Home » Warar »

Shir jaraa,id oo ay maanta ku wada qabteen Reysalwasaaraha DFKMG iyo Radhika Coomarswamy magaalada Muqdisho.

Waxaa maanta kulan qado ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FKMG ah Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wefdi sare oo ka socday UN-ka oo ay hogaamineysay Radhika Coomaraswamy oo ah kuxigeenka Xoghayaha guud ee Q/midoobay u qaabilsan arrimaha difaaca Caruurta, waxayna kulanka kadib wadaqabteen shir jaraa’id oo ay ku faah faahinayeen waxyaabaha ay ka wada hadleen.

Wuxuu yiri waxay noogu timi inay hubsato inaanaan curuurta u isticmaalin dagaalka arintaasi waa arin wanaagsana sababtoo ah waxaan rabnaa ee qofku markuu qof weyn yahay ee uu qaangaaro ayuu ama ciidamada geli karaa ama dagaal geli karaa.

Laakiin ilmuhu inay dagaal galaan ma,aaminsanin siyaasada dawladana kamid maaha waana kasoo horjeednaa wayna naga go,antahay inaanu arintaa kadhabayno.

Waxaan rabnaa ilmuhu inay iskuul dhigtaan inay wax bartaan inay noqdaan xubin muhiim ah oo bulshada wax tari karta mustaqbalna u noqon kara wadankan.

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/shircabdiweli.mp3]

 

Halkana kadaawo sawiro dheeri ah

Ma rabno sida nimankan naga soo horjeeda ee alshabaab ay u isticmaalaan dagaalada ay kulaayaan ay kudhameeyaanoo marka arintaasaan kawada hadalnay waana isku afgaranay iyaguna wixii ay kageysan karaan inay ka geystaan anaguna aanu cadayno kadawlad ahaan waxba qarin mayno waxaan rabnaa inaan waxwalba banaanka soo dhigno.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.