Home » Maqaallo »

Miyaad maqasheen Hooyadii Qaaliga ahayd ee 4 wiil oo ay dhashay ay birta isu lisanayaan.

4 taan wiil mid waa Ciidanka Sirdoonka Xamar midna waa Al-shabaab midna waa Maleeshiyada la socota duullaanka Kenya halka midka afraadna uu caseeye (baalashle ) ka yahay xamar .
Si lama filaan ah ayay hooyadan Telefishinada uga aragtay hal xili wareed 3 ka mid ah wiilasheeda oo ay suura gal tahay inay nafta iska qaadaan hadiiba ay nolol isku arkaan halka midka afraadna uu halis u yahay 3 kale falalkooda aan loo meel dayin sida qaraxyada iyo xabad la iska furo suura galna ay tahay inuu ku naf waayo fal walaakiis gaystay asagoo Janno ama Jaad doonaya .
Muragada hooyadas haysata waxaa u dheer hadii wiilasheeda ay is khaarajiyaan geerida iyo murugada wax la wadaago ma hasato marka laga reebo daris xaafad 5 aad ama ka fog dhawr qoys oo ku dhaqan kuwaas oo iyaguna colaaddu ay halbawlayaasha jartay socodkooduna gaabis noqday waxay taraana ay tahay tooda inay marka hore toosiyaan .
Miciinka kuwii u noqon lahaa ee ay mudoba kusoo tacabtay ayna ka filaysay inay garabkeeda noqdaan maalinta qoorteeda la laabana ay bud dhigaan waxay isu noqdeen cadaw aan isu nixin colaada ka dhex taagan waxay halis u tahay inay galaafato Hooyada aamintay in xagga samada laga inkaaray .
Kamay soo kaban dhaawicii umusha iyo saacadihii dheeraa ee foosha , intaas oo dhan waxay ku iloowday Hooyadan markay dhashay iyadii wali ku dhex jirta dhiigii dhaawiciina uu wali qoyan yahay ayay wiilashii ay ku nasan lahayd u diideen nasaho , waxay u diideen inay habayn si raaxa leh u seexato , waxay ka dhaxashay tiiraayno iyo soo jeed dhafoora hays iyo ciil iyo caro joogta ah ,
Hooyadan waxaa dhaawacay xubneheedii qaaliga ahaa kalana dhantaalay Ubadkay dhashay dhawr sanana ay nuujisay Hooyadan waxaa la yiraahdaa Somalia ( waa Jamhuuriyaddii Somalia ee ciideeda kuwuu ku caana cabay ay cadaabka mudeen )

Aadam Zaki
Aadan17@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.