Home » Warar »

Banbaano lagu weeraray guriga uu dagan yahay mid ka mid ah saraakiisha sare ee ciidamada dowlada KMG somaliya .

Bambada F1 ayaa lagu weeraray guriga uu magaalada ka dagan yahay admiral guuto faarax Cumar Axmed Farax qare oo ah taliyaha ciidamada badda somaliyeed waxaana bambaanadu burbur gaarsiisay dhismaha inkasta oo aan la sheegin dad wax ku noqday

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay maqlayeen qarax weyn kaasi oo cabsi galiyey dadkii goobta ka agdhowaa ,waxaana qaraxu dhacay xiligii salada maqrib iyo cishaha u dhaxaysay waxayna sheegeen in aysan arkin wax ku dhintay iyo wax ku dhawacmay intaba

Xiriir ay somalitalk.com la sameysay Admiraal guuto Faarax Cumar Axmed ayuu xaqiijiyey in bambaanada gacanta gurigiisa lagu weeraray isla markaana aan cidi wax ku noqonin

Faarax qare “waa jirtaa in bambaanda gacanta lagu soo tuurey gurigeyga balse cid wax ku noqotay ma jirto waana carareen kooxdii ka danbeysay guriga dibadiisa in ay dad wax ku noqdeen ma cadayn karo balse anaga waxba nama soo gaarin “

Magaalada Muqdsho ayaa waayadaan waxaa ku so badanaya falalka amaandarida ah waxaana meelaha qaar ka dhaca dilal iyo qaraxyo iyo weeraro loo geysto goobaha qaar .

Ma jirto cid sheegatay mas.uuliyada weerarkaan bambaano lamana yaqaan cidii ka danbeysay iyo weliba sababta loo bartilmaameedsaday guriga taliyahan ciidamada mariiniska dolwada KMG somaliya.

 

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666
00252-0699-907666

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.