Iyadoo dalka yaman rabshadaha iyo dagaalada ka jira ay sii kordhayaan maallinba maalinta ka danbaysa ayaa waxa ay rabshadahasi saameeyeen dadka Soomaalida qaxootiga ah ee ku sugan gudaha dalka Yaman.
Qaxootiga Soomaalida oo muddo dheer dalkaas ku sugnaa ayaa dhibaatooyinka ay la kulmaan waxaa ka mid ah dil Xarig iyo dhac loo gaysto.
Rabshadaha ka dhaca inta badan gudaha wadanka Yaman ayaa dhibaatooyin waxa ay hore uga soo gaareen Soomaalida taasoo geyeyesiisay in in badan oo soomaalida ka mid ah ay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya.
Dr Cabdiwahaab oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaalida ee ka hawl gasha isbitaalka weyn ee magaalada Sanca ayaa sheegey in maalinimadii shalay Isbitaalkaas la soo gaarsiiyay illaa laba Ruux oo Soomaali ah Meydkooda.
Meydadka Soomalida ee halkaa la soo gaarsiiyay ayaa la sheegey in la dhigay qaboojiyaha Isbitalkaas iyadoo aasiddoodiina ay dib u dhacday.
Dhaqtarka ayaa sheegey in dhibaato weyn ay ka jirto dhinaca aaska meeydadka isagoona intaa raaciyay in aan la aasi karin soomaalida ku dhimata dalka Yaman illaa laga xaqiijiyo Eheladooda.
Dhaqatarka Soomaaliga ayaa intaa raaciyay in ay hore u jiri jireen somaali fara badan oo la waayo eheladooda kuwaasoo muddo dheer ku jira ama iska dhex yaala talaajadaha loogu tala galay dadka Meeydka ah.
Lama garanayo labadan Meydadka Soomaalida ah sababta ay u dhinteen iyo cidda dishay toona wuxuuna dhaqtarkan ugu yeerey Mas’uuliyiinta safaaradda Soomaalida ee cadan in ay arrimahaa u kuur gasho waxna ka qabato.
Si kasta ha ahaatee ma aha markii u horeeyey ee dad soomaaliyeed ay ku dhintaan gudaha dalka Yaman iyadoo inta badan ay saamayso rabshadaha ka dhacaya dalka Yaman.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Waa nasiib daro dadka kunool geeska afrika oo 21 sanadood fahmi waayay dhibaatada hortaagan inay xal u helaan dagaaladii sokeeye ee ay ku burburiyeen dawladii dhexe ee qaranka soomaaliyeed lahaa.
Hadii mudo lagu jiray jahawareer iyo dagaal aan ujeedo lahayn iyo xarbul ahaali waxaad moodaa in markii danbe mashaakilkii midabkiisii runta ahaa soo baxay oo uu si cad u muuqday. waxaad arkaysaa in muda yar kadib dadkii ama beelihii ama dagaanadii soomaaliyeed qaybo ka mid ahi ay xakameeyeen oo xaliyeen mashaakilaadka dagaalada sokeeye.
Waxaana ugu horeeyay oo xalka helay SOMALILAND oo ah in lasameeyo maamul ka shaqeeya umada nabad galyadeeda kaasoo lagu liibanay laguna nabad galay dal iyo dadba.waxaa ka daba qaatay markiiba PUNTLAND oo sidaa si la mid ah yeelatay maamul xakameeya amaanka bulshada kaasoo lagu liibanay hormar lataaban karana lagu gaaray ilaa xad.
Waxaa soo if baxday in mushkilada hortaagan in dawladii dhexe la helo oo soomaaliya lagu soo dabaalo hanaan dawli ah ay tahay MOGDISHO oo ku guuldaraysatay inay taageeraan maamul noocuu doonaba ha ahaadee.21 sanadood ayay umada soomaaliyeed u xayiran yihiin MOGDISHO oo aan nabad ahayn.
Laakiin barta guuldaradu iyo fashilku ka dhacay ayaa waxay tahay in wax garadka soomaaliyeed ay fahmi waayeen in ay badalaan caasimada ayadoo sababtu tahay shacabka oo ah halbeel taasoo badalaysa macnaha caasimadi leedahay markiiba iyo iyagoo hubaysan oo aan diyaar u ahayn in maamul dawli ahi ka shaqeeyo MOGDISHO oo umadii soomaaliyeed si nabad ah ugu soo laabtaan oo ku nabad galaan way diideen 21 sanadood. mar hadii arin sidaa yahay laguma qasbana in shacab aan wax haba yaraatee rajo ah lahayn mudo intaa kabadan lagu lumiyo oo la sugo bal in wuxuun iska badalo.
Waxaa lagaran waayay sababahaan oo jira awadood in la badalo caasimada si umadii soomaaliyeed u hesho xal dawladuna ushaqayso waxaad moodaa in qodobkaan aan laga fikirin si dhab ah oo waliba dadka qaarbaa u haysta waxaanba dhici karin!!! hadii arintu tahay arin diiniyan ah oo ilaaahay ina amray inaynaa badalin caasimada taasi waa sax oo hade diintaa diiday balse hadii aynu dalkeena kolba meeshii aynu u aragno in xal inoogu jiro oo faa iido inoogu jirto inaan ka faa iidaysano waa gar waana sax.
Aduunka waxaa ka dhexeeya xiriir iyo dan guud hadaba waxaa soomaaliya lagu cunaa lacago malaayiin ah oo aan u jeedno hadana gar ah qaarkood waayo waxaa caalamku ina yiri shacabka mogdisho waxay col u yihiin oo aan ka ilaalinaynaa dawladooda!! hadii arintaa aad eegto waa run oo shacabku hadii AMISOM aanay joogin mogdisho madax waynahana waa dili lahaayeen baarlamaanka iyo wasiiradana waa layn lahaayeen oo bururin lahaayeen intaa yaree kumeel gaarka ah. markaa waa gar in laga ilaaliyo. balse dawlada soomaaliland ama maamulka iyo tan puntland shacabka lagama ilaaliyo waayo shacabkaa raba maamulka wakaa farqigu.
Hadaba hadii dawlada lagayn lahaa meel banaan ama gobolada dawlada doonaya oo fahmsan macnaha dawladnimada hadii goboladooda lagayn lahaa shisheeyhu kuma dhaheen ciidan baa keenayaa oo malaayiin kuguma cuneen lacagtaasi waxay gali lahayd ciidanka soomaaliya oo dhismi lahaa ileen majiri lahayn ciidan lagu yiraahdo dawladay shacabka ka ilaalinayaan ee. hadaba dhibta soomaaliya gudaha iyo dibda ku haystaa waxaa masuulka ah halbeel oo dadkii soomaaliyeed ku qasabtay inay MOGDISHO caasimad ahaato islamarkaana u diidan inay nabad noqoto!! waxaa badaha ku dhimanaya ama dalaka shisheeye ku halaagsamaya waxaa sabab u ah oo kaliya beeshaa 21 sanadood xayirtay caasimadii umada ka dhaxaysay.
Waxaase nasiib daro ah xal ku xiran oo kaliya caasimada oo labdalo in qaran dhan intaa u burbursanaado oo u xayiraado.wax haba yaraatee rajo ah oo laga sugaa majiro shacabka MOGDISHO shacabkale oo MOGDISHO ku nool oo dawlada taageeraana magaalada ma joogo waa in si fiican loo fahmaa in wax rajo ahi jirin. shisheeyuhuna dantooday wataan fursad bay utahay iyo dhaqaalo. shacab dhan oo isku raacsan in magaaladaas aysan marnaba amaan helin cid nabadaynkartaa majrto waxa kaliya ee ay nabad ku noqon kartaa waa rabitaanka shacabka taana wax habayaraatee rajo ah lagama qabo mana dhici karto sina uma dhicikarto aad uugu fiirsada soomaaliyeey.
21kaa sanadood MOGDISHO ayaa loo dawlad layahay hadaan laga tashan bal aan eegno 21 sanadood ee soosocda in isbadal yimaado!!!oo shacabka mogdisho isu tanaasulaan!!! waydaan dareeminee waa shirqool soomaali lagu shirqoolay mogdisho dhab ahaana shacabkaa la ogaaday.