Home » Warar »

Cabdulaahi Cabdi Yirid oo Shirkii London ku Tilmaamey Shirkii Hagardaamada Soomaaliya.

Arrimo Sir ah oo uu Daboolka ka qaadey

Cabdulaahi Cabdi Yirid oo ka mid ahaa Dhalinyaro lagu martiqaadey shir ka dhacay Magaalada London ee Cariga Ingriiska gaar ahaa 31 dii Oktoobar ayaa sheegey inshirkaas lagu martiqaadey dad fara badanoo isugu jirey Soomaali iyo Ajaaniib , sago sheegey ama ku tilmaamey Shirkas Shirkii Hagardamada ee Soomaliya wuxuuna Wareysigiisa daboolka uu kaga qaadey arrimo sir oo uu sheegey in lala damcasan yahay dadka Soomaaliyeed.

[audio: http://somalitalkradio.com/cod/2011/cyirid2011.mp3]

Aqooyahan Cabdulaahi Cabdi Yirid oo ka mid ah Dhalinyarada Ku nool Dalka Ingriiska Waxna Kabarta Mid kamid ah Jaamacadaha Ku yaala Dalkaasi ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Idaacada Al-furqaan Magaalada Muqdisho waxa uu Daaha ugu Qaaday Ciidamada Ka socda Dowladaha Ugaandha iyo Burundi ee ku sugan Wadanka Soomaliya inay Dalka Keensatay Shirkad Shisheeya ah oo uu leeyahay Nin Ku nool Magaalada Virjinaya ee Wadanka Maraykanka.

Cabdulaahi Cabdi Ayaa sheegay in Ninka Hogaanka ka ah Shirkada Maalgalinaysa Ciidamada Shisheeye uu isna lacago badan kaga soo qaato Dalal Ka tirsan Midowga Yurub balse uusan Carabaabin wadamadaas balse sheegey inuu hayo Qoraalo fara badan. Oo ku aadan shirkaas hase yeeshee oo uu sheegery in uu dib u soo bandhigi doono

Aqooyahanka ayaa sidoo kale sheegay in Shirkadaha Ajaaniibta ah ee Ku sugan Gudaha Dalka Soomaaliya ay sii balaariyeen Dowrkooda Ku aadan Ka howlgalida Dalka Soomaaliya iyagoona qoranay Dhalinyaro Soomaaliyeed.

Maamul Gobaleedka Putland ayuu sheegay Xiligaan in si wayn ay ugu howlgasho Shirkaad Sarasen Taasi oo Hub Badan Gudaha U galisay Deegaanada Maamulkaasi. Ugu Danbayntii Aqooyahanka ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in Shirkadaha Shisheeye ay Ciyaarayaan Sidoo ay u maalgalin lahaayeen Maamul Gobaleedyda Dalka Ka jira ee maalmahan si aad dhismahoodu u socdo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Cabdulaahi Cabdi Yirid oo Shirkii London ku Tilmaamey Shirkii Hagardaamada Soomaaliya. "

  1. ali adam says:

    a.c. walaalaha somalitalk aad ayaad umahad santihiin sida aad waqtigiina ugalisaan sida aad nagu soo gaarsiin laheydeen bobka lagu hayo dhulkeena iyo qeyraad kiisa. wax badan ayaad dheertihiin websityada ama news yada somalida arin muhiim ah ayaad umada uheysaan. tankale waxa cadaatay in bobka dalkeena laguhayo aan lajoojineyn inlayska qabto mahee
    sababtoo ah markii barlamaanku diiday in wax lagabadalo sharciga territorial water ka somalia ayay waxey bilaaben baaritaan kii shidaal ka ayagoo cidna amar weydiisanayn. arimahaasna waxaa wada caloshood ushaqeyste yaal somali ah iyo kenya oo ay dabada ka riixayaan wadamo shesheeye. hadaba wax badan ayaan ka qaban karnaa waa in dadka intii ka daqnaneysa ay kulmaan dalka iyo dibadiisaba wax badana lagahadlo loona soo bandhigo dadka somaliyed iyo bulshada caalamka burcada boobeysa hantida umada somaliyed. waad mahad santihiin bahda somalitalk