah Soomaaliyeed. Waxaa arintaas diidey masuuliintii go’aanka lahayd “. (Parliamentery Dibate. House of Commons. Fifth Series. Vol – 293. 17/ 11- 1934).

1934-kii ayaa maamulkii Ingiriiska uu oggolaadey in Faarax Oomaar uu ku soo laabto dalka. Inkasta oo sanadkaas uu ahaa sanadkii ay Xamar ka furteen naadiga is-bahaysigii dhallinrada Soomaaliyeed, misana isma-calfan in ay kulmaan iyaga iyo Faarax Oomaar. Inkasta oo xilligaas uu Faarax soo laabtey waayeel ayuu ahaa, misana kama uusan harin la hadalkii dad-waynaha. Taasina waxay sababtay in la xiro oo markale loo dhoofiyo Harar. Islamarkaas ilaalo xoog leh la saaro. Labano sano dabadeed (1945-kii) ayuu geeryoodey isaga oo dadkii la joogey, hadalkii ugu danbeeyey ay ka wariyeen uu ahaa:

“ Dhulkeygana wax la qeybiyo ka yar, dadkeyguna wax la rarto ka tabar yar “.(Wareysi aanu la yeelanay Danjire Cabdullaahi Xasan Maxamuud. 10/ 12- 2007. Qaahira – Masar).

Isagoo dulliga aad qabtaan dood ka celinaaya Da’dii uu ahaa Faarax baa jeelka loo diraye Loo diid dadkii uu dhaliyo duunyaduu dhaqaye (Xaaji Aadan Af-qallooc).

Waxaa kale oo waqooyiga Soomaaliya ka unkamay is-bahaysi siyaasadeed oo ay hal-abuureen rag ganacsato ahaa. Sanadkii 1935-kii, is-bahaysigaasi wuxuu ka furey naadiyo lagu kulmo degmooyinka Ber-bera, Hargeysa iyo Burco. Laakiin waxaa dhamman u diidey oo dabar ku noqdey in uu hanaqaado, waxay ahayd xubnihii naadiga oo aanan la iman aragti ballaaran sidii Faarax Oomaar oo kale. Sadia Touvali wuxuu ka waramay sababta uu dhaqdhaqaaqaasi la hanaqaadi waayay. Isagu wuxuu ku tilmaamay sidan:

“ Naadiyadii ma ayan isku deyin in is-bahaysogooda uu hanaqaado. Laakiin waa ay xadeeyeen oo waxay xubnihii (is-bahaysiga) ku koobeen qabiil “ .(Saadia Touvali. Somali Nationalism. 1963. Harvard University Press. p. 65. New York – USA).

Kadib markii is-bahaysigii hore uu bur-burey, ayaa sanadkii 1937-kii, gobolladii uu Ingiriisku gumeysanayay waxaa ka soo if-baxay is-bahaysi kale. Waxaa hal-abuurkiisa ka danbeeyey shaqaalihii u adeegayay maamulkii gumeysiga. Iyagu waxay markaas u duudayeen xuquuq kaga maqneyd maamulka ay u shaqeynayeen. Sidaa darteed ma noqon mid u hanaqaada heer ummadeed. Xuquuqdaas ayaa waxay ahayd:

“ Madaxdii Soomaaliyeed (ee is-bahaysigan) waxay dareemeen in ay ku dhibban yihiin in loo magacaabo shaqooyinka rayidka ah kuwooda ugu hooseeya. Isla-markaas jagooyinka dhexe iyo kuwa sare la siiyo Ingiriiska iyo dadka laga keeney Hindiya “. .(Saadia Touvali. Somali Nationalism. 1963. Harvard University Press. p. 65-66. New York – USA).

Dadka hal-abuurayay is-bahaysiyada waxay ahaayeen kuwo lagu tilmaami karo dabaqaddii u il-baxsaneyd bulshada. Inkasta oo ayan hanaqaadin is-bahaysigoodii, misana waxay muujinayeen howl bilow ah iyo baahi loo qabay baraarug gaarsiisan heer ummadeed. Xilliga ay gobollada waqooyi ka unkamayaan dhaq-dhaqaaqyada xambaarsan aragtida is-bahaysi, bulshada ku dhaqneyd koonfurta Soomaaliya waxay la il-darraayeen dhaawacyadii ka soo gaaray dagaalladii iska-caabinta. Talyaaniga wuxuu markaas heley fursad uu ku ballaariyo maamulkiisii gumeynta. Mashaariicda dhaqaale ee uu halkaas ka waday wuxuu ku saleeyey qorshe dagaal ee uu la damacsanaa in uu Itoobiya ku qaado. Waxaa kamid ahaa waddooyin uu dhisey ee isku xira qaar kamid ah degmooyinka Soomaaliya. Waxay ahaayeen waddada Xamar iyo Luuq, waddada Xamar iyo Beled-wayne, waddada Kismaayo iyo Baar-dheere, waddada Luuq iyo Baar –dheere, waddada Qardho iyo Gaalkacayo, waddada Baled-wayne iyo Gaalkacayo. Waddooyinkaas ayaa ujeeddada uu ka lahaa waxaa ugu waynaa in ciidamadu ay si sahal ah ugu gooshaan.

Talyaanigu wuxuu kaloo qaadaey tsllaabo uu ku muujinayo in uu ka baxay heshiis xuduudda ah oo ay horey isula dhigteen boqortooyada Itoobiya. Xilligaas waxay ahayd markii la af-gembiyay Imbradoor Ilyaas, sidaasna taladii Itoobiya ay kula wareegtey gabadha la yiraahdo Nigiste Negest Zewdit. 2/8- 1928-kii ayuu heshiiskaasi dhacay iyada oo Itoobiya ayan lahayn wax awood ah oo ay ku gasho gor-gortan. Heshiiska waxay hal-heys uga dhigeen:

“ Itoobiyana ha hesho waddo ay xeebta ku gaadho, Talyaaniguna ha helo waddo uu gudaha ku gaaro “. (David Nicolle, The Italian Invasion of Abyssinia 1935-1936, (1997), p. 7. Roma – Italia).

Talyaaniga oo Ereteriya heystey ayaa markaas ku shaxaatamay in uu dhankaas jilicsan ka siiyo fursad ay kaga adeegtaan dekadeheeda. Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay manta noqotey dhankii jilicsanaa. Heshiisku wuxuu qeexayay, xuduudda u dhexeysa Itoobiya iyo gobollada Soomaaliyeed ee Talyaanigu gumeysto in lagu dhereriyo xeebta gobolka Banaadir oo la mariyo meel u jirta 20 league (league = 46. km. iyo 80 m. – waa meel farasku uu saacad ku gaaro).

Talyaanigii ayaa markuu si buuxda u caga-dhigtey Gobolladii koonfureed, wuxuu jebiyay heshiiskii. Meelihii uu xarumaha ka dhigtey ee xuduudda ahayd, inbadan oo kamid ah waa uu dhaafiyay xadkii uu kula heshiiyay Itoobiya. Nasiib-darro waxaa ahayd, welina ah, ummadda dhulkeeda sidaas loogu tashanayay (welina loogu tashanayo) in ay ahayd, sida maantaba ay tahay ummad ay ka maqan tahay baraarug iyo wacyi ay ummadaha kula garramaan. Sida aanu soo xusney, meelaha dheeriga ah oo sanadkii 1930-kii uu maamulkii Talyaanigu ciidanka geystey waxay ahaayeen: Feer-feer, Ulsan, Laba-baar, Shiilaabo, Gar-loogube, Wal-waal, War-dheer iyo Gallaadi.

Boqortooyadii ka talisey Itoobiya, inkasta oo ay arinkaas ka gadooddey, misana awood ay kula garanto ma ayan heyn. Tallabada keliya oo falkii Talyaaniga ay kaga jawaabtey waxay ahayd in saldhigyadii Talyaaniga ay ka hor-dhisto xarumo ay fadhiyaan ciidamo Itoobiyaan ah oo Addis-ababa laga keeney. Mugdiyada ay bulshada Soomaaliyeed ku jirteyna waa tuu tixda ka tiriyay Allaha u naxariistee Xaaji Aadan Af-qallooc markuu lahaa:

Mugdi baynu soconaa habeen aanan nuur jirine
Sidii Banui-Israa’iil mutaan marar sallownaaye
Isku murugnay aakhirana waa madhax xunoo yaalle
Maxaan idinku maaweeliyaa miridhay laabtiiye. (Xaaji Aadan Af-qallooc)

Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeed | Casharkii XVI-aad "

  1. S/C salaan kadib aad iyo aad ayaan ilaahay oogu mahad celinayaa intaasi kadib waxaana sidoo kale aad oogu mahadcelinayaa khayr Allaha siiyo walaalkeen Dr Eenow oo runtii aan kufaanayno maanta raga noocasi oo kale aha waxan kale oon umahadcelinayaa dhamaan bahda somlitolk oo runtii fududaysay oo iskuna dayday ilaahay haka abaal mariyo inay ka qaybqaataan wacyi galinta soomaalia waxaan kusoo koobayaa hadlkayga ilaahy khayr kusiiyo miisaankaaga aakhiro alllah kuugu daro waxaana Dr kaa codsanaynaa inaad intaad kari karto aad barnaamijyada noocan oo kale aha iyagoo maqal iyo qoraal aha aad dadka soomaaliyeed usoo godbiso waana mahadsantihiin…

  2. abshir baafo says:

    aad baad u mahadsantihiin dhamaan shaqaalaha somali talk iyo waliba dr eenow waxaan dhihi karaa waa wabsite ka kali ah oo wax ter u leh umada soomaliyeed shaqada meeshaas ka wada waligiin allah kheyr idnka siiyo

  3. fiidoow says:

    a.w.w
    diktoor saadiw eenoow kheeyr farabadan alaah ha ku siiyo taariikhda qiimaha leh ee aad soomali uqortay.
    waxaan ku waydiinkaha goormaad buugtan daabacaysaaaaaa si aan u iibsano ilmahayagana u barno
    kheeyr ayaan kuu rajaynaaaaaaaa.